Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha oo tacsi u diray Wasiirka Qorshaynta oo hooyadii Geeriyootay

0
417

TACSI
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Mudane Maxamed Mixile Boqore iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda. Mudane Maxamuud Cabdilaahi Xarbi oo ku hadlaya guud ahaan magaca iyo masuuliyada hay’adda Shaqaalaha Dawlada waxay tacsi u dirayaan Wasiirka Qarshaynta iyo horuminta iyo Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe)oo hooyadii Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Faadumo Xaaji Cali Xaaji Abokor oo ku geeriyooday Hargeysa 18.04.2016.
waxanay marxuumada alle uga baryayaan inuu u danbi dhaafo qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo Amin AMin MAin