Waxyaabahan la joojinayo een badalkooda la hayn

0
391

Waxyaabahan la joojinayo een badalkooda la hayn

Waxay ahayd uun 6bilood iyo badh ka hor iyo markii madaxweynuhu soo saaray go’aanka joojinta isticmaalka iyo soo dajinta bacaha, waxaana go’aankan soo dhaweyey badi bulshada ku dhaqan Somaliland tasoo ay u arkeen in madaxweynuhu manta soo saray go’aan inbadan wax ka taraya deegaanka Somaliland tasoo dad badan og yihiin in bacahu ku hayaan khasare joogta ah deegaanka iyo nadaafada dhamaan deegaanka Somaliland.

Hadaba wuxuu madaxweynuhu siyay wakhti fiican kii soo sarayay bacaha kii soo dajinayay iyo kii ibinayayaba in uu ka faidaysto mudo lixbilood ah, lakin kamuu fikirin wixii lagu badali lahaa bacahan.

Sida la’ogyahay khasaaraha iyo dhibta ay ku hayaan deegaanka oo qof walbaabaana ka dharagsan yahay,

tasoo marka dhinaca kale laga eego bacahu yahay waxyaabahan ugu isticmaalka badan ee ay bulshadu inta badan isticmaasho si ay ugu fushato howlaheega gaarka ah, tasoo marka la eego bacdu noqonayso waxyaabaha ugu isticmaalka badan ee ay bulshadu isticmaasho.

Hadaba go’aanka madaxweynuhu muu noqon mid ka fikiray waxyaabo badan kuna darsoo way badan tahay in waxyaabo aan badalkooda la hayn laga soo saaro go’aano, lana arko isagoo go’aankaasi fuliwayay, hadaba waxaa iswaydiin mudan sababta keentay in aan laga fikirin badalka shayga ee laga fikiro uun joojinta shaygaas,

Dhinaca kale waxaa jira go’aanka joojinta dhuxusha oo la soo saaray mudo ka hor hadana kuba dhow in uu go’ankasi noqdo mid laga dul talaabsaday, ka dib markii la mamnuucay isticmaalka dhuxusha iyadoon la hayn badalkedii

samaayn kuwada yeelan kara dhaman bulshada intaada badan samayn uun ku yeelanaya bulshada inyar oo ka mida.

Go’aankan wuxu aaha joojinta dhuxusha iyadoo looga dhigay badal isticmaalka gaska kaas oo samayn ku yeelanayso bulshada inyar oo ka mida, sababta uu ugu yeelano bulshada Somaliland ma wada mana tahli karto isticmalka gaska, sidan ogsoonahay bulshada Somaliland intooda badan dhaqaale ahaan ma wanaagsana,

iyadoo kaliya ay isticmli karaan uun dad tiro yar oo awooda soo iibsashada gaaska iyo wixii lagu isticmalayay, hadaba mararka qar ayay niyadu ku odhanaysaa malaha dowladu waxay soo saartaa go’aano aan la ogayn maxsuulka ka soo bixi kara iyo samaynta ay ku yeelan karto bulshadeeda,

Waxay noqonayaan go’ aanada noocani mid aan lagala tashan cidii shaqada ku lahayd iyo mid aan inta badan lagu soo darin waxyaabahan ka soo baxaya oo lagu gorfeeyo miis korkii

Ahmed Omar Hussein Ceelaabe
Hargeisa Somaliland

Tell:063 4473206

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here