Weydiin u taal Wabar

0
448

Weydiin u taal Wabar

1- Ma gar baa in aad ubadkaaga gurya-samo aad dajiso, ubadka Boramana aad dabka ku gurto ? Se hadii dagaalku kaa dhab yahay dee ubadkaaga la kaalay ?
2- Suldaan waxa lagu yaqaan nabad iyo wanaag uu ku doon tabashadiisa, se sideed uga baxdaa dhaqankaas iyo qodobkaas xeer ?
3- Oday dhaqan baan ahay iyo siyaasad baan qori dagta ugu qaadanayaa labadaas isku kaaya qabadsii ?
4- Dadka aad maanta leedahay dabka gala maxaad gashatay xiligii nabada ? Se maxaad abaal aad gashatay dadka aad dabka ku gurayso ?
5- Se yaa kugu yidhi qolo ayaa na boobtay ? Se hadii ay taasi dhab tahay maxaad u odhan weyday xiligii uu Riyaale joogay ?
6- Se hadiiba taasi kaa dhab tahay 8 sano ayuu Madaxweyne aad isku jufo tihiin hogaanka hayay ee yaa kugu haystay Somaliland ?
7- Saami bay kaaga dhatay ee yaa kugu haystay kuraasta oo dhan xiligii Riyaale, ileen isagaa qaybinayee ?
8- Mise waxaas oo dhami waxa ay kaa tahay siduu nin Maxamed Case ahi u noqdaa Madaxweyne-ku-xigeen ?
Sii wada weydiimaha se guntuu waxa weeyi dabka ayaan ku gurayaa ubadka Borama kuweygana hadh-qabaw baan soo seexinayaa, dee garaadka kaa yeela ayaa doqon ah.

Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here