England Iyo Germany Oo Isku Balansaday Garoonka Borussia Dortmund Ee Signal Iduna Park Iyo Goorta La Ciyaarayo Oo La Xaqiijiyay.

0
400

Waxaa Qoray: yaasir br

England ayaa dib u cusbooneysiin doonta xafiiltanka gaamuray ee kula jiraan xulka Jarmalka sannadka soo socda.

Kulan saaxiibtinimo ayay isku balansadeen labada kooxood 22ka bisha Maarso ee sannadka danbe iyadoo kulankaas lagu ciyaari doono garoonka argagaxa leh ee Borussia Dortmund ee Signal Iduna Park, waana tijaabo kale oo ay xulka Three Lions galayaan.

Tababaraha ku meel gaarka ah Gareth Southgate ayaana rajeynaya inuu tababare ka sii ahaado xulka England marka la gaaro kulankaas saaxiibtinimo oo la ciyaarayo afar maalmood ka hor inta aysan kulan ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka garoonka Wembley kula ciyaarin Lithuania.

Kulamadaas ayaana ah kulamada ugu soo horeeya ee afar bilood uu hakad galayo ciyaaraha caalamiga ah iyadoo Southgate mustaqbalkiisa markaas go’aan laga gaari doono.

Tababaraha ku meel gaarka ah ayaa labo kulan kale ay u hartay bisha soo socota ka dib barbaro goolal la’aan ah ay xulka England la galeen Slovenia.

Marka ugu horeysa waxa uu Scotland ku soo dhaweyn doonaa Wembley 11ka bisha November ka dib Spain ayaa imaan doonta London mid ka mid ah kulamada saaxiibtinimo ee ugu adag caalamka.