Farxad weyn bay ii tahay in Wareejiyo Masuuliyaddii Mweyne Siilaanyo ii igmaday ee W.Duulista oo aan noqday Wasiirkii ugu cimriga dheeraa Sooyaalka Taariikhda s.land+Sawiro

0
422

“Farxad weyn bay ii tahay in maanta Wareejiyo Masuuliyaddii Madaxweyne Siilaanyo ii igmaday ee Wasaaradda Duulista.. oo aan noqday Wasiirkii ugu cimriga dheeraa Sooyaalka Taariikhda Somaliland.”
…………………………………………………………….
“Farxad weyn bay ii tahay in maanta Masuuliyaddii Madaxweyne Siilaanyo ii igmaday ee Wasaaradda Duulista oo muddo shan sano iyo dheeraad ah aan hayey oo aan noqday Wasiirkii ugu cimriga dheeraa Wasaaradda Sooyaalka Taariikhda Somaliland, inaan ku wareejiyo Saaxiibkay Caddaanni. Saaxiibkay Cali Waran-cadde ayaannu isku dhadhawnahay, shan sano ayuu Cali ahaa Wasiir oo isaguna Wasaaradda joogay.

Wasaaraddan waxa soo maray intaan xasuusnahay illaa toddoba Wasiir baa iska beddelay oo aan anigu malaha u dambeeyo illaa 1997-kiii, wakhtigii hore waxay ahayd qayb ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, markaa intii Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka gaar looga dhigay toddoba Wasiir baa soo maray, aniga iyo Cali baa ugu muddo dheerayn oo muddo toban sano iyo dheeraad ah joognay.

Qarannimadu waa Guri la soo dhiso, Nin Seeskuu ka bilaabaa, nin wax buu ku soo daraa, nin Daaqaduhuu soo gaadhaa, illaa Ruufka la saaro. Xaqiiqdii cid kasta oo soo martay Wasaaraddaas wax bay ku tartay, ma jiro qof waxma-tare ahi sidiisa-ba. Dadka Cilmiga Bina-aadamka ku takhahkusay waxay yidhaahdaan Bina-aadam madhani ma jiro, qofba wax buu ku fiican yahay, haddii qofku meel ku xumaado waxa laga yaabaa inaan la dhigin meeshii ku munaasibka ahayd, waxa laga yaabaa, oo jira qof aan waxbarashada iyo aqoonta ku fiicnayn oo Askarinnimada ku fiican, waabay dhacday taariikhda Bina-aadamka oo ninkii dunida gilgilay daagaalladii koowaad iyo labaad ee Hiltar la odhan jiray, waxa uu ahaa nin bahalluul ku ah (aan ku fiicnayn) waxbarashada oo aad ugu hooseeya, Cheker-na sidaas oo kale ayuu ahaa, waa labadii nin ee wakhtigaa dunida ugu awoodda waynaa.

Markaa, runtii waxaan qirayaa Raggaa iga wada horreeyey dhammaantood inay wax ka soo qabteen Wasaaraddan, sidaa uu Ambassador Cawil sheegayeyna gobannimada waxaa ka mid ah taariikhda lagama been-sheego, qof waliba wixii uu qabto taariikhda ayey ku qoran tahay, xafiiltanka Siyaasadda iyo xagtimeheedu waa maalmo kooban, way dhammaadaan. Laakiin, taariikhdu ma guurto, Bile Rafle Guuleed xilliguu Badhasaabka ahaa Hargeysa wixii uu ka qabtay Burco iyo dhulka kale ee Somaliland ee Soomaaliya ka mid ahaa markaa maanta waa la ogyahay, waddaduu dhisay iyo meeshuu wax ka qabtay si kasta oo siyaasadda loogu colloobay ama lagu kala tegay lama dafiri doono.

