Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Baaq Ka Soo Saaray Abaar Saamaysay Noloshada Dadka iyo Duunyada

0
566

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Baaq Ka Soo Saaray Abaar Saamaysay Noloshada Dadka iyo Duunyada

Ceerigaabo(Warsugan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falaay, ayaa sheegay in abaar baahsan ka jirto guud ahaan gobolka Sanaag. Abaartan soo food saartay gobollada Bariga Somaliland ayuu sheegay inay hadda nuglaysay xoolaha, islamarkaana ay dhimashadoodu bilaamatay. Bulshada degaannadaasi oo ah xoolo dhaqato ayaa walaac laga qabaa noloshooda maaddaama xoolaha nool oo ay manaafacaadsan jireen ku riiqmeen roob la’aanta daba dheeraatay.
Guddoomiyaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo ayaa sharaxay heerka xaaladda abaartu gaadhsiisan tahay “Gobolka Sanaag waxaa ka jirta abaar aad iyo aad u ba’an oo daran oo dadkii iyo xoolihiiba saamayn xun ku yeelatay.Guud ahaan gobolka way ka jirtaa abaartu, sidaasi darteedna waxaa bilaamatay dhimashada xoolaha, oo cunno la’aan iyo nafaqo darro sababtay, dadkana markay xooluhu gabaan, runtii halis badan badan baa ka jirta,” ayuu yidhi mudane Falaay.

Isagoo sii wada hadalkiisa wuxuu baaq u diray xukumadda iyo umadda Somaliland “Xukumadda Somaliland, hay’addaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ganacsatada Somaliland, ganacsatada reer Ceerigaabo, dal joog iyo dibad joogba, dhammaan muxsiniinta adduunkaba waxaan leeyahay beel aad iyo aad u daran ayay abaartu marinaysaa bulshada gobolka Sanaag,” ayuu yidhi mudane Falaay.

Geesta kalena wuxuu ka hadlay xaaladda bulshada degaanno hoos taga degmada Ceelafweyn oo colaad iyo abaari isu gashay, kuwaasi oo ku baaqay in walaalayntooda la sii wado.Waxa uu u mahadceliyay waxgaradka labada dhinac, waxgaradkii u gurmaday iyo ciidamada qaranka “Waxaan leeyahay dadka walaalaha ah ee dhibaatadu dhexmartay sidii loo walaalayn lahaa ee dhinac walba go’aammadii heshiiska u fulin lahaa ha laga wada shaqeeyo.Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidanka qaranka iyo booliska oo ilaa maalintii shaqaaqadu bilaamatay u dhabar adaygayay dhibka iyo horraadka, si ay ammaanka u sugaan,” ayuu yidhi Mr Falaay.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/office