Tababaraha Liverpool Ee Jurgen Klopp Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Macalinkii Premier Leaque-ga Ugu Fiicnaa Bishii September Isaga Oo Arsene Wenger Iyo Rag Kale Abaal Marintan Ku Garaacay

0
343

Waxaa Qoray: yaasir Br

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku guulaystay abaal marinta macalinkii bishii September horyaalka Ingiriiska ugu fiicnaa isaga oo abaal marintan ku garaacay tababarayaasha kooxaha Arsenal ee Arsene Wenger, Manchester City ee Pep Guardiola,Crystal Palace ee Alan Pardew iyo tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino.Klopp ayaa kooxdiisa Liverpool bishii September ku hogaamiyay saddexdii kulan ee ay Premier Leaque-ga ka ciyaartay saddex guulood iyada oo waliba Reds dhalisay 11 gool. Liverpool ayaa kulankii ugu horeeyay bishii Sempber waxay Anfield 4:1 ugu xasuuqday kooxda Leicester City halka kulankii kale ee xigay ay 2:1 ku garaaceen kooxda Chelsea oo ay Stamfrod Bridge marti ugu ahayd.Waxaana ugu danbeeyay kulankii ay Reds 5:1 ku xaaqday kooxda Hull City waxayna taasi Klopp ka caawisay in uu ragga ay shaqada Premier Leaque-ga wadaagaan ku garaacay abaal marinta tababaraha bisha ee horyaalka Ingiriiska ugu fiican.Liverpool iyo macalinkeeda Jurgen Klopp ayaa isku diyaarinaya kulanka Manchester United iyada oo Reds ay soo wada guulaystay afartii kulan ee ugu danbeeyay Premier Leaque-ga. Klopp ayaa kooxdiisa ka doonaya in ay sii wadaan hormarka fiican ee ay muujiyeen si ay fursad ugu helaan koobka PL.