Maayar Soltelco Oo ku dhawaaqay In Laga Mamnuucayo In Jaadka Lagu Dhex Iibiyo Magaalada Dhexdaada .

0
465

Maayar Soltelco Oo ku dhawaaqay In Laga Mamnuucayo In Jaadka Lagu Dhex Iibiyo Magaalada Dhexdaada .

Hargeysa (Warsugannews)- Maayarka Casimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal ay ku xoojinayaan bilicda caasimada Hargeysa oo ay ka mid tahay in magaaladda dhexdeeda laga mamnuuco in lagu iibiyo jaadka.

Maayarku waxa uu sheegay in ay dhawaan caasimada ka bilaabi doonaan laydhadhka gaadiidka kala haga oo imika tijaabo ku jira. Maayarku waxa kale uu sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan hawl gal ay gudaha magaalada kaga saari doonaan goobaha jaadka lagu iibiyo.

“Waxaa maalmahan-ba tijaabo ku jira oo sidaad la socoteen aanu dhaqan gelinay ishaarooyinkii, kuwaas oo Khamiistii bilaabmay kuna eg Arbacada todobaadkan,”Ayuu yidhi Maayarku Mayarku waxaanu intaas ku kabay “Wixii hada ka dambeeyana qofka ishaaro jiidha si toos ah ayaa loo ganaaxi doonaa oo ay ciidammada nabad-gelyadda waddooyinku ka hawl geli doonaan. Ishaarooyinkaas waxaanu ku bilownay lix isgoys, waxaana toddobadaas cisho aanu eegaynaa wixii farsamo ahaan la arko sida ay waddooyinku u kala muhiimsan yihiin, qof kastaana ra’yigiisa ayuu ka soo dhiiban doonaa.”

“Waxaan u sheegayaa dadweynaha in hadda wixii ka dembeeya aanu mamnuucnay isla markaana joojinay in magaaladda dhexdeeda lagu iibiyo jaadka, waxaanu jaadlayaasha u hirgelinay afar xero jaad oo laga dhisi doono koonayaasha magaalada. Aqbali maayo foostooyin in la dhex dhigo magaalada, qof kasta oo ganacsade ah oo samaysan karaana ma jiro, arrintaasna guddi ayaanu u saarnay,” Ayuu yidhi maayar C/raxmaan Soltelco mar uu la hadlayay qaar ka mida kaalmaha shidaalka ee magaalada ku dhex yaal.

Go’aamaddan ayaa la eegi doonaa siday dawladda Hoose u fuliso mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here