Buugga la magac baxay “Hal aan Tebaayay” Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay +Sawirro

0
559

Buugga ‘Hal Aan Tebayay’ Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay +Sawirro

Hargeysa (Warsugannews) Xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigayey daabacadda labaad ee buugga “Hal aan tebayey” oo uu qoray qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan ayaan xalay ka qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladda oo ay soo qabanqaabiyeen ururka qoreyaasha Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay dhallinyar aad u tiro badan, salaadiin, xildhibaanno, hal-abuur iyo suugaanyahan waawayn oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdi Aadan Xaad “Qays”, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo hal-abuur kale oo da’ yar u badnaa. Sidoo kale waxa ka soo qayb galay wasiiru dawlaha wasaaradda Macdanta, musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID iyo Xildhibaan Rayte oo ka socday Waddani.

Buugga “Hal aan tebayey” oo lagu ururiyey sooyaalkii qadhaadhka iyo macaanka lahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc ayaa waxa qoray oo isku dubbariday qoraaga wayn ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Buuggan oo hore loo daabacay ayaa mar kale uu soo saaray Qoraagu Daabiciddii labaad sannadkan, taas oo ahayd kolkii ugu horraysay ee Hargeysa lagu soo bandhigo.

Yuusuf Cismaan Cabdille Shaacir oo ka warramay sooyaalkii Xaajiga ayaa sidoo kale akhriyey qaar ka mid ah gabayadiisii. Waxa uu tilmaamay Abwaan Yuusuf in waayihii barigaa uu ka hadlayey Abwaanku Ilaa hadda in badan oo ka mid ahi taagantahay, sababtuna buu yidhi “Cajaladdeenna oo halkeedii taagan, oo aynaan horumar samayn”. Prof. Xujaale ayaa isna waxyar oo kooban ka taabtay kol uu arkay Xaaji Aadan iyo dardaaran uu siiyey.

Axmed Colaad Digaale oo ku magac dheer “Qorane” ayaa goobta ku luuqeeyay gabayga “Aar Gaboobay” oo ka mid ah gabayada dardaaranka ah ee Abwaan Aadan Af-qallooc leeyahay. Xuseen Nuur Axmed oo ay kulmeen intii uu noolaa Xaajigu ayaa isna tixo ka mid ah kuwii xaajiga akhriyey kana warramay shakhsiyaddii Alle ha u naxariistee Xaajiga.

Kol haddii suugaan iyo sooyaal laga hadlayey, cidda u badan ee intifaacsan doontaana tahay Jiilka da’yarta ah, waxa eray khuseeya goobta ka tidhi Dr. Saynab Cabdillaahi walaaleeye oo iftiimisay muhiimadda sooyaalka iyo suugaanta Xaajigu u leedahay da’ yarta. Sidoo kale Sacdiya Muuse oo ka tirsan bahda Somali Pen ayaa ka xog warrantay muhiimadda ilaalinta Afka iyo doorka qoraalku ku leeyahay.

Jamaal Cali Xuseen, musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID ayaa ka warramay aqoonta ay isku leeyihiin qoraaga buugga iyo in uu ka warhayey soo bixiddii buugga ee daabiciddii hore. Jamaal waxa uu ku hambalyeeyay qoraaga buugga dedaalka uu wado.

Ugu dambayn waxa madasha ka hadlay Xil. Rayte oo sheegay in xisbiga Waddani 25 buug qaateen halka wasiiru dawlaha macdantu xidhitaankii barnaamijka ku dhawaaqay ka xukuumad ahaan in ay qaateen 100 buug oo ah ‘Hal aan tebayey’ daabiciddiisa labaad.

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen dad shan boqol oo qof ku dhow ayaa ahayd mid ay martidu xiisaynayeen taas oo aan loo kala kicin jeer ay ka dhammaatay. Bandhiggan ayaa ah kii ugu horreeyay ee buuggan ah daabacadda labaad ee ‘Hal ka haleel’ loogu sameeyo dalka gudihiisa.
12074597_741171309321369_6626126493637328645_n

12088137_741171145988052_3046988002661641465_n

12112213_741171182654715_1861694989030874639_n

12118683_741171352654698_8218798667048295309_n

12143280_741171319321368_5693142743206107378_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here