Kulmiye Mucaarid Kama Danbayn: W/Q: Cali Xasan

0
582

Kulmiye Mucaarid Kama Danbayn: W/Q: Cali Xasan

Salaan qiimo iyo qaayo leh baan u dirayaa shacab weynaha reer Somaliland ee aduunyada kala jooga waxaan leeyahay waad salaaman tihiin taasi mid lamida waxaan u dirayaa saxaafada Somaliland ee soo gudbisa afkaarta dadkooda waanad ku mahadsan tihiin baan leeyahay.

Intaasi ka bacdi waxaan doonayaa inaan yara iftiimiyo xooga mucaarid xumo dalka ku habsatay inkii Xukuumada Kulmiye ka dhalatay wadanka qabsatay, Waxaa hubaala oo biyo kama dhibcaana markii Xisbiga talada maanta haya ee kulmiye ahaa markii uu mucaaridka ahaa uu xisgii Somaliland ugu mucaaridada badnaa islamarkaana jiif iyo joog u diiday Xukuumadii Daahir Riyaale taasi oo uu markii danbe kaga awood roonaaday doorashadii dhacday 2010.

Shan sano ka dib Somaliland wali lama hayo xisbi mucaarid oo u dhigma Kulmiye laba Xisbi mucaarid ee Somaliland maanta ka jiraa labaduba waa mucaarid saqiir ah, waxaana ay ku fashilmeen inay sidaasad cad la yimaadaan oo dadka kasbadaan, waxaana ay kaga soo hadhay canbaarayn iyo cay afka ah iyagoo waxkasta oo dadka iyo dalkaba wanaag u ah kasoo hor jeesta si ay uga dhigtaan gaboodka mucaaradnimo.

Somaliland maanta uma baahna mucaarid aan kala garayn wanaaga iyo xumaha ee waxay u baahan tahay mucaarid fayow oo ka dheer qabyaalad iyo reer kursi ku doon, waxay u baahan tahay xisbiyo toosiya dawlada oo danta umada ka shaqeeya uu uma baahna xisbiyo ay afhayeeno u yihiin inamo yar yar oo xoolahoodii laga quustay, waxaanu leenahya waar wax ka barta casharadii kulmiye oo la kaalaya siyaasad cusub iyo dardar cusub dadka u sheega mustaqbalka waxaad dalka ugu talo gasheen hadii alle idiin qoray.

Dadkayga Somaliland Guul iyo Gobanimo Waarta.

Cali Xasan
calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here