Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir

0
1544

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir
(1942kii – 2015ka)

“Qacda kamaradaydiyo,
Buug xusuusta qaadiyo,
Qabashada rikoodhkiyo,
Qalinkiyo dawaaddiyo,
Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc aan ka dheegay maansada Dhayalsi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormadii: 3aad

5/9/2015ka
Inta aanan ka bixin Siciid Cali Giir iyo dhaqankiisii qoraannimo, waxaan halkan ku caddaynayaa in wehelka dhabta ah ee Siciid ahaa una kala mudnaa sidan: Qalinka, Buug-yaraha (note-book), Raadyowga iyo Kamirada. Waxa ugu badnaa ee uu ugu jeclaa ee uu qaban jiray wuxu ahaa qoraalka iyo diiwaangelinta taariikhda iyo dhacdooyinka. Inta badan qalimmada biirooga ah ayuu adeegsan jiray, fartiisuna waxay u badnayn tan waaweyn. Wuxu caado iyo dhaqanba u lahaa in uu qormooyinkiisa aad u xardho. Waxaan amminsanahay intii dalka la soo galay in Siciid Cali Giir ku tiirsanaa gacantiisa oo aanu adeegsanba kombiyuutarka. Inta badan mararka uu wax qorayo ama Raadyowga dhegaysanayo, isaga oo fadhiya ayuu dhulka ku foorarsan jiray oo wax qori jiray ama dhegta u dhaweyn jiray Raadyowga. Saddexda afba waa uu ku dhegaysan jiray. Qalinka, Buug-yaraha iyo Raadyowga ma dhigin jirin, kamirada se hadba waayihii adkaa ee jabhadeed sida uu u saamaxo ayuu u adeegsan jiray. Buugaagta yar-yar ee uu wax ku qori jiray lambarro taxane ah ayay lahaayeen, dhacdo kastaana taariikhdeeda ayaa ku suntanayd ama ku xardhanayd.
Ergadii Nabadda:
Garaad Cabdil-Qani iyo wefdigii ama ergadii uu hoggaaminayay waxay yimaaddeen Balli-gubadle iyaga oo oo lib sida. Intii aanu Balli-gubadle iman hawl-gal ballaadhnaa oo nabadeed oo uu dhammaantood ku wada guulaystay, Soomaaliyina meel ay joogtaba ay mahadisay ayuu soo galay.
Garaad Cabdi-qani ergadiisa waxa ka mid ahaa:
1. Siciid Cali Giir,
2. Cali Qamar,
3. Maxamed Cali Caateeye,
4. Baashe Cali Jaamac,
5. Sheekh Daahir,
6. Iyo rag kale,

Waxa intaa u dheeraa ciidan ammaankooda mas’uul ka ahaa oo aan u malaynayo in tiradoodu dhammayd ilaa soddon askari. Baabuurtii waxaan ka sii xusuustaa Land-cruiser Garaadku fuushanaa iyo Suzuki uu watay Maxamed Cali Caateeye.

Hawl-gallo iyo Heshiisyo nabadeed oo dhex maray Beelo Soomaaliyeed oo nidaamkii Siyaad Barre dab iyo colaad dhex dhigay. Heshiisyadaa waxaynu ka xusi karnaa
1. Qararro: 10-11/2/90kii,
2. Dannood: 15-16/8/90kii,
3. Gawlallaale: 20-22/2/90kii,
4. Gaashaammo: 20-22/8/90kii,
5. Wanaagsan: 6//9/90kii,

