Isku Aadka Wareega 32da Ee Copa del Rey Oo La Soo Saaray – Ayay Ku Soo Kala Adeen Barcelona, Real Madrid & Atletico Madrid? (Isku Aadka Oo Dhameystiran)

0
336

Waxaa Qoray: yaasir BR

Waxaa goordhaweyd la soo saaray isku aadka wareega 32da kooxood ee koobka boqorka dalka Spain ee loo yaqaano Copa del Rey.

Kooxda hanatay koobkaan xilli ciyaareedkii hore ee Barcelona ayaa wareega 32da waxa ay wajheysaa kooxda heerka seddexaad ee Hercules. Barcelona ayaan reebtay kooxda Hercules afar jeer hore oo ay isku arkaan tartankaan.

Kooxda Real Madrid ayaa markii ugu horeysay muddo 56 sannadood ah wajaheysa kooxda heerka hoose ee Cultural Leoners, kaliya hal kulan ayaa dhexmaray abid waana 1960kii iyadoo Real Madrid ay 9-0 ku badisay.

Kooxdii ugu horeysay ee heerka afaraad ee u soo gudubta wareegaan muddo lix ciyaareed ah Formentra ayaa wajihi doonta kooxdii finalka ka gaartay koobkaan xilli ciyaareedkii hore ee Sevilla.

Isku Aadka Oo Dhameystiran:

Toledo-Villarreal

Formentera-Sevilla

Cultural Leonesa-Real Madrid

Hércules-Barcelona

Guijuelo-Atlético de Madrid

Racing-Athletic

UCAM Murcia-Celta

Córdoba-Málaga

Valladolid-Real Sociedad

Huesca-Las Palmas

Nàstic-Alavés

Alcorcón-Espanyol

Sporting-Eibar

Granada-Osasuna

Leganés-Valencia

Betis-Depor

Lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 30ka bisha November halka lugta labaad la dheeli doono 21ka bisha December.