DIYAARADDII UGU HOREYSAY OO RAKAAB SIDA OO KA CAGO DHIGATAY DEGMADA BAARDHEERE + SAWIRADA

0
679

DIYAARADDII UGU HOREYSAY OO RAKAAB SIDA OO KA CAGO DHIGATAY DEGMADA BAARDHEERE + SAWIRADA

Baardheere (Warsugannews) Ka dib markii Ururka Al Shabaab 22-kii bishii hore ee July lagala wareegay gacan ku haynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa markii ugu horeysay ka degatay diyaarad rakaab siday.
2d3fe7e4

3bae82bc

9aa376ee

95a8120d

Diyaaradan oo kuwa yar yar ah, ayaa rakaabka ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo gaarsiisay Degmada Baardheere, waxayna rakaab kale ka soo qaaday Degmadaasi.
e01a1404

ea2ca84c
Dadka reer Baardheere, ayaa sideed sano ka dib waxaa u suurta gashay inay diyaarad si nabdoon kaga raacaan Garoonka Baardheere, sidoo kalana ay rakaab kale kaga soo deggaan.
c7058788

d0d36f0f
Diyaaradan waxay noqonaysaa nooceedii ugu horeysay oo rakaab ah oo ka degata Garoonka Degmadaasi, waxaana la fillayaa in diyaarado kale ay rakaab u qaadaan Baardheere, oo ah Degmada ugu weyn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.

Ciidamada Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa si joogto ah hawlgalo dhanka ammaanka ah kaga sameeya Degmadaasi, waxayna toddobaadkii hore fashiliyen qaraxyo ay sheegeen in ammaanka lagu qalqalin rabay.

111cc673

917d5ffd

aff70eec

b204374d

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here