WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 23-24aad

0
635

QORMADII 23-AAD
23. MAXAYNU UGU DADAALAYNNAA TOBANKA DANBE?
Hargeysa(Warsugannews)Waa maxay sirta ka danbaysa ee aynu ugu da’daalayno tobanka danbe?, maxaynu ugu kala dheeraynaa khayr markay yimaadaan tobanka danbe?, maxaynu masaajidada u camirnaa?, maxaynu yar, iyo wayn,dumar iyo waayeel u tukanaa salaadda tahajudka dadkoo hurda?, maxaynu hawlkasta oo aynu hayno uga doorbidnaa camalka alle?, arimahaas oo dhan iyo qaar kale oo badani waa arimaha aynu rabno in sirtooda iyo sababta aynu u qabanayno inaan ogaano insha allah.
Horta sababta arimahaa loo samaynayaa waa saddex arrin oo waawayn, inagoo mid kasta faah’faahin doona hadduu Eebbe qadaro.
B. WAXAYNU HAGAAJIN CAMALKEEN DHAMAADKIISA.
Shaykastaa dhamaad ayuu leeyahay waana dhamaadaa, ramadaan shalay way soo gashay, maantana way galbatay, qofkasta wuxuu jeclyahay in camalkasta oo uu la imanayo uu hagaajiyo cidhibtiisa danbe, marka la ducaysanayana waxa lagu ducaystaa ”Rabaw hagaaji cidhibtayada danbe” haddii labaatankii hore da’daalku kugu yaraa, fursad ayaad haysataa aad ku da’daasho, haddii akhriska quraanka, soo camiraada masjidku aanad ku fiicnayn, tobankani waa fursad aad haysto, haddii intii hore wax kaa qalloocdeen, tobankani waa fursad aad wax ku hagaajiso, waa maalmo tobana oo ay inagu macasalaamaynayso bil khar badani, wax markaa inagu waajiba inaynu da’daal dheeraada la nimaad intaynu ku jirno tobanka danbe, aynu hagaajino oo aynu qurux u yeelno camalka dhamaadka inaga sii ah.
T. WAXA KU JIRA HABEEN KA FADLI BADAN 1000- BILOOD.
Sababta labaad ee aynu ugu dadaalyno waxa weeyi ku jiritaan ay ku jirto habeen ka fadli badan 1000-bilood, waana sababta ugu wayn ee looga faa’idaysanayo tobankan danbe, Waxaa uu Eebbe Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay khayr badan tahay 1000-Bilood oo cibaado oo aad la timaado, Waana habeenkii rasuulkeena (NNKHH) lagu soo dajiyey quraanka kariimka, waana sababta ugu wayn ee aynu ugu da’daalayo tobanka macasalaamaha inagaga tagaya, inagoo habeenka dalbanayna, danbi dhaaf iyo in qofkasta wuxuu jecelyahay midigta Eebbe ka siiyo, inagoo maanka ku hayna in dacwada la ajiibo habeenkaa, waxaynu Rabbi ka baryaynaa inuu ina waa fajiyo habeenkaa, waayo waxa nasiib badan habeenkaa qofkii Eebbe waafajiyo.
J. WAXAYNU KAGA DAYANAYNAA RASUULKEENII SUUBANAA (NNKHH)
Waa sababta saddexaade waxaynu kaga dayanaynaa Nabi muxamed (NNKHH), waxaanu ahaa ” Rasuulku (NNKHH) mid ku da’daala tobankan danbe si aanu arrin kale ugu da’daalin” waayo ahmiyad wayn ayey leedahay, waana tobanka habeen ee ugu fadliga badan habeenada, waxaynu kaga daynaynaa Rasuulkeena (NNKHH), waayo isagaa ah qof ugu mudan ee lagu daydo, waxaad arki guri lagawadda kacayo dhamaan inta ku nooliba, sababtuna tahay iyadoo lagu dhaqmayo xadiiskii caa’isha warinaysa Rabbi raali ha ka noqdee markay ka waramaysay xaalka Nebiga (NNKHH) markay usoo galaan tobanka danbe waxayna lahayd ” wuxuu ahaa mid habeenka nooleeya, guntigana giijisata, reerkiisa baraarujiya” markaa hooyo iyo aabo waa sababta ay u kicinayaa caruurta iyo xaafadaba, waayo waxay kaga dayanayaan Rasuulkeena muxamed (NNKHH), waana arrin fiican oo ku dayasho mudan.
waynu kacnaa habeenka galinkiisa danbe waliba dadkoo oo hurda, sababaha farabadan ee aynu u samaynayno waynu garanay ayaan filayaa, maaha intan oo kaliya laakiin waa intii ugu muhiimsanayd ayaan is odhan karaa, Eebbe ha inaga aqbalo camal kasta oo aynu la imanayno.