Garaad Cabdil-Qani isaga oo socodkiisa ka soo bilaabay carri Dhulbahante, haddana intii uu u soo socday Balli-Gubadle, degaammadii uu soo marayay wuu ku soo habeen-dhaxay oo meel walba gacmo-furan ayaa lagu soo dhaweeyay iyada oo isla markaana si milgo iyo maamuusba lahayd loogu loogayay. Intii aanu Balli-Gubadle soo gaadhin dhowr maalmood iyo habeennadoodii ayuu Kaam-Abokor marti-sharaf u ahaa. Sidaa ayuu Garaad Cabdil-Qani ku yimid Balli-gubadle isaga oo carrigaa cagta soo mariyay oo baaq nabadeed iyo heshiisyo la mahadiyayba la soo dhex maray. Dadkii kala irdhoobay ayaa boggoodii burcad la isu mariyay.
Siciid Cali Giir, xubin muhiim ah ayuu ka ahaa ergadan. Dhinaca socday iyo dhinaca loo socday ee SNMba xog-ogaal ayuu u ahaa. Wuxu ahaa biriish isku xidha oo meesha ka saara wixii shakiyo dhalan karayay. Intaas ka-sokow ergadan uu Garaadku hoggaaminayay wuxu u ahaa xoghayn iyo diiwaan keydinayay dhacdooyinkii taariikhiga ahaa. Aqoon la yaab leh ayuu u lahaa dadka iyo degaannadaba.
25-26/9/1990kii, ayay socdeen wada-hadalladii ergadii Garaad Cabdil-Qani iyo SNM dhex maray. Intii ay nala joogeen Xaruntii SNM ergada Garaadku siyaabo badan oo togan ayay noo caawiyeen. Waxay na siiyeen sawirkii dhabta ahaa ee ugu danbeeyay ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxa kale oo aanu u qaban-qaabinnay taxane wareysiyo ah oo ay kaga warramayeen waayaha dhabta ah ee Soomaaliyeed, iyaga oo isla markaana wixii dardaaran iyo waano ah siinayay dadweynaha iyo ciidammadii Xoreynta ee SNM.
Garaad Cabdil-Qani wuxu magacaabay ergo rasmiya oo dhinaciisa uga qayb-gasha wada-hadalladii rasmiga ahaa; halka ay SNM-na ka soo magacawday xubnihii dhinaceeda wada-hadallada ka qayb-geli lahayd. Jawi caafimaad qaba oo isu hilow iyo kalgacaltooyaba leh ayay wada-hadalladii ku bilaabmeen. Wefdigu intii ay nala joogeen Xarunta SNM, waxay ku qanceen sawraca iyo baadi-soocda Ururka oo ahayd mid dadweyne ama go’aan-qaadashada oo ahayd mid wadareed oo ku aroorta dhaqanka iyo diinta Islaamka. Siciid Cali Giir hawlahaas oo dhan xuddun iyo udub-dhexaad ayuu u ahaa.
Markii ay labada dhinac wada-hadlayeen laba maalmood ayaa waxay soo saareen War-murtiyeedkan hoos ku qoran:
HESHIIS IYO WAR-MURTIYEED WADAJIR AH OO AY SOO WADA SAAREEN URURKA SNM IYO WEFDIGA UU HOGGAAMINAYO GARAAD CABDIL-QANI GARAAD JAAMAC
25-26/9/1990ka, waxa Xarunta Dhexe ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM) ka dhacay Shir taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ahmiyad u leh, ayna isugu yimaaddeen wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyo xubno Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Ururka SNM, uuna hoggaaminayay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha SNM oo maqnaa ahaana Xoghayaha Warfaafinta. Shirkan oo ku dhacay jawi walaaltinnimo iyo yuhuun halgameed, waxa wefdiga Ururka ee SNM si diirran ugu hanbalyeeyay kaalinta fir-fircoon ee Garaadka iyo wefdigiisu ka qaateen walaalaynta iyo nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed ee ood iyo dan-wadaagta ah. Dhinacooda waxay wefdiga Garaadku ku bogaadiyeen Ururka SNM iyo taageerayaashiisa naf-huridda ballaadhan ee ay u hureen ka-xoreynta ummadda heerayada digtaatoriyadda iyo cadaadinta. Wefdiga Garaadku waxay ku nuux-nuuxsadeen siday uga xun yihiin burburka iyo dilka laxaadka leh ee nidaamka talisku kula kacay dadyowga ku nool gobollada Ururka SNM xoreeyay kana dagaallamayo.
Shirkan oo socday 25-26/9/1990ka, waxay labada dhinac kaga doodeen kuna falanqeeyeen arrimaha badan ee yaal. Wuxu ku furmay kuna socday is-af-garad buuxa ee qodobbadii laga wada hadlayay.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here