Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Maalintii Labaad kasoo muuqanaysa Maxkamad ku taal Hindiya

0
392

Maxkamad ku taalla Magaalad Xeebeedka Dalka Hindiya ee Bombai (Mumbai) ayaa Maalintii Labaad u fadhida dhageysiga dawcad loo heysto dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu edeeyay Burcad badeednimo.
Dhallinyaradaasi ayaa ku gacanseyrtay eedeeymaha loo soo jeediyay ee ah Burcadbadeednimada, waxayna taa beddelkeeda ku doodayaan iney ahaayeen kaluumeysato.
Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee Dalkaasi Hindiya, ayaa dedaal ballaaran ugu jirta sidii loo furdaamin lahaa dhallinyaradaasi Maxkamadeyntoodu ka socoto Dalkaasi Hindiya.
Ciidamada Badda Hindiya, ayaa la sheegay in ay dhallinyaradaasi ka qabteen meel ka baxsan xadka Badda Soomaaliya, waxaana Laba ka mid ihi Raggan ay ku dhinteen xabsi ku yaalla Hindiya, markii ay waayeen daryeel.
Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay iney dowladda Hindiya kala hadashay sidii dhalinyaradani ay xukunkooda ugu dhameysan lahaayeen Dalkooda Hooyo