Agaasimaha Wasaarada Maaliyada Oo Sheegay In Wasiirada Iyo Shaqaalaha Dawladu Ka Cararayaan Shilinka Somaliland

0
357

Agaasimaha Wasaarada Maaliyada Oo Sheegay In Wasiirada Iyo Shaqaalaha Dawladu Ka Cararayaan Shilinka Somaliland

Hargaysa(Warsugannews) Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Somaliland Maxamed Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay dhaliilo hore loogu soo jeediyay wasaaradiisa oo ku saabsanaa in Wasaarada Maaliyada ay ku lug leedahay sixir bararka Dolarka Iyo Hoos dhaca shilinka Somaliland

Kadib Kulan ay yeesheen golaha xukuumada Somaliland waxaa looga hadlay sidii hoos loogu dhimi lahaa qiimaha sare usii kacaya ee dolarka,adeegyada( Edahab iyo Zaad) kor u kaca qiimaha Sarrifka ee lacagta Dollarka, Sidoo kale, Waxaa Jira niman Sarrif-layaal ah oo kooto(xuurto) ku haysta Sarrifka.

Hadaba waxa si-isdaba joog ah hoos ugu dhacayey oo maalinba maalinta ka dambaysa sii qiimo beelayey lacagta dollarka.

Kulankaas xukuumada waxaa lagu goaamiyay Sarrifku wuxuu marayey($1=7800SLSH) gacanta hore, halka gacanta danbena uu ka marayey ($1=8000SLSH), Maanta waxay maraysaa gacanta hore ($1=6000SLSH), tan dambena ($1=6200SLSH), Taas macnaheedu waxa weeyaan in qiimaha Sarrifka ee gacanta hore uu kor u kacay (76.9%) ku dhawaad boqolkiiba todoba iyo todobaatan, Tan dambe, ayaa iyana noqonaysa (77.5%), boqolkiiba todo iyo todobaan iyo badh.

Haddaba, marka la eego qiimaha intaa le’eg ee uu Sarrifku hoos u dhacay, waxaad dareemi kartaa inuu yahay mid aan caadi aheyn.Waxaan Ognahay Hadaba, in arrintan qiima dhaca ah ee aan caadiga ahayni ay ka dhalatay ama ay salka ku hayso laba qodob oo kaliya:

1. Dareenka dhashay hadalkii Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

2.Hadal ay maalmahaas isla dhexmarayeen Dadweynaha reer Somaliland gaara haan reer Hargeisa oo ku saabsanaa Sarrifka iyo in Sarrifleyaasha la xidhidoono.

Arintan qiimaha dolarka hoos loogu dhigay ma ahayn Mid Run ah,waxaana ay alaabtii weli lagu kala iibsanayaa Dolarka iyadoo ay Dadkii ka yaacayan lacagtii SLShillinka oo ku baddalaya lacag Dollar ah

Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay kordhin doontaa qiimaha Sarrifka ee lacagta dollarka iyadoo sababtuna ay tahay Dollarka oo suuqa ku yaraan doona maadaama oo nin waliba uu imika rabo inuu jabnida kafaa’iidaysto oo uu gabbood (Hedge) ka dhigto lacagta adag ee Doolarka (The hard Currency).

Hadaba Arintani waxaa ka hadlay Xildhibaan Siciid ayaa ka hadlay Cida Shilinka Dalka Dibindaabyada la daba taagan taasi oo ku sheegay Talada Madaxtooyada Kor u qaadista Shilinka Somaliland iyo Ficilada Wasaaradda Maaliyaddu ku hantaaqinaysaa waa laba isburinaya waxaana uu yidhi isagoo ka hadlaya “ Iyadoo Sicir barar laga qaylinayo ayaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisey Cashuur bararin aan xad lahayn! Xaggee ayay iska qaban la’dahay. Shicibkii oo la ciirciiraya qiimihii hore ma macquulbaa in kor loogu sii qaado qiimaha badeecadaha iyo adeegga. Tu kaloo ka daran baa jirta!

Markale isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “ Ta ka sii darani waxay tahay, Wasaaradda Maaliyaddu sannadkan waxay bixinaysaa kharash dhan 1,218 Bilyan [ hadda maaha Milyano waa hal tirilyan iyo laba boqol ito sided iyo toban bilyan] oo Shilin Somaliland. Taas macneheedu waxa weeye, bil kasta waxaa celcelis ahaan la bixinayaa oo suuqa soo gelaya kharash dhan 100 Bilyan [ama 100 kun oo Milyan] oo Shilin. Haddii ay suuqa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo afuufayso mawjado Shilin Somaliland ah suuragal ma tahay in Sarrif Bararka dawo loo helo? Sidee ayay isula jaanqaadayaan dadaalka Madaxweynaha iyo doc-faruurka W. Maaliyaddu. Tu kaloo ka daran baa jirta”!

Ugu Danbayntii Xil Siciid Maxamed Cilmi waxaa uu sheegay “ Tan kalee ka sii darani waxay tahay, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu qorshaysatay [markaad Miisaaniyadda eegto] inay bil kasta kumanyaal malyuun oo shilin Somaliland ah suuqa soo geliso ayay ku sii darsatay inay xaraysato, oo Baankii Dhexe ee xaqa u lahaa ka maroojisato, lacagtii doolarka ahayd ee lagu bakhtiin lahaa dabkaas Sarrif-bararka ah ee ay siyaasad xumaanteedu sababtay”.

Hadaba wargayska Xogogaal ayaa wax ka waydiiyay agaasimaha Guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Eedahan uu xil siciid Maxamed Cilmi usoo jeediyay wasaaradiisa kuna aadan in wasaarada Maaliyadu Masuul ka tahay kor u kaca dolarka iyo hoos u dhaca ku yimi mar kale shilinka Somaliland xili ay xukuumada iyo Madaxweynaha qaranku isla qaateen in shilinka Somaliland kor loo qaado hoosna loo dhigo Qiimaha sarifka dolarka waxaana uu agaasimuhu kaga jawaabay arintaasi “Horta Xildhibaanku anaguu na eedaynayaaye isagu ma ka bad qabaa wuxuu nagu dhaleecaynayo,waxaan kuu sheegayaa Dhamaanba xubnaha ku jira xukuumada sida wasiiradaagaasimayaashaxildhibanada,askarta iyo shaqaalaha dalku midna ma ogola shilinkii somalilandoo way ka cararayaan,Dolar ayay wada doonayaan,Hadii la yidhi dolarka hala yareeyo suuqa gelaya Ma in Nin kastaa jeclaado dolar fudud oo uu jeebka ku qaataa, Waar cid kale iska daaye Adigaagan weriyaha ah saadka ayaa kuu furan,oo in saad lacagta lagugu siiyo ayaad doonaysaa,aniga saad iima furna”. Ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa

Xigasho Wargeyska Xogo-gaal