Xasan Waraabe Cadde Oo Iftiimiyey Qaabka Loo Kobcin Karo Ciyaaraha Iyo Dhallinyaro

0
379

Xasan Waraabe Cadde Oo Iftiimiyey Qaabka Loo Kobcin Karo Ciyaaraha Iyo Dhallinyaro

Khabiirka ciyaaraha ee Xasan Waraabe Cadde oo waraysi dheer oo uu siiyey shabakadda Cadalool oo qaybtiisii hore aad Jimcihii ka akhrisateen, ayaa waxa aanu maanta idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad.

Waraysigan oo uu ku lafa gurey ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee wakhtigan socda, sida loo dhisi karo dhallinyaro akhlaaqad leh oo kubadaha kala duwan ciyaara iyo waliba koox uu u qaadi doono dalka dibeddiisa oo ku soo ciyaari doonta waddanka Kenya, ayaa waxa ay qaybta labaad u dhacday sidan:

Sidee loo dhisi karaa dhallinyaro ciyaaraha ku fiican, akhlaaq ahaanna u dhisan?

J: Ciyaaraha waa in laga bilaabo iskuullada hoose, ay ka mid noqdaan waxbarashada oo xiisad ay ku yeeshaan maalin walba. Waa in la soo celiyo macallimiintii isboortiga.

S: Ma waxaad leedahay waa in waxbarashada aasaasiga ah ay ka mid noqdaan?

J: Haa. Ciyaaraha marka iskuulka laga soo bilaabo, xiisado ciyaaraha ah ay ardaydu galaan, markaas ayey dhallinyaro ciyaarta oo akhlaaq leh soo baxayaan. Anigu waxaan ku talinayaa, in la soo celiyo xiisadihii PA (Physical Exercise) ee iskuullada lagu siin jiray dhallinyarada.

S: Laakiin miyaanay taasi adkayn?

J: Maya ma adka. Iskuul walba garoon ayaa ku ag yaalla, halkaas ayaa lagu ciyaarsiinayaa, macallinna waa loo samaynayaa. Inta ay fasallada ku jiraanna, akhlaaqda iyo ciyaarahaba waa loo dhigayaa.

S: Adigu Xasan ahaan, waxa lagugu yaqaanay inaad dhallinyarada iyo ciyaaraha caawiso, hawshaas ma waddaa?

J: Aniga ciyaaruhu waa wax igu abuuran oo aan xiiseeyo, waxaan ahaa ciyaartoy markii aan dhallinyarada ahaa, waana wax iga go’an inaan dhallinyarada caawiyo. Beryahan dambe se waxa aan beddelay qaabkii ahaa inaan lebbis ama kubbado u keeno, waxaanan bilaabay hawl kale oo ah in dhallinayrada la tababaro oo la dhiso. Waad ogtahay, hore dhallinyaro ku jirta Xarunta Agoomaha ayaan u qaaday Norway oo ay kaga qayb gelayeen tartan, waanan ku guuleystay, hase yeeshee si Allah ayey tartankaas uga qayb geli waayeen. Imikana, inkasta oo aanan jeclayn inaan ka hor dhaco, waxa jira dhallinyaro Xarunta Agoomaha ah oo aan u qaadayo Kenya oo ay ku soo ciyaari doonaan magaalada Nairobi.

S: Hawlahani waxay u baahan yihiin dhaqaale iyo dhiirigelin. Yaa garab kugu siiya ee kaa caawiya?

J: Safarkaygii u dambeeyey ee aan ku tegay Yurub, waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo halkaas jooga, iyagaanu ka wada shaqaynaynaa oo barnaamijkan qayb ka qaadanaya. Laakiin aan kuugu celiyo, aniga ciyaaraha iyo horumarinta dhallinyaradu waa wax iga go’an.

S: Dhallintaas ma tababareyaal ayaad u keenteen?

J: May. Dhallinyaro ciyaaraha xiisaysa oo aqoon u leh ayaanu tababar siinay si ay u sii tababaraan, kuwaas ayaa hawshaas qabta, anaguna dusha ayaanu kala soconnaa. Dhallinyaradaasi waxa lagu tababaraa xarunta ciyaaraha ee Ciyaar-same.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here