Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Wasiirka Cusub oo Xilkii la kala wareegay maanta+Sawiro

0
424

Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Wasiirka Cusub oo Xilkii la kala wareegay maanta

Hargeysa(Warsugannews):-Munaasibadan ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismaciil Jirde Iyo Wasiirkii hore Wasaaradaasi Dr Sacad Cali Shire ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor Ee Magaalad Hargeysa, Waxaan Ka Soo Qayib Galay Masuulyiin ka Socday Golaha Wasiiirada , Barlamaanka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ,Masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaasi Qorshaynta Qaranka Iyo Marti sharaf Kale.

Wasiirkii Hore wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee wasaaradu soo martay mudadii shanta sano ahayd ee uu xilka wasaarada Hayey Waxanu yidhi “Wasaarada qorshaynta qaranku waxa ay ka koobantahay shan waxood oo kala ah waaxda maamulka, waaxda qoryashnta iyo waaxda xogta intii KA DAMBAYSAY 2010 wasaarada waxa lugu daray laba waxood oo kala ah waxad isku duwida iyo waaxda horumarinta .

Sido kale waxa la dhamaystiray dhismihii wikhtigaas oo badhtamaha maraayey iyado hada uu dhamaad ku dhawyahay dhisme cusub oo sadex dabaq ah ayaa lugu kordhiyeey dhismihii hore ee wasaarada, wasaarada waxa ay xafiisyo qalabaysan ku leedahay dhamaan lixda gobal Ee Hore iyado loo magacaabay ilaa 7d isu duwe gobaladii hore iyo kuwa dambaba.

Shaqaalaha Ka Hawlgala wasaarada ayaa hada tiradoodo dhantahay 127 shaqaale oo u badan dhalinyaro haysata shahaadad jaamacadaha qarkodna ay soo dhamaysteen farso shaqo oo wasaaradu u dirtay Dibada.

Waxyaabaha lagu soo kordhiyey wasaarada waxa ka mid ah goobta lagu kaydiyo Bugaagta(Library) Hoolka shirarka oo leh qalabka muuqaalka lagu wada hadlo , xafiiska xidhiidhka dadweynaha oo leh qaybo istuudyow loogu talo galay diyaarinta Documentaryada Qaybta ITda , waxaana la sameeyay Laba Website oo midi yahay ka wasaarada midna yahay mid lagu kaydiyo Xogta Somaliland .

Sidoo kale qol loogu talo galay in lagu sameeyo maababka oo qalabkiisu Yaalo iyo qol loogu talo galay server-rada ayaa iyaguna lagu soo kordhiyeey , Qalabka iskaanka ee la mariyo dadka si amaanka loo sugo ayaa iyana ka mida waxyaabihii wasaaradda Mudadi uu wasiirka ka ahaa wasiir Dr Sacad Cali Shire la hirgaliyey, waxaana la sameeyey Qorashayaal Badan oo ay ka mid Yihiin .

1.Qorshaha Aragtida Qaranka Ee 2030

2.Qorashaha Santa Sano Ee Qaranka 2010-2016

3.Waxa sido kale la hirgaleyeey Qorshaha Qaranka Ee 2013 Ilaa 2016.

Wasiirka Oo Hadalkiisa Sii Wata Waxa uu ka dhawaajiyeey “ Waxa la Diwaangaliyeey in ka badan 564 Hay’adood oo isugu Jira kuwa caalamiya iyo kuwo wadaniya , sido kale waxa la qabtay shirar caalamiya iyo kuwo maxaliya .

Barnaamiyada Kale Ee Wasaaradu ka qayb qaadatay waxa ka mida Mashruuca SDF Ee ay maalgaliyaan Wadama Ingiriiska , Denmark iyo Holland oo wax ka taray xaga wadaooyinka, biyaha, beeraha , Kaluunka iyo degaanka , sido kale waxa wasaaradu qayib ka qaadatay nidaamnka shaqaalaha , sharciyada lugu maareeyo miisaaniyada iyo horumarinta Qaybta Gaarka Loo yaqaano (Private Sector), waxa kale oo ay qayb ka qaadatay maal galinta dekeda Berbera iyo jidka Berbera iyo Wajaale(Berbera Corridor).

Waxay wasaaradu xidhiidh dhaw la leedahay hay’addaha DIFID DANINA World Bank, Bangiga Africa, iyo Hay’addo fara badan oo aduunka ah.

Sidoo kale wasiirkii hore ee qorshaynta qaranku waxa uu dardaaran u jeediyey wasiirka cusub waxaanu yidhi “Waxaan wasiirka qorshaynta ee cusub kula dardaarmayaa marka ugu horaysa cabsida ilaahay, waxaan kula dardaarmayaa inuu cadaalada sugo, inuu sharciga wadanka u yaalo raaco, inuu ka fogaado qabyaalada, inuu wakhtigiisa inta badan siiyo hawsha wasaarada ka socota ee aanu ku mashquulin siyaasada, inuu xidhiidh wanaagsan oo sokeeyo oo wada shaqayn la yeesha hay’addaha ajanabiga ah ee aynu la shaqayno, waxaan kula talinayaa inuu si dhaw ula socdo qorshayaasha wasaarada iyo qarankaba oo uu daba gal ku sameeyo siina wanaajiyo xidhiidhka aanu la leenahay wasaaradaha iyo hay’addaha, inuu si gaar ah hoos ugu eego shaqaalaha wasaarada, ka war hayo, albaabkiisu u furnaado oo uu dhiiri geliyo, waxaan kula talinayaa oo kale inuu hubiyo in dadweynaha aynu u shaqayno la siiyo adeegyo fiican.” Ayuu yidhi wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire

Sidoo kale wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Cali Xuseen Ismaaciil oo ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey dadweynihii ka soo qayb galay munaasibada, waxaanu ka waramay wax qabadka uu wasiirkii hore kaga tagayo wasaarada, isaga oo balan qaaday inuu halkaas ka sii anba qaadi doono.

DSC04512

DSC04515

DSC04523(1)

DSC04523

DSC04525

DSC04529

DSC04531

DSC04534(1)

DSC04534

DSC04539

DSC04547

DSC04551

DSC04555

DSC04577

DSC04584

DSC04585

DSC04590

DSC04591

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here