Kooxda Paris Saint-Germain oo lacago qaali ah ku doonaysa laacibka Liverpool ee Adam Lallana

0
400

waaxa qorey yaasir br

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay 40 milyan oo bound ku soo xero geliso xiddiga naadiga Liverpool ee Adam Lallana, sida ay warinayso jariiradda The Sun.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Faransiiska ayaa u aragta Lallana inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican Ingiriiska ee ka dheela horyaalka Premier League, wax walaac ahna kama qabto in xaqiiqdii uu xiddigan 19 sano jir noqon doono bisha May ee soo socota.

PSG waxa ay diyaar la tahay inay laacibkii hore ee kooxda Southampton jeebka ugu shubto usbuucii adduun dhan £200,000 (Labo boqol oo kun oo bound), iyadoo saddex jibaaraysa mushaarkiisa taahan, waana dalab uusan ka diidi karin kooxda ka dhisan Ligue 1.