Dhacdo la Yaab leh:- Shimbir sababay ineey is furaan Nin & Naag is qabay

0
850

Shimbirka loo yaqaan Baqbaqaa (Pirrot), ayaa sabab u noqday inuu burburo qoys wada noolaa.
Guurka lamaanahan ayaa kusoo dhamaaday in Ninki xabsi loo diro islamarkaasna ay is furaan gacalisadiisa, kadib markii uu Shimbirka Baqbaqaa kashifay inuu xiriir hoose la leeyahay Haweeneey kale oo guriga shaqaale ka ahayd.
Xiriirka ninka iyo naagta shaqaalaha u ahayd ayaa soo if baxay, kadib markii uu Shimbirkan dhowr mar ku cel celiyay ereyo Romantic ah oo ay is dhaafsadaan labadooda, taasoo shaki ku dhalisay Haweeneeydii uu qabay.
Haweeneeydan oo ka duuleysa waxa ay ka maqashay Shimbirka ayaa ninkeeda su’aashay inuu jiro xiriir uu la leeyahay shaqaalaha balse wuu dafiray.Haweeneydi oo aan ku qancin jawaabta ninkeeda ayaa daliil ka dhigatay ereyada Romantica ah ee uu shimbirka mar walbo ku cel celiyo, waxeeyna dalbatay Furiin iyadoo dacwad qayaano ah kusoo oogtay ninkeeda, waxaana laga yaabaa in hadii lagu helo dambigaas uu muteysto xabsi daa’in (Cimrigaa haku furto).
Qisadaan oo ka dhacday mid kamid ah dalalka Khaliijka islamarkaasna lagu soo daabacay wargeyska Metro ee kasoo baxa UK iyadoo dhameystiran goordhow iga fisha
Dambiga uu galay ninkaan ayaa wadamada Khaliijka waxa uu qofka ku muteysan karaa xabsi daa’in in lagu xukumo.
Sidoo kale hadii la tixraaci lahaa ama la daliishan lahaa hadalka uu ku celcelinayay shimbirkan waxa uu ninkan muteysan lahaa xabsi daa’in, laakiin nasiib wanaag qaadiga maxkamada Kuwait ayaa sheegay ineey cadeeymo ahaan loo isticmaali karin hadalka shimbirka.
Qisadaan la yaabka leh ayaa waxaa qoraalo ka sameeyay jaraa’idyada ugu caansan aduunka.