Ex Wasiir Maxamed Biixi Oo Hooyo-yinka Goblamay La Wadaagay Dareenka Murugada Xambaarsan Qarankana Ka Tacsiyadeeyay Barbaarta Badweyntu Cuntay

0
321

Ex Wasiir Maxamed Biixi Oo Hooyo-yinka Goblamay La Wadaagay Dareenka Murugada Xambaarsan Qarankana Ka Tacsiyadeeyay Barbaarta Badweyntu Cuntay,

Hargeysa(Warsugannews) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Umuuraha dibadda Diblomaasi sare Maxamed Biixi Yoonis ayaa shucuur dareen murugo Xambaarsan kaga Fal celiyay barbaarta Reer Somaliland ee ay Cuntay badweynta Udhaxaysa MASAR Iyo ITALIYA, Mr M.biixi waxa uu dhamaal tacsi ah Udiray Ehelada qaraabada iyo qoysaska ay ka baxeen Dhalinyarada ku geeriyooday tahriibkaasi isagoona Hoosta ka xariiqay in Aafadan qaran ee Soo noqnoqtay loo baahan yahay In xal waara laga gaado si Loo badbaadiyo buu yidhi mustaqbalka da’yarta kale ee weli ku jira Jaamacadaha iyo Dugsiyadda dalka si aanay iyaguna ugu tamanayin inay Cagta saaran dariiqa qodxaha badan ee Tahriibka.

Ex Wasiir Biihi waxa uu sidoo kale Dhalinyaradda Somaliland hoga tusaaleyay Inay ka waantooban mahlakada Iyo biimada nafahooda ay gelinayaan ee Tahriibka dalkoodana aaminan,

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Mr Biihi waxa uu sidaasi ku sheegay Qoraaal Kooban oo uu soo gaadhsiiyay qaar kamid ah Warbaahinta Somaliland.

Muqaalka TACSIDA