Gool Kama’ ah oo uu Iska Dhaliyay Fabricio Coloccini oo Arsenal Siisay Guul dhaanta guul darada. Gool Kama’ ah oo Uu Iska Dhaliyay Fabricio Coloccini oo Arsenal Siisay Guul

0
425

Gool Kama’ ah oo uu Iska Dhaliyay Fabricio Coloccini oo Arsenal Siisay Guul dhaanta guul darada.
Gool Kama’ ah oo Uu Iska Dhaliyay Fabricio Coloccini oo Arsenal Siisay Guul.

Kooxda Arsenal ayaa gaadhay guul dirqi ah kadib markii ay 1-0 ugu badisay naadiga Newcastle ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo Galabta dhacday.

own goal from defender Fabricio ColocciniGool otoreeto ama kama’ ah oo uu iska dhaliyay daafaca Newcastle Fabricio Coloccini ayaa u suura galisay in Arsenal ay guul ka gaarto kooxda Newcastle oo garoonkeeda St James Park lagu ciyaarayay.

Arsenal own goal from defender Fabricio Coloccini gave an unconvincing victory over 10-man Newcastle.Newcastle Utd ayaa ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartooy markii garsoore Andre Marriner uu ka saaray ciyaarta oo caalamadda casaanka ama kaadhka lagaga baxo ciyaarta uu siiyay ciyaaryahan Aleksandar Mitrovic daqiiqaddii 16-aad.

Alex Oxlade-Chamberlain and his low shot took a crucial deflection off Fabricio Coloccini to send it into the bottom corner.Goolka ay Arsenal ku badisay ayaa yimid markiii ciyaaryahan Alex Oxlade-Chamberlain kubad uu laaday ay ku dhacday ciribta ciyaaryahan Fabricio Coloccini.

Arsenal ayaa muddo 10 sanno ah aan looga badinin garoonka naadiga Newcastle ku dhawaad 10 sanno waxaana ugu dambeeysay Arsenal oo guuldarro kala soo noqoto garoonka St James Park bishii December sanadkii 2005 waxayna kusoo badisay 8-dii kulan ugu dambeeyay iyadoo 21 gool ka dhalisay Newcastle halka Arsenal laga dhaliyay kaliya 6 gool.

Kooxda Arsenal ayaa 4 kulan ay ciyaartay waxay leedahay 7dhibcood waxayna ku jirtaa kaalinta 5-aad kala horeenta halka Newcastle ay 4 ciyaarood horyaalka Ingiriiska xilligaan ciyaartay ay leedahay 2 dhibcood waxayna ku jirtaa kaalinta 17-aad.’

Kulankaan ayaa waxaa dhex dhexaadinayay garsooraha lagu magacaabo Andre Marriner halka ay daawashada ciyaarta ay ka qeyb galeen 50,388 Taageerayaal ah.

warsugannews-Sports
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here