Xog Ku Saabsan Musharaxa Ugu shacbiyada Badan Xisbiga Kulmiye

0
505

Xog Ku Saabsan Musharaxa Ugu shacbiyada Badan Xisbiga Kulmiye

Aniga oo ka midda ah inta ku abtirsata tageerada Xisbiga Kulmiye , waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ku cabiro dareen ololaha iyo sida wax u socdaan :- Musharaxiinta ugu Tageerada badan ee MusharaxaMadaxweynaha Kulmiye.

Waxaan isku taxalujinay inaan ogaado Musharax ugu Tageerada badan musharaxiinta Madaxweynaha Kulmiye , iyadoo aan ka eegay meelo Fara-badan , Badhitaankan oo igu qaatay Mudo badan, ayaa waxaa ii soo baxay , Kala Horayanta Musharaxiinta Iyo Sida ay Kalsoonida u kala haystaan.

Waxaanaan la soconaa in si weyn looga dareemayo Somaliland ololaha doorashada Xisbiga Kulmiye ama masuuliyiinta uga qayb-galaaya Musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa oo la filaayo in 10-ka bisha November 2015 inay ka dhacdo Somaliland.

Waxaana iska cad in Madaxweyne Md Axmed Siilaanyo uu ka tanaasulayo inuu mar kale qaato muddo xileedkiisa labaad ee doorashadda madaxtinimadda,taasina waxaa astaan u ah , madaama aanu jirin olole lagu arko Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, Isla markaana waxaa tartan ka dhaxeeya Musharixiinta kale ee Kulmiye ka wada tirsan. oo isu soo taagay doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto 28 March 2017 .

Hadaba iyadoo uu si xowli ah uu socdo ololaha ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye iyo xigeenkiisa , oo lagu wado in waqtigaasi lagu doorto musharaxa Xisbul xaakimka u mid noqonaya musharixiinta Madaxweynaha JSL, Waxa markii hore fagaareyaasha siyaasadda lagu gorfeeyo lagu hadal hayay tartameyaal u ordaya murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga oo kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyoWasiir Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo markii danbe Axmed Cabdi Kijaadhe uu dhawaan ku soo biiray musharaxiinta Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota.

Dadka xilka Musharaxa Madaxeynaha Kulmiye u taagan oo dhowr Musharax ah, ayaa ku dadaalaya nin waliba sidii uu ugu guuleesan lahaa Doorashada dhacaysa, waxaana ay wadaan kasbashada Xildhibaanada Golaha dhexe Kulmiye , oo iyagu codkooda lagu kala bixi doono.

Sida aan Wararka ku heleyno waxaa hada ugu saameyn badan Musharaxiinta u taagan Doorashada Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye oo loo badinayo in isagu ku guuleysan doono Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, doorashadaasi dhawaan ka dhaceysa Xisbiga Kulmiye.

Sababo badan ayaa loo cuskanaaya:- Musharaxa Gudoomiyaha Kulmiye ayaa haysta, inta badan taageerada shacabka oo saameynaysa Xildhibaanada Golaha dhexe Kulmiye , waxa uu sidoo kale taageero badan ka haystaa, intooda badan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka matala Gobolada iyo Degmooyinka JSL Xisbiga Kulmiye , kuwaasoo oo ku tilmaamay :- In Muuse Biixi yahay hal doorka Musharaxa Madaxweynaha. una qalma in Hogaanka Somaliland isaga loo doorto.

Dadka Falanqeeya Arimaha Siyaasada Somaliland , ayaa aaminsan in xiligan Md Muuse Biixi Cabdi uu yahay shaqsiga Mudan in uu Hogaamiyo Somaliland, waxa ayna tilmaameen hadii shaqsi kale Hogaan Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye loo dhiibo , laga yaabo in Xisbigu uu noqdo mid fashilma oo fadhiid ah.

Qiimeyn kale oo lagu sameeyay , ayaana lagu ogaaday in Muuse Biixi Cabdi uu noqon doono Musharaxa ku guuleesan doono Dooarshada Madaxweynaha Musharaxa Kulmiye, oo ay u taagan yihiin Musharixiintaasi dhowrka ahi , oo iyagana hami badan kaga jiro hanashada Hogaanka Somaliland ee musharnimada Xisbiga Kulmiye.

Ugu danbayntii:- Warbixintaasi oo aan ku eegay dhinacyo badan , ayaa odhanaysa madaama aqlabiyadda Kalsoonida Shacabka iyo Xildhibaanada G/Dhexe Kulmiye uu haysto Md Muuse , isagaa ugu horeeya , uguna cad-cad waa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi, waxaana la sadaalinayaa inuu cod aqlabiyada ku guuleysan-doono . shirka xisbiga kulmiye ee dhacaya bisha 10 november 2015 (Waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato).

Qalinkii :- Adan Yusuf Elmi/UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here