West Ham oo xiisaynaysa garab-weerarka AC Milan ee M’Baye Niang

0
351
VERONA, ITALY - OCTOBER 16: M'Baye Niang of AC Milan celebrates after scoring his team's second goal during the Serie A match between AC Chievo Verona and AC Milan at Stadio Marc'Antonio Bentegodi on October 16, 2016 in Verona, Italy. (Photo by Dino Panato/Getty Images)

Hujuumka AC Milan ee M’Baye Niang ayaa lala xiriirinayaa dhankaas iyo Premier League iyadoo ay xiise u muujinayso kooxda West Ham.

Laacibkan 22-jirka ah ayay taageerayaasha kooxdu u arkaan mid ma gudbe ah oo aan bandhiggiisa la isku hallayn karin, isagoo ilaa haatan ku fashilmay inuu ka mid noqdo laacibiinta aasaasiga u ah da’yarta Rossoneri waxayna taasi keentay in lasoo hadal qaado inuu baxayo.

Sida uu sheegayo Tuttosport, naadiga reer London ee West Ham ayaa isha la raacaya Niang gaar ahaan haddii uu ka tago Sofiane Feghouli oo u socda AS Roma.

Maaddaama ay dib u dhacday xafladdii saxiixa iibka AC Milan waxaa la qiyaasayaa in Rossoneri ay diyaar u tahay inay kaashato laacibkan oo San Siro joogey xilli ku filan oo uu isku caddayn karo isagoo yimi 2012, waxaana suuq-jiilaalkii sanadkii tegey €16m oo euro looga diidey kooxda Leicester.
VERONA, ITALY – OCTOBER 16: M’Baye Niang of AC Milan celebrates after scoring his team’s second goal during the Serie A match between AC Chievo Verona and AC Milan at Stadio