QM oo soo saartay tirada dadka lagu dilay dalka Ciraaq sanadkii tagey 2016

0
359

NEW YORK –war sugan Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay soo saartay lagu sheegay in dalka Ciraaq sanadkii tagey ay ku dhinteen 6,878 qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 12,388 qof.

Tirada ay soo saartay Qaramada Midoobey kuma jirto dadka ku dainty ama ku dhaawacmay gobolka galbeedka ee Anbar bilihii May,July,August iyo December.

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobey ee caawinta Ciraaq ee UNAMI ayaa sheegay in tiradan ay tahay tan ugu yar ee la qiyaasay halka tirada dadka ee lagu dilay dalka Ciraq sanadkii 2015-ka lagu sheegay 7.512 qof oo shacab ah.

Waxay sheegtay QM in waxyeellada dadka shacabka ah ee bishii December ay yarayd marka lala meel dhigo bilihii ka horreeyey walow ay jireen weeraro argagaxiso ee lala beegsaday shacabka ay kordheen dhamaadkii December.

Ergayga gaarga ah ee QM ee Ciraaq Jan Kubis ayaa sheegay in Daacish ay dooneyso in ay dareena uga weeciso guuldarooyinka kasoo gaaray magaalooyinka ay Mosul kamid tahay.