Cismaan Badawi”cali Khaliif ha Is Casilo Hadii Xilkii Khaatumo Ku fashilmay,Nin Gurigaaga Kugu Weeraray wada Hadal Waa xaraan”

0
518

Badawi Oo ka Mida Aqoon yahanada Kasoo Jeeda Sool sanag iyo cayn wax Badana la Shaqeeyey QM Ayaa Waraysi Xiiso Badan Uu Siiyey  Waxa Uu uga Hadlay wada Hadaalada Soomaliland Iyo Khaatumo.
Cismaan xasan Badawi Ayaa Sheegay Inuu jirey Shir ka Horeeyey Shirkii Adhicadeeye Oo ka Dhacay magaaladda Balicad Kaasi oo loogu Soo Gogol Xaadhayey Shirkii Bulshada Ku baraarugtey Ee ka Dhacay halkaasi.
Cismaan xasan Badawi Ayaa Sidoo kale Sheegay Inuu wada Hadalada Soomaliland yahiin kuwo gacanta U Galinaya Dhulka Yar Ee ka Banaan Meelaha Soomaliland qabsatay,Isagoona Sheegay Inaan lala Hadli karayn cadow Gurigaaga Kugu Weeraray.
“Cadowga Hadii Uu Gurigaaga Kugu Soo Weeraro wada Hadal lama Galayso Ilaa Uu Gurigaaga kaaga baxo Maamulka Nabad Diidka Waxa Uu Qabsaday Deegaano badan Waxana Sharciga Ahaa Ilaa Ay ka Baxaan wax wada Hadala ma jirayaan “ayuu Yiri Aqoon yahan Cismaan xasan Badawi “.Geestab kale waxa Uu Sheegay In hadii madaxweyne fashilmo waajib Ku tahay Inuu xilkaasi iska casilo,isla Markaasina Madaxweynahii Khaatumo cali Khalif waajib ku tahay Inuu xilkaasi iska casilo hadii Uu ku fashilmay.