10 Qodob Oo Kuu Sheegaya Inaad Ku Waalatay Facebook!!

0
458

Wax waliba isticmaalkooda haddii ay xadka ka baxaan, waxaa yimaado dhibaatooyin badan, taasoo loo saariyo in qofkaasi uu ku walfay waxaas, iyadoo caafimaadkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay kaga muhiimsan tahay isticmaalka waxaas.
Isticmaalka Facebook wuxuu ka mid noqday waxyaabaha lagu walfo, waxaana jiro cilmibaarisyo dhowr ah oo laga sameeyay arintaan, dhakhaatiir ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa waxay diyaariyeen liis lagu qiimeeyo heerka isticmaalkaaga Facebook iyo in aad ku walaftay iyo in kale, waxaana qiimeyntaas loo bixiyay “Bergen Facebook Addiction Scale”.
Baahida ku bixisay cilmibaarayaasha in arintaan diraasado laga sameeyo waxay ahayd in dad badan ay caafimaadkooda ku waayeen isticmaalka aaladda Facebook ee aan kontaroolka lahayn, qaar ayaa naftooda is dhaafiyay ama dad kale dhaafiyay si ay asxaabtooda Facebook u raalli galin lahaayeen ama magac uga yeelan lahaayeen ama u tusi lahaayeen inay dartood waxyaabo halis ah ugu dhiiradaan ama u sameeyaan, taasoo astaan u ah nooc waallida ka mid ah.
Akhristow, sidee ku ogaan kartaa in aad ku walaftay Facebook ama aad ku waalantahay?
Illaa 10 waxyaabood ayaa muhiim ah in aad iska fiirisid si aad u ogaatid in aad ku waalaftay isticmaalka aaladda Facebook iyo in kale.
In wax kasta oo noloshaada ka mid ah aad “SHARE” gareyso, tan oo lid ku ah khusuusiyaatkaaga iyo sirtaada shakhsiga ah iyo midda qoyskaaga, qofka sidaan sameeyo marka hore wuu ku farxaa kadibne wuu ka shallaayaa, waana astaan lagu yaqaano inuu qofka waxaan sameynayo uu ku walfay. Fadlan wax SHARE gareyntaada xad ha yeelato, wixii anfac leh, dhibne kuu keeni karin, sirtaadane kuu ilaalinayo, dadka kalane aanan ku xadgudbeynin.
In farriin kasta oo kuu timaado aadan iscelin karin illaa aad ka jawaabto mooyee xittaa haddii fariintaas ay kuu soo dhacdo saq dhaxe adigoo jiifa, waa in aad hurdada ka soo kacdaa si aad u akhrisid ama uga jawaabtid, iyo adigoo aan fiirinaynin xaaladda aad ku sugan tahay sida shaqada ama waxbarashada.
In wax kasta oo nolol maalmeedkaaga ka mid ah aad soo “report” gareyso si aad u dareentid farxad iyo raynrayn markii aad aragtid qof xiiseynayo waxa noloshaada ku soo kordhay, tusaalooyinka lala yaabo waxaa ka mid ah: in aad soo sawirto ama ka soo warbixiso dukaamada iyo maqaayadaha aad gasho maalin kasta, waxa gurigaaga ku soo kordho sida dadka idin soo booqdo oo kale, meesha aad joogtid iyo jidka aad marayso, in tinta aad jaranaysid iyo inaad xaajo gudanaysid iyo waxyaabo kale oo badan, tan waxay tusaale u tahay in qofka sidaan sameynayo uu raadinayo in la dareemo jiritaankiisa.
In qof walba oo aad Facebook ku aragtid aad jeceshahay in aad noloshiisa wax kasta ka ogaatid adigoo rumaynayo wax kasta oo uu soo qoro, weliba jecel in noloshaada oo idil aad uga warbixisid ama la wadaagtid sawiradaada khaaska kuu ah iyo warbixinno aadan ku aamini karin qof aad kula kulantay magaalada aad dagan tahay.
In noloshaada ka baxsan Facebook aad ku qiimaysid inta asxaab ama inta LIKE ee aad haysato, tusaale ahaan in markaad qof isbaraysid xaga shaqada ama waxbarashada ama meelo kaleba aad ku tiraahdo intaas oo qof ayaan saaxiib la ahay ama intaas oo qof ayaa LIKE i siisay, in ixtiraamka aad u hayso dadka aad ku salaysid tirada asxaabtooda ama LIKE-ta ay haystaan. waa arrin tilmaamayso in Facebook-ga uu ka mid noqday tiirarka aad bulshadaada ku qiimayso.
Isbadal ku yimaado noloshaada ka baxsan Facebook, sida in aad dhibsatid is-aragga iyo wada shaykaysiga iyo booqashada ka baxsan Facebook, in dabcigaagii iyo furfurnaantaadii aad kula dhaqmi jirtay dadka ay isbadashay iyo in aadan baahi u qabin saaxiibtinimada ka baxsan aaladda Facebook.
In isticmaalka Facebook uu saameyn ku yeeshay caafimaadkaaga sida hurdada, cunnada iyo jicmisiga, haddii aad waxyaabahaas wax ka mid ah aad u dayacdid Facebook dartiis waxaad ogaataa in aad ku waalaftay Facebook.
In aad dareentid cidlo ama murugo markii aadan booqan Facebook ama internet aad wayso ama in aad dareentid baahi iyo hamuun aad u qabtid Facebook xilliga aad mashquulsan tahay ama aadan hal malain moogaan karin isticmaalka Facebook-ga iyo in aad wax kasta ka hormarisid, tusaale: haddii waxa ugu horeeyo ee aad samaysid markaa hurdada ka soo toostid iyo waxa ugu dambeeyo markaa jiifanaysid uu yahay Facebook, ogow in aad jidka waalfidda aad soo haysid.
In aad Facebook ku leedahay kumanaan saaxiib laakiin weli aad dareemaysid cidlo iyo kalinnimo.
In cibaadadaada iyo salaadaada uu saameyn ku yeeshay Facebook, xaggii waqtiga iyo xaggii khushuucaba.download