Ciyaartoydii ka soo baxday Iskoolka Juventus oo iyagoo Tababareyaal ah haatan la celin la’yahay

0
598

waaxa qoreya yaasir br

Ciyaartoyda leh DNA-ga Guulaha Juventus ayaa lagu soo sawiray bogga hore ee Wargeyska La Gazzetta dello Sport ee Talyaaniga, waxaana raggan waa soo maray Iskoolka Juventus misna haatan tababareyaasha ah ugu cad cad Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane.

Sawirka 4 Tababare oo loo xiray Funaanadda Juventus ayaa lagu soo qaatay Jaraa’idkan, waxaana afartuba ay xilliyadoodii kubadda Cagta ay u soo ciyaareen naadiga Juventus.

Raggan Juventus ku faanayso waxay kala yihiin; Zinedine Zidane oo haatan kooxdiisa Real Madrid ugu sarreyso Horyaalka Spain, Antonio Conte oo isna xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay haya xilka tababarenimo ee Chelsea oo hoggaanka u haysa kala sarreynta kooxaha Premier League.

Massimiliano Allegri oo isna layliya kooxda taariikhda dhigaysa ee Juventus oo Serie A-da looga taag la’yahay ayaa lagu xasuustaa xilligii uu ciyaartoyga ahaa ee Juventus u dheelayay, halka sidoo kale Massim Carrera oo isna haatan wata kooxda Spartak Moscow ee Ruushka naadigiisu kaalinta 1-aad kaga jiro jadwalka kala sarreynta kooxaha Tartankaasi.