Daawo: Mo Farah Oo ku Guulaystay Tartanka 5,000m Ee Ciyaaraha Adduunka

0
494

Daawo Muuqaal: Mo Farah Oo ku Guulaystay Tartanka 5,000m Ee Ciyaaraha Adduunka

Beijing, (Warsugannews) —Orodyahanka Mo Farah ayaa ku guuleeystay tartanka 5,000m ee Ciyaaraha fudud ee adduunka oo ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, Mo Farah ayaa hore ugu guulaystay 10,000m ee tartankan.

Mo Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland una orda dalka Britain ayaa noqday ninkii ugu dheereeyay isagoo ku orday 13 daqiiqo iyo 59 ilbiriqsi.

32-jirka oo laba labada Guul ee China ku daraya guulihii hore ciyaarihii Olombikada London ee 5,000m iyo 10,000m ee 2012 iyo 2013 World Championships.

Guushan Mo Farah ayaa sidoo kale gaadhsiinaysa rikoodh cusub maadaama uu ku guulaystay tartankii 3-aad ee World Championships.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here