10 Faa’iido Ee Ugu Horeeya Ee Caleenta Cagaaran (Shaaha) Laga Helo: W/Q Dr Maxamed Yuusuf Amare

0
1207

Caleenta Cagaaran ama shaahu Waa Mid Kamida Waxyaabaha Ugu Qiimaha Badan Islamarkaana Si Balaadhan Loo Isticmaalo Caalamka Guud Ahaan.Marka Laga Tago Inay Tahay Cabitaan Macaan ,Caleenta Cagaarani Waxay Leedahay Faaiidooyin Caafimaad Oo Badan Waana Maado Ka Hor Tagta Xanuuno Badan Oo Ay Keenaan (Viral-Infection) Ama Caabuqa Fayreska,(Antioxidant) Oo Ah Maado Ka Saarto Hawada Cuntada Islamarkaana Ka Hor Tagta In Cuntadu Xumaato,Shaahu Wuxuu Yareeyaa Xanuunada Loo Yaqaano [Inflammatory Disease) Iyo Xanuuno Badan Oo Afka Ku Dhaca Oo Ay Cayayaan Sababaan.
Maadooyinka Ku Jira Caleenta Cagaaran Waxay Daawo Ka Yihiin Ama Ay Hoos U Dhigaan Xanuunada Loo Yaqaano(Chronic Diseases) Ama Xanuunada Mudada Dheer Soo Jiitama Iyo Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Ay Keenaan Sidaas Daradeed Hadaad Joogtayso Isticmaalka Shaaha Wuxuu Kor U Qaadayaa Caafimaadkaga, Kaliya Saddex Ama Afar Koob Oo Shaaha Maalintii Waxay Wax Wayn Ka Taraysaa Xaladaada Caafimaad.
Qaar kamida Faaiidooyinka waa way nee shaaha
1. Wuxuu Kor Uqaada Caafimaadka Maskaxda
Maskaxdeenu Waxay Ubaahan Tahay Dhiig Caafimaad Qaba Kuna Filan Oo Gaadha Si Ay Si Fiican Ugu Shaqayso Inagoo Tix Raacayna Daraasad Laga Sameeyay Dalka Swerland Ayaa Waxay Iftiimisay In Dadka Shaaha Cabaa Ay Xaga Xasuusta Iyo Qabashada Shaqadaba Kaga Fiican Yihiin Kuwa Aan Cabin Shaaha,Waxaa Kale Oo La Ogaaday In Shaahu Uu Xidho Islamarkaana Baabiiyo Waxayaabaha Ay Ka Abuurmaan Xanuunada Loo Yaqaano (Alzheimer’s And Parkinson’s) Waana Labada Xanuun Ee Maskaxda Ku Dhaca Maskaxda ,Waxaa Kale Oo La Ogaaday In Caleenta Cagaaran Ama Shaahu Uu Hoos U Dhigo Inay Soo Dedegaan Xanuunadan Maskaxda Ku Dhaca Ee (Alzheimer’s And Parkinson’s) Waxaana Shaaha Ku Jirta Maado Inay Dareemayasha Maskaxdu Lumiyaan Xasuusta, Waxaana Muhiima Inaad Maalintii Cabto Laba Ama Saddex Koob Oo Shaaha.
.
2. Waxaa Uu Shaahu Hoos Udhigaa Sonkorta Ku Jirta Jidhka(Blood glucose level)
Shaaha Cagaaran Wuxuu Jidhka Ka Caawiyaa In Sonkorta Ku Jirtaa Ay Dhexdhexaad Ahaato Gaar Ahaan Dadka Qaba Macaanka. Maadada Loo Yaqaano(Polyphenols) Ee Shaaha Cagaaran Laga Helaa Waxay Nuugtaa Sonkorta Macaankalabadiisa Noocba (Type 1 $ 2 Diabetes.)
Sidoo Kale Caleenta Cagaaran Ee Shaahu Waxay Carisaa Maadada Loo Yaqaano (Insulin) Ama Dheecaanka Jidhku Soo Daayo Si Uu Hoos Ugu Dhigo Sonkorta Jidhka Ku Jrta Gaar Ahaan Nooca Kowaad Type 1 Diabetes.)
Nooca Labaad Ee Macaanka Ama (Type 2 Diabetes.) Waxaa Ay Caleenta Cagaaran Ee Shaahu Ka Hortagtaa Mushkilahadaha Uu Keeno Macaanku Sida Kuwa Uu Ku Keeno Indhaha , Kelyaha, Iyo Wadnaha , Caleenta Cagaaran Waa Mid Kamida Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Ee Qofka Macaanka Qabaa Cuntooyinkiisa Ku Darsanaayo.
3. Caleenta Cagaaran Waxay Hoos U Dhigtaa Baruurta Jidhka Ku Jirta( Level Of Cholesterol)
Caleenta Cagaaran Ee Shaahu Waxay Si Waxtar Leh Hoos Ugu Dhigtaa Bad Cholesterol Oo Ah Ta Aan Loo Baahnayn Waxayna Kor Uqaada HDL Cholesterol,Cilmi Baadhsiyo La Sameeyay Ayaa Daaha Ka Rogay In Caleenta Cagaaran Ee Shaahu Wax Wayn Ka Tarto Islamarkaana Hoos Udhigto , Jidhkana Ka Saarto (Low-Density Lipoprotein (LDL) Cholesterol, The “Bad” Cholesterol.) Oo Ah Baruurta Aan Loo Baahnayn.Sidaa Si Lamidana Waxay Kor Uqaada Ama Ay Caawisaa (High-Density Lipoprotein (HDL), Which Is Considered “Good.) Oo Ah Baruurta Jidhkeenu Ubaahan Yahay
Lasoo Qaybo Danbe ………………………….
Waxaa Qoray. Dr. Mohamed Yusuf Nuur (Amareh)
Medical Laboratory Technologist
Senior Nutrition and Food Science
Mph Candidate
Email.amareyare@gmail.com