Sidaas oo kale Xukuumadihii Somaliland mid waliba waxay qabatay Taariikhdaa sumadday, Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xukuumaddiisi waxay qabatay waa la ogyahay Qarannimaday seeska u taagtay, Daahir Rayaale Xukuumaddiisii waa la ogyahay, Xukuumaduhu way isu faanaan, laakiin cid leh waxba lama qaban waa eray gef ah kaasi. Xukuumaddan aannu aniga iyo Caddaani-ba oo maanta xilka la kala wareegaya ee Xisbiga KULMIYE ballamo ayaannu waddanka u qaadnay inaannu is-beddel ku samayno waddanka, inaannu horumar ku soo kordhinno. Is-beddelku xanuun weyn buu leeyahay, wax sahlan maaha, anigu meesiga la ii dhiibay markaan ka soo qaado xanuun weyn buu leeyahay is-beddelkiisu, Cali meel fiican buu soo gaadhsiiyey Wasaaradda, Cali waxa uu ka mid ahaa Wasiirradii ugu horumarka badnaa Xukuumaddii Daahir Rayaale, markaan la wareegayey rag badan baan I lahaa waar bal is-xeji nin adag baad kala wareegaysaa xilkee, waayo mashaariic badan buu sameeyey, nasiibkuna wuu jiraa, doobirtuna way jirtaa. Markaa, Runtii is-beddel wayn baannu ku samaynay Wasaaradda, Rag waawayn oo Magaca Somaliland aad kor ugu soo qaaday baannu keennay. Wasaaraddan aan masuulka ka ahaa sidaa Agaasimuhu sheegay maaha Wasaarad yar marka loo eego Wasaaradaha kale, Wasaarad meel walba saamayn ku leh maaha. Hase-yeeshee, waxa weeye Wasaarad dhinaca nolosha bulshada muhiim ka ah, waayo? Waxay ka adeegtaa adeegga Cirka iyo Garoommada diyaaradaha ayay Masuul ka tahay, tartan baa bina-aadamka ka dhexeeya, dawladaha dunida iyo kuwa jaarkuba way tartamayaan, waxaa lagu tartamayaa Badda, Berriga, Cirka iyo Dhaqaalaha. Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, waa dalal jaar ah oo walaalo ah oo aan cadaawadi ka dhaxaynin, laakiin haddana tartan baa innaga dhexeeya oo waxaynu ku tartamaynaa Badda Dekedda Berbera oo aynu doonaynaa inaynu kula tartanno dhiggeenna, Garoommada diyaaraduhu waa sidoo kale. Waxaannu ka shaqaynaynay waxay ahayd in qofku isagoon daallanayn oo Diyaarad wayn oo Jet ah la socda uu Berbera iyo Hargeysa ka soo dego, waxaannu doonaynay inay halkani noqoto meel ay Dalxiisayaashu yimaaddaan, Allaah mahaddii wax badan baa noo qabsoomay.

Markaad Run-way dhisato (dhabbaha diyaaraduhu ku cararaan) ee aad diyaarado waawayn u yeedhato waa inaad samaysataa oo lahaataa dhismayaashii dadku kuu fadhiisan lahaayeen, markaa Garoommada Dhismayaal baa lagu daray. Garoonkeennu maanta waxa uu buuxiyey qaabkiisa Baadhitaanka amniga iyo sugidda amniga Madaarka Hargeysa waxa uu buuxiyey heerkii qiimaynta caalamiga ah, waxa uu ka horreeyaa waddamo badan oo la aqoonsan yahay, maaha buunbuunin iyo been iyo faan maaha, laakiin waa wax dunida cidda wax qiimaysaa ogyahay.

Waxaan leeyahay waar waa la is-xantaaye waxba igama raacin, beentay maaha haddaan caawa dhaarto oo saddexda Magac ee Illaahay ku dhaarto taako dhul ahina igama raacin intaa la leeyey dhul baa la kala gooyey taako igama raacin.

Gabagabadii waxaan Hamablyo u dirayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, iyo dhamaan hawl wadeena Wasaaradda Duulista oo si mugleh iila shaqeeyey mudadii aan Odayga u ahaa.”

10403522_405661682964400_5616866016256729333_n

10530927_405661509631084_503952860281946077_n

11034041_405662069631028_7294810883300713626_n

12036532_405661852964383_3291810046186189481_n

12140761_405661542964414_3628350436736517721_n

12187800_405661592964409_1320038063660934456_n

12187823_405662106297691_7734441972487641230_n (1)

12187823_405662106297691_7734441972487641230_n

12189988_405661672964401_4660203772166534044_n

12190111_405661916297710_5628413133422361966_n

12190962_405661862964382_9087529039291704882_n

12191537_405661936297708_758662561570674641_n

12191810_405661749631060_3712777465107406209_n

12191944_405661752964393_5832566030525314932_n

12193283_405661979631037_8355719986350456491_n

12195962_405662006297701_4136540286403566287_n

12196244_405661996297702_7812630533280879942_n

12196353_405661866297715_1829977012906603954_n

12208384_405661619631073_3121405231428386388_n

12219387_405662076297694_4878639034347764776_n

12226928_405661636297738_6065767805201418061_n

12226930_405661549631080_3067283122912558531_n

12227133_405661909631044_3093808031775111699_n

12227639_405661692964399_4886949649942887913_n

12227643_405661762964392_156739434515325537_n

12227778_405661569631078_1496832534964388839_n
ALLA Mahad Leh.

Guul Somaliland. Guul Somaliland. Guul Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here