Dhuuxii wadanka dhamaaday iyo dhoy lahaanta dadkeena.

0
420

Dhuuxii wadanka dhamaaday iyo dhoy lahaanta dadkeena.
Aafada tahriib ka waa in talo qaran laga yeeshaaa waa in dawlad iyo shacab dadka badbaaado qaran loo sameeyaa. Waxa ay la mid tahay masiibo dabiici ah sida dhul gariir ama colaad baahsan oo burbur dhul iyo le’asho maal iyo mood ba keenta. Dhuuxii ummadda ayaa socdaal iyo ka dhoy la.aanta dhamaanteenba , Waa in talo qaran la isaga yimaado oo ”Agenda” siyaasi ah laga yeesho dadka xoogga ah ee hayaan ka iyo geediga bilaabay is-haligaya biimada Naf iyo maal badan lagu hoobtay . Dal waliba waxa uu isku dhaafa xooga dhalin tiisa (future generation) ubaxii wadanka idlaaday Imisaa maanta hooyo goblantay Imisaa maanta hooyo barooranaysa imisa guri ayey geeriyi taalaa Imisaa ubaxaad garanayso maanta raq iyo ruux lahayn. Waxaan dawladda waajib ku ah in ay talaabo siyaasi ah qaado si khatarta maskax-guurka ah loo yareeyo. Waa in si dawladnimo ah loo ga jawaabo masiibada tahriibka oo aan lagu dayn kaliya Alle ha u Naxariisto. Bye Hassan Mohamoud ismail