Chelsea & PSG Oo Ugu Danbayn Qaladkiisii Qirtay Isaga Oo Sheegay In uu Ibrahmovic Kala Hadlay

0
793

waaxa qore yaasir yarea

Garsooraha ree Netherlands ee Bjorn Kuipers ayaa qirtay in uu qalad ku lahaa in kaadhka cas oo toos ah uu taagay  Zlatan Ibrahimovic intii lagu jiray kulankii Chelsea iyo Paris St Germain ee March 2015 iyada oo xidiga ree Sweden uu qalad 50/50 ah ku galay Oscar. Laakiin garsoore Bjorn Kuipers ayaa qiray in lagu qanciyay in ay kaadh cas ahayd basle uu ahaa kulankii ugu xumaa ee uu dhex dhexaadiyay.Bjorn Kuipers ayaa sheegay in markii uu soo dhamaaday kulankii Chelsea iyo PSG uu qolka labiska kula kulmay Ibrahimovic isla markaana uu u sheegay in lagu qanciyay in kaadhka cas uu ahaa balse ay ahayd in uu kaadhka digniinta ah siiyo. PSG ayaa go’aanka Bjorn Kuipers uu casaanka ku siiyay Ibra aad uga cadhootay inkasta oo Thiago Silva uu waqtigii dheeriga ahaa goolka u dhaliyay kooxda ree France.

Garsoore Bjorn Kuipers oo la hadlay Pauw Talkshow ee wadankiisa Holland ayaa yidhi: “Kulankayagii ugu xumaa waxa uu ahaa kulankii Chelsea iyo PSG ee March 2015 kaas oo aan kaadhka cas daqiiqadii 31 aad siiyay Ibrahimovic. Waxaa la igu qanciyay in ay kaadhka cas ahayd, markii aan daawaday muuqaalka waan bixin karay kaadhka cas laakiin waxaa ka fiicnaan lahaa kaadhka digniinta ah”.

Bjorn Kuipers oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kadib kulanka waxaan qolka labiska la fadhiistay Zlatan taas ayaanan kala hadlay. Waxaan u sheegay in la igu qanciyay intii ciyaartu socotay laakiin uu ahaa qalad”.