Waa Kuma Hogaamiya ha Tolmoon ee Somaliland u Baahan Tahay? Qalinkii:- Mustafe Xuseen Xoog

0
438

Waa Kuma Hogaamiya ha Tolmoon ee Somaliland u Baahan Tahay? Qalinkii:- Mustafe Xuseen Xoog

“Ciwaankani wuxuu hordhac u yahay maqaal dheer Scientific article 6 page ka kooban oo aan ka qoray ciwaankan xaga sare ku xusan, kaas oo aan hab taxane ah idiinku soo gudbin doono, waxaanan si xishmad iyo qadarin leh idiinku war galinayaa inaad la socon doontaan dhamaantiin”. Waad mahadsantihiin.

Jihaadku maalin ba meel buu ku jiraa ! Maalin buu ku jiray in xabashi la iska celiyo oo waa kii mujaahid ahmee guray inoo hor kacayay jihaadka. Maalin buu ku jiray in guumaystihii ingiriis dalka laga xoreeyo oo sheekh bashiir waa kii hormuudka inooga ahaa. Maalin buu ku jiray in dib looga la soo noqdo heshiiskii madooba ee habeenkii madaw lagula saxeexday dawladii madoobayd ee xiligaasi madaw ka jirtay somalia !!.

Maanta se’ wadciga iyo waaqica jiraa wuu ka duwan yahay kii shalay. Maanta jihaad ku wuxuu ku jiraa qalinka. Waa jihaad ka gadisan kana waxtar iyo manfac badan kuwii hore ee dalkeenu soo maray. Waa jihaad qalin oo manfac badan. Waa jihaad ay dheeftiisa nuugaayaan shacabkaygu. Waa jihaad qalin oo uu galayo siyaasiba siyaasiga uu ka qalin iyo aqoon wanaagsan yahay.

Waa jihaad casri ah oo ah midka maanta ay dunidu ku jirto. Waa jihaad midhihiisa aanu wiil ku dhimanayn ee wiil ku dhalanaayo. Waa jihaad u baahan aqoonyahan siyaasi ah oo dhiig cusub ku shuba dadkiisa. Waa jihaad u badan siyaasi da’yar, daacad ah, karti badan, isla markaana u shaqeeya dadkiisa een ka shaqaysan. Waa jihaad u baahan siyaasi maan fayow oo dhalinyar ah balse aan u baahnayn siyaasi xiliguu cibaadaysan lahaa taagan. Waa jihaad kii horumarka iyo nolosha san.

Waa jihaadkii ka hayaamida rajo xumida, dib u dhaca, faqriga, waxbarasho la’aanta, qabyaalada, musuqmaasuqa, cadaalad darada ee u hayaamaida barwaaqada, cadaalada, maamul wanaaga, kala dambaynta, xoriyada, iyo sinaanshaha muwaadiniinta somaliland. Waa jihaad hadii aan u doorano si sax ah aqoonyahankii saxda ahaa oo jooga xiligii saxda ahaa Xilkii saxda ahaa inuu inagu hogaamin doono jidka rajada iyo nolosha wanaagsan.

Waa jihaad aan kaadi loo cabayn ee qalin loo cabaayo. Waa jihaad uu gali karo ninba ninka uu ka qalin cabis badan yahay. Waa jihaad aan inooga baahnayn dhaqaale, hub iyo dagaal toona, balse inooga baahan inaan hal mar codkii saxda ahaa siino Jamal kii xalaasha ahaa.

Dalkaygu wuu u baahan yahay siyaasi damqasho u leh dadkiisa. Siyaasi u nugul dhugashada tabashooyinka dalkiisa. Siyaasi buu u baahan yahay meel dheer uuga soo hayaamay dalkiisa si uu jawaab waxtar leh oo muqata uuga bixiyo cabashooyinka dadyowga dalkiisa. Siyaasi buu u baahan yahay aragti dheer oo lasoo shaqeeyay dadyowga dunida.

dalkaygu dhiig cusub ayuu u baahi qabaa, dadkaygu jiil cusub bay u baahan yihiin. Siyaasi danahiisa gaarka ah uuga soo kicitimay waxka qabashada danaha bulshadiisa iyo tabashooyinkooga ayuu ubaahan yahay dalkaygu.

Siyaasi ka jawaab celiya maalinta dadkiisu hiil uuga baahan yihiin uguna hiiliya aqoontiisa uu u leeyahay siyaasada dunida iyo dhaqaalaha maalinta ay joogto. Jamaal buu u baahan yahay dalkaygu ! Jamaal kii ka jawaab celiyay baaqii bulshadiisa aqoontiisa na uugu hiiliyay bulshadiisa maalintii ay u baahnaayeen dadkaygu hiil ee haamahooga shidaalka ee danta guud ah loo marmarsoonayay in la iibsado halka wakhtigaas siyaasiyiintii la midka ahaa sida muuse biixi ka aamuseen; markii danbena uu muuse biixi afkiisa ku taageeray iibka haamaha shidaalka.

Dalkaygu jamaal buu u baahan yahay ! Jamaal kii xalaasha ahaa ayuu u baahan yahay, oo jooga xiligii xalaasha ahaa, doorashadii xalaasha ahayd, oo cod xalaal ah uuga baahan maankii xalaasha ahaa ee muwaadinka reer somaliland. dalkaygu siyaasi ka run sheega waxqabadkiisa ayuu u baahan yahay, siyaasi aan xanaf lahayn ayuu u baahan yahay, siyaasi aan ku milmin dagaal beeledyadii siyaasadaysnaa ee dalkaygu lasoo kowsaday ayuu u baahan yahay.

Qalinkii:- Mustafe Xuseen Xoog

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here