Topnews:Dal Shan Sanno oo Xadhig Ah Ku Xukumaya Qofka Lagu Qabto Inuu U Dabbaal-degay Kirismaska (Christmas)

0
434

Horraantii bishii April ee sannadkan, ayaa dalal badan oo caalamka ah dhaleeceeyeen boqorka xukuma waddanka Buruniya (Brunei),
kadib markii uu ku dhawaaqay inuu fulinayo Shareecada, dalkiisuna hirgelin doono ciqaabta dilka ah ee waliba qofka sinaysta dhagaxa lagu dilayo.
Buruni oo ah dal aad yar, balse barwaaqo ah, kuna yaal jasiiradda Borneo oo uu xukumo Suldaan Hassanal Bolkiah, ayaa waqtigan qabsaday bogaga hore ee wararka caalamka, kadib mark uu ku dhawaaqay inuu mamnuucay u dabbaal-degga iyo xuska Kirismaska (Christmas).

Ku dhawaad 20% dadka ku dhaqan dalkan ayaan ahayn Muslim, waxana ka mid ah dadkaas dad aaminsan caqiidooyinka Buddhist iyo Kiristaanka.
“Dadka aaminsan diimaha kale ee ku hoos nool dal Islaam ah – sida islaamku dhigayo – waxay ku dhaqmi karaan diintooda, way dabbaaldegi karaan ciidahooda oo ay la dabbaaldegayaan bulshadooda, iyadoo shuruudda ku xidhan ay tahay in aan dabbaaldeggaas dibadda loola soo bixin amma si toos ah loogu samayn Muslimka dhexdooda. Muslimiintu waa inay ka taxadiraan in aanay ku dhex milmin dabbaaldegyadaas aan la xidhiidhin Islaamka amma dhaawacaya iimaanka islaamka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka dawladdu soo saartay.
Sidoo kale, war-murtiyeedka waxa lagu socodsiiyey ganacsatada meheradahooda sudhay waxyaabo muujinaya dabbaaldegga kirismaska, iyadoo lagu armay in ay ka qadaan amma ka go’yaan, haddii kale ay ciqaab adag la kulmi doonaan.
Ciqaabta la marinay qofka dibadda ula soo baxa dabbaaldegga Kirismaska waa shan sannadood oo xabsi ah.
Print Send to your friend