Tottenham oo la soo wareegtay weeraryahanka Bayern leverkusen Heung-Min Son

0
403

Tottenham oo la soo wareegtay weeraryahanka Bayern leverkusen Heung-Min Son

Kooxda Tottenham ayaa dhameystirtay heshiis ay la gaadhay weeraryahanka heer koonfur Kuuriya ee kooxda Bayern Levenkusen Heung-Min Son waxayna ku soo qaateen 21.5 miloin o pound.

Xidigan ayaa saxiixay heshiis shan sano ah isagoo sheegay inu ku faraxsan yahay inuu ku soo biiro kooxda Spurs oo uu ku tilmaamay koox weyn oo awood badan leh.

Tottenham ayaa xili ciyaareedkan ku jirta is diyaarin xoog leh iyadoo sameysay saxiixyo badan waxayna dooneysa in xili ciyaareedkaan ay guulo wax ku ool ah gaadho.

Heung-Min Son oo la hadlay webka kooxda Spurs ayaa cadeeyay inuu kubada cagta aad u jecel isagoo intaas ku daray inuu kubada ka bartay aabahiis oo macalin ugu ahaa kuleejka.

“Waxaan ahay ciyaaariyahan jecel kubada cagta, waxaan ciyaaraha ka bartay aabahey oo ahaa tababaraha kubada cagta iskuulkeyga”
Heung-Min Son wuxuu sanadii 2013 kusoo biiray Leverkusen isagoo kaga yimid Hamburg balse 87-kulan oo uu u saftay dhamaan tartamada oo dhan wuxuu shabaqa la helay 29-gool.

warsugannews-Sports
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here