Jose Mourinho iyo Kooxdiisa Chelsea oo Fadeexo Guuldarro Kasoo Gaadhay Naadiga yar ee Crystal Palace iyo Radamel Falcoa oo Goolkiisa Ugu Horeeyay Chelsea u dhaliyey.

0
500

Jose Mourinho iyo Kooxdiisa Chelsea oo Fadeexo Guuldarro Kasoo Gaadhay Naadiga yar ee Crystal Palace iyo Radamel Falcoa oo Goolkiisa Ugu Horeeyay Chelsea u dhaliyey.

Kooxda Horyaalka Ingiriiska Difaacanayso Chelsea ayaa guuldarro xanuun badan kala kulmay naadiga yar ee lagu magacaabo Crystal Palace ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo caawa dhacday.

Ciyaartaan ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka ku yaallo galbeedka magaalada London ee lagu magacaabo Stamford Bridge kaas oo ay ku ciyaarto naadiga Chelsea waxaana Chelsea looga badiyay 2-1.

Tababare Jose Mourinho ayaa la kulmay guuldarradiisa 2-aad ee kasoo gaadha kulamada uu ku ciyaarayo garoonkiisa horyaalka Ingiriiska waxaana goolal qeybta dambe ciyaarta yimid ay Crystal Palace faraqa kusoo ridatay saddexdii dhibcood kulankaan oo ay Chelsea ka qaadatay dhibcaha ciyaarta.

Kadib gool la’aan lagu nastay qeybta hore ciyaarta dhexmaraysay Chelsea iyo Crystal Palace ayaa daqiiqaddii 65-aad ay kooxda Crystal Palace ay heshay gool waxaana u dhaliyay ciyaaryahankooda Bakary Sako oo kubad karoos joog hoose ku socda ka hellay saaxibkiisa Yannick Bolasie kana dhigay ciyaarta 1-0 oo kooxda Crystal Palace ku hogaaminayso.

Chelsea ayaa ka jawaab celisay oo iska soo bareejeysay goolka lagu lahaa waxaana 1-1 ka dhigay weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcoa oo badal kusoo galay ciyaarta wuxuuna dhaliyay gool daqiiqaddii 79-aad.

Kooxda Crystal Palace ayaa labo daqiiqo kadib la timid oo dhalisay goolka 2-aad waxaana 2-1 ka dhigay ciyaaryahan Joel Ward daqiiqadii 81-aad waxaana ciyaartan kusoo dhamaatay Crystal Palace oo ku badisay 2-1.

Chelsea ayaa 4 kulan kadib oo ay ciyaartay waxay leeedahay 4 dhibcood waxayna 8 dhibcood ka hooseeysaa kooxda Manchester City.
warsugannews-Sports
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here