Dugsi Maleh Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane: Qore. Dr. Saciid Sheekh

0
651

Dugsi Maleh Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane: Qore. Dr. Saciid Sheekh

Aayadani waxa wayeeye aayadii ugu dambaysay ee Quraanka soo degta. Markay soo degtay ayaama yar dabadeed ayuu Alle oofsaday Rasuul keenii Maxamad (Salaa Allaahu calyhi Wa Salam). Waa dardaarn kii Alle ee ugu dambeeyey. Alle wuxu leeyahay dad iyo jinowba ka cabsada oo u shaqaysta maalinta intaa dhimataan dhamaantiin Alle u soo noqon doontaan. Dabadeetana naf walba waxay geesatay laga abaal marin doono, iya doon qofna lagu gabood falayn.

Somaliland cadawga koobaad ee horomar iyo ictiraaf u deeday eeragaadiyey ee jiritaan keeda halista ku ahi waa qabyaalada. Qabyaaladaiyo qabiiladu ma isku midbaa, mise way kala duwan yihiin?

Qabiiladu waa abuur Alle oo aan qofna doran aabo iyo hooyo, dhidig iyolab, qolo iyo qabiil , wadan iyo qarad, iyo midab, midnaba. Alleisagaa u doora intaanu qofku calool gelin. Waa halka Alle ka yidhi”Inna Jacalnaakum Shucuuban wa Qaabila li Tacaarafuu; Inna AkramakumCinda Allahi Atqaakum” Hadaan isku dayo inaan tarjumo, Alle SubxaanahuWa Tacaala waxa u inoo sheegaya inu dadka ka yeelay shucuub (dad wadanwada degtaa, maamulna ka dhexeeyo ayaa la yidha shacbi) iyo qabaa’il; siaydin isu barataan oo qabiilaba qabiilada kale u barato. Barsho waxalooga jeeda inay is dhexgalaan oo is jeclaadaan oo xidhidaan oo xididaanoo inan iyo wiilkeed noqdaan. Waxay carabtu ku maah-maahdaa “Al Mar’uAcdaa Limaa Jahil”. Banii aadmigu wuxu ugu neceb yahay oo ugu caadawadbadanyey cidda aanuu aqoon. Dadkoo isbartaa waxay keenaysaasaaxiibtiinimo, kalgacayle, isu heelanaan iyo isu hurid naf iyo maal. WaxaauuAlle aayada ku soo gunaanaday inaan qof qof wax dheeri, lab iyodhidig, inaanu jirin oo dadkoo dhamay Alle ay u siman yihiin. Ka Alleugu dhawi ee Alle u jecel yeyna uu yahay ka ugu cabsida badan ee Allemar walba u hogaansan.

Qabyaaladu waa qabjiladii oo damac lagaliyey oo sad bursi dhaqaale, siyaasadeed ama maamul, iyo awooddawladeed, lagu doonaayo; xaqa qabaa’ilka kale ee wadanka ay ku wadanoolyihiin, ee Alle isbaday, ee aanay aakhiro mooyee ifka meela ku kalatagayn, ay qorigooda boobaan. Dabadeetana qabaa’ il kii wadanka wadadeganaa qabiilaba qabilada kale iska caabido ayadoo la wada adeegsanayohubka halista ah ee qabyaalada.

Qabyalaada maxaa keena?
Waxa u aaba ah suboolnimo iyo diin la’an. Marku wadanku sabool yahay oowax waliba suququl yihiin, dadku hadaanu iimaan koodu wanaagsanayn waxyintii isku reeriba isku daydaa inay iyadu kabursta inta kale. Hadaytaasi shaqayn waydo, qabiilada ayaa isu habar wacata, isu abaabusha inayqaabaa’il ka kale qorigooda soo dhacan iyagoon waxba yamxeerinayn. Taasina waxay keentaa colaad baahsanoo daba dheeraata, oo dadkiixasabada aha ku kala irdhoobaan.

Yaa dabka qabyaalada sii holciya?
Cida qudha ee ay mar walba dadka oo colooba ay dani ugu jirtaa waamaamul xun oo liita, oo musq maasuqa oo xilkiisii gabay oo aan rabinxilka inuu iska dhiibo, hadana ogalayn dadku inay la xisaabtamaan. Sidaqudha ee xukunka caynkaa ku sii waraaqi karaa, waa dadkoo col baydiigo’day ahaada. Maamulkuna hadba qoloda ay is af garan waayaan maheeqoladake ee qatanayd soo dhaweeyo.

Xal ku muxuu yahay hadaba?
Waa su’aasha inagu wada taagan ee, Alle ka sokowyaa, jawaabtiida yaa haya?
Waxan jecley inay akhrista yaashayda wacan ka soo jawaabaan.
Wa bilaahi Tawfiiq
mailto:saeedshm@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here