Xaaladda degdegga ah ee uu ku jiro dalka Turkiga oo la kordhiyey

0
314

ISTANBUL – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa cod u qaaday in la kordhiyo xaaladda degdegga ah ee dalkaas uu ku jiro.

Baarlamaanka dalkaas ayaa oggolaaday in Saddex bilood lagu kordhiyo xaaladda degdegga ah oo lagu soo rogay kadib afgambigii fashilmay ee bishii july sanadkii hore 2016.

Xaaladda degdegga ah ayaa soconeysa illaa bartamaha bisha April ee sanadkan.

Raiisal Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in kordhinta waqtiga xaaladda degdegga ah ay tahay mid muhiim ah.

Numan Kurtulmus ayaa sheegay in taageerayaasha wadaadka deggan dalka Mareykanka ee Ferhullah Gulen ay weli si firfircoon uga hawlgalayaan xarumaha bulshada.

Dowladda Turkiga ayaa wadaadka Fethullah Gulen ku eedeysay abaabulka afgembiga fashilka ku dhamaaday.

Xukuumadda ayaa ka sifeysay ,booliska,Xeer ilaalinta,Militariga iyo Waxbarashada tobanaan kun oo qof kuwaasoo looga shakisan yahay inay taageerayaan wadaadkaas.

Wadaadka dibad jooga ah ee Fethullah Gulen ayaa beeniyey in uu ku lug lahaa afgembigaas.