QORMADII 24-AAD
24. WAA MAXAY ICTIKAAFKA.
Ictikaafka waynu wada naqaan, waxaan u malaynayaa in warkiisana aynu kawada dharagsanahay, laakiin baraarujin ayaa iyadna ah arrin aan dhamaad lahayn, haddaba Ictikaafku waa in la joogo Masaajidka iyadoo ajar iyo Cibaado niyada lagu hayo, laguna dayanayo Nabigeenii Suubanaa (NNKHH) kaa soo dhaqan u ahaan jirtay inuu Ictikaafo Ramadaan kasta tobankeeda danbe.
Waxaana jirtay in Nabigeenii Suubanaa (NNKHH) mar inuu Ictikaafay Tobanka hore ee Ramadaan, Tobanka dhexe raaciyey markii uu doonay inuu ka baxo masjidkii uu ku Icftikaafayay ayaa Jibriil usoo waxyooday oo uu ku yidhi “Muxamadoow waxa aad doonayso waa kaa horeeyaa” isagoo ula ajeeday Leylatul-Qadriga inuu ku jiro tobanka ugu dambeeya ee bisha Ramadaan, sidaa darteed Nabigu (NNKHH) waxa uu si joogta ah u Ictikaafi jiray Ramadaan kasta ilaa uu ka geeriyooday marna kama tagin, culimda Muslimiinta dhamaantood waxa ay isku raacsan yihiin asal ahaan inuu Ictikaafku yahay Sharci iyo Cibaado loogu dhawaanayo Eebbe korreeye, Ramadaan ha ahaatoo ama yuusan ahaane, sidoo kale wuxuu ictikaafku waajib noqon karaa marka qofku ku nadro inuu ictikaafayo, laakiin sida kale waa sunne.
SHURUUDAHA ICTIKAAFKA.
1. Qofka ictikaafayaa waa inuu muslim yahay.
2. Qofka ictikaafayaa waa inuu ahaado qofka maskax ahaan caafimaad qaba.
3. Qofka doonayaa inuu Ictikaafo waa inuu niyad la yimaadaa, niyeestaana Ictikaafka uu la imanayaa inuu dar ilaahay u qabanayo.
4. Qofka Ictikaafayaa waa inuu ka daahir yahay Janaabo, gabadhuna daahir ka tahay labadii dhiigba, haddii isagoo daahir ahayn ictikaafo kama gudayo lamana aqbalayo.
5. Goobta lagu Ictikaafayo waa inay Masaajid ahaato, haddii qofku ku ictikaafo meel aan Masaajid ahayn ma ansaxayo aqbalna ma noqonayo ictikaafkaasi.
MASAAJIDKA UGU MUDAN IN LAGU ICTIKAAFO.
Masaajida ama goobaha Eebbe lagu caabudaa way kala ajar badan yihiin wayna kala mudan yihiin, iyagoo haddana dusha ka wada ah masaajid, haddaba masaajidda ugu fadliga iyo ajarka badan waxa ka mida.
1. Masjidka xaramka sababtoo uu yahay masaajidka ugu fadliga badan.
2. Masjidka Nabaiga (NNKHH) ayaa isna ku soo xiga.
3. Masjidka Al-Aqsa ayaa isna soo sadaxeeya, nasiib daro waxa ah in maanta gacanta yuhuuda ku jiro, Eebbana ka baryayno bishaa ramadaan inuu gacanta muslimka dib ugu soo celiyo masjidkaa qiimaha iyo qaayaha leh.

GABADHA DOONAYSA ICTIKAAFKA.
Haddii ay gabadh muslimada ahi doonayso inay Ictikaafto suno ahaan iyadoo xaas leh waa inay fasax ka qaadato Ninkeeda, hadiise Ictikaafkeedu yahay waajib waa inay Ictikaafka gudataa Xaqa dusheeda saaranna iska ridaa.
EEDAABTA ICTIKAAFKA.
• Waa inuu ka fogaadaa waxyaabaha ka luminaya wakhtiga sida sheekada iyo wixii la mida ah.
• Waa inuu camal farabadan la yimaadaa intuu masjidka ku ictikaafsanyahay.
• Waa in qofku xaqdhawraa oo ilaaliyaa xaqa ay ku leeyihiin dadka masjidka ku ictikaafsani.
• Waa inuu xurmeeyaa masjidka si wacanna u joogaa.
WAXYAABAHA JABIYA ICTIKAAFKA.
• Qofka oo Diinta ka baxa isagoo Ictikaaf ku jira.
• Masjidka oo cudur daar la’aan uu uga baxo isagoo ku jira Ictikaafka.
• Qofka oo miyirku ka tago intuu ku guda jiro Ictikaafka.
• Isagoo qofku u tago xaaskiisa isagoo ku jira ictikaafka.

Ictikaafku waa arrin mudan in qofkii wakhti u hayaa inuu ictikaafo sameeyana, waayo waa arrin uu kaga dayanayo rasuulkeenii muxumad (NNKHH), Eebbe waxaan ka baryayaa inuu inaga aqbalo camalka aynu la imanayo intaynu masjidka Rabbi dartii ugu ictikaafayno.