Xuska May

0
1740

Xuska May

Astaamaha qaranka waxa ka mid ah in ay jiraan munaasabado iyo maalmo qaran, bisha may gaar ahaan 18 keedu waxa uu kaga jiraa taariikhda Somaliland baal dahab ah, waa markii aynu ku dhawaaqney lasoo noqoshada madax banaanideenii inagoo kaga go,ney Jamhuuriyadii Soomaaliya. Taas oo ay kalifeen waxyaabo badan oo aanan hadda furfureynin, sababtoo ah ka gayoon mayno taariikhdaa.

Xuska Maalinta 18 ka May wuxu noqday mid ku tilmaaman dareen wadaniyad oo sareeya, ayaamahaa lagu gudo jiro waxa la sameeya waxyaabo badan oo aan wakhtiyada kale la arag, calanka ayaa meelo badan oo magaalooyinka ka mida la sudhaa, suuqyadana waxa camira meherado lagu iibinayo calamaanta, heeso wadaniya ayaa ooda laga soo qaada oo idaacadaha, gawaadhida iyo wadooyinka ka qayliya.

Waxa heegan gala guud ahaanba Ciidanka qaranka nooc walba ay yihiin, waxa la diyaariyaa guutooyin ciidamo ah oo soo bandhiga cududa dalka iyagoo direyskoodii, hubkoodu iyo gaadiidkoodiina aanay ka maqneyn meesha, halkaas oo ay baanbooyduna ka tumaan muusiga heesta qaranka oo runtii ku qiiro galinaysa.

Waxba yaanu qalinku toga ilasii xuline, sanadkan aynu ku jirno oo ah 2016 ahna sanadii 25aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay qaranimada Somaliland, waana rubuc qarni gaw ah.

Su,aasha meesha taalaana waxey tahey maxaa inala gudboon madax iyo mijaba?

Wadaniyadu maaha inaad kun jeer hees wadaniya dhageysato, maaha inaad calanka meelkasta iska sudho, maaha inaad kolba meel ku qorto xuska May usoo baxa. Intaasiba waa ka mid laakiin macnaha wadaniyadu intaa way ka gun iyo gudo balaadhan tahey, waa iney lexejeclo kaa gasho wadankaaga iyo dadkaaba, waa inaad ka damqato wixii wax yeelaynaya ama keenaya iney sharaftiisa, bilicdiisa iyo buruudkiisuba hoos u dhacaan, waa in uu ku taabto oo ku xanuujiyo dhalinyarta sida bilaa xisaabta ah uga qulqulaysa wadanka, waa inaad ka diir naxdaa uskaga wadooyinka iyo meelaha ishu qabanayso ka muuqda, ka damqato wadooyinka godadka iyo dhagaxaantu buuxiyeen, waa inaad af iyo adinba wadani ka noqotaa oo aad naf iyo maalba u hurtaa adoon dawlad dhexe iyo tu hoose toona ku eegayn iney hawshaa fuliyaa, waa run oo iyaga ayaa inoo qaabilsan hawlahaa, haddana dawladii waa inagii uun, far kaliyana fool iney dhaqdo suurtoobi wayday, hadaan shanta farood iyo baabacaduba isu kaashan wax hagaagayaa ma jiraan, sidoo kale qaran ilaalintii waa in loo tafaxaytaa shicib iyo xukuumadba oo si hagar la, wax looga qabtaa.

Taasoo jirta waxan jeclaystay inaan akhristayaasha la wadaago laba qodob, kuwaasi oo si toos ah u abaaraya Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee JSL, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL iyo cid kasta oo wax ka qaban karta, sidoo kalana fariin u diro qeybo ka mida bulshada

· In manhajkeena min bilaw ilaa heer jaamacadeed lagu daro casharo ka hadlaya wadaniyada sidoo kalena lagu daro manhajka dugsiyada hoose dhexe taariikhdii aynu soo marney, ta hore waxey bulshada ku keenaysaa iney u bislaadaan wadankooda kalgaceyl dheeri ahna u qaadaan. goobaha wax barashaduna waa meelaha ugu muhiimsan marka dad wax laga dhaadhicnayo, ta laabdna waxey bareysaa kacaanka yar yar taariikhdii lasoo marey iyo hadba waxey ku fadhido in la xuso maalmaha qaranku.
· Kan labaadna waxa uu yahey fisqiga iyo waalida lagu kaco ayaamaha dabaal daga xuska 18ka May oo run ahaantii ah kuwo si xoogeysanaya sanadba sanadka ka danbeysa , waxaad arkeysa qol yar oo qaadkiisu intuu ahaa saddex laab ay isku gureen oo rag iyo dumar lays dhex qaadayo, wixii ladoonaana ay meesha ka dhacayaan, sida dam iyo raxda hayo saqda dhexe lagasoo dareerayo, waxaan jeclaan lahaa in gabi ahaanba la mamnuuco xafladaha caynkaas ah, laguna badasho waxyaabo kale oo aan Illahey (SWT) inaga fogeynayn.

fariin aan u dhaafayo dhalinyarta Tahriibka miciinka bidey ee wadankana u yaqaana (Dustland)

muwaadin kani waa dalkaagii, dadka ku dhaqanina waa dadkaagii, waxa aad xor u tahey inaad wax ku soo kordhiso, waxaad haysataa fursadii ugu fiicnayd ee aad ugu adeegi laheyd bulshadaada, doog qeyrkaa ka beertay ardaagiisii waxba haw hanqaltaagin hana ku lumin

dhambaal aan ugu talo galey ganacsatada

dhaqaalaha aad ku baantid waxa ay kaasoo galeen bulshada, waa waajib inaad badh kamida kusoo celiso bilicda wadankaaga “Macaashtaye Kumaad Tahay”

ALLAA-MAHAD-LEH
Hibo Essa