16 Jir Somaliland U Dhashay Oo Si Weyn U Soo Jiitay Indha Madal Kulmisay Ganacsato Iyo Siyaasiyiin, Ka Dib Markii Uu Hargeysa Ku Soo Bandhigay Taleefan Gacmeed Uu Ikhtiraacay

0
455

16 Jir Somaliland U Dhashay Oo Si Weyn U Soo Jiitay Indha Madal Kulmisay Ganacsato Iyo Siyaasiyiin, Ka Dib Markii Uu Hargeysa Ku Soo Bandhigay Taleefan Gacmeed Uu Ikhtiraacay

Hargeysa(Warsugannews) InstagramCapture_fd4dc464-0f74-44f9-97f3-afba0f1d39d8_jpgHargeysa (W/Saxansaxo) Wiil Yar oo dadiisu tahay 16 Jir una dhashay Somaliland, ayaa magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay Mobile uu isagu gacantiisa ku farsameeyey, kaasi oo sida Mobile-dda Shirkadda Isgaadhsiinta ee duniddu soo saaraan isagu sameeyey kuna soo bandhigay Xaflad boqolaal ganacsato iyo madaxbadani ka soo qaybgaleen una sharaxay wixii ku kalifay iyo qaabka uu qalabkiisani u shaqeynaayo.
WP_20151031_003-575x1024

InstagramCapture_fd4dc464-0f74-44f9-97f3-afba0f1d39d8_jpg-612x437

InstagramCapture_fd4dc464-0f74-44f9-97f3-afba0f1d39d8_jpg
Wiilkan yar oo dadiisu tahay 16 Jir isla markaana Fasalka Saddexaad ee Dugsiga Sare ka dhigta Gacan Libaax Secondary School, waxa lagu magacaaba Cabdicasiis Maxamed Xuseen, waxaanu shalay isaga oo ka Qaybgalay Carwadda Hargeysa Businness fair oo Rugta Ganacsiga Somaliland soo qaban qaabilay kana soo qeybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo Somaliland ka socday oo Wasiiro iyo Maayarka Casimaddu ka mid ahaa iyo Madax iyo Masuuliyiin ka kala sococtay ,IGAD, Turkey, Yaman, Somalli, ayuu halkaasi Wiilkani yari ku soo bandhigay Mishiinka Mobile uu isagu farsameeyey oo Masraxa ku soo bandhigay, waxaana mar kaliya is wada bedelay jawiga madaxdii iyo ganacsataddii daahfurka xafladdan ka soo xaadiray ka dib markii ay arkeen Maskaxda iyo dedaalka uu Wiilkan yari ku Ikhtiraacay in uu sameeyo Mobile uu ka hadlashiiyey, waxaana mar qudha ku Xoomay dadweyne Tiro badan iyo inta badan ganacsataddii kala duwaneyd oo ka codsaday in uu Xafiyadooda ku soo booqdo si ay gacan qabtaan una dhiirigeliyaan waxaana halka taageero laba sanno oo wax barasho ah ugu deeqay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud (Soltelko) oo dhiirigelinaaya wiilkaasi yare e dedaalay iyada oo ay sido kale madaxda shirkaddaha waa weyn ee Dahabshiil, Telesom iyo kuwo kale oo waddani ahina si la mid ah u la kulmeen Cabdicasiis yare.

WP_20151031_003Cabdicasiis Maxamed Xuseen oo ka hadlaayey Mobile-ka uu isagu farsameeyey waxa uu yidhi “Horta aan idiin sheego ee Mishiinkani waxa uu la shaqeynayaa aniga (Activate)-ga oo waxa uu ku shaqaynayaa dhiigeyaga oo ah BB+ ee qof kale la ma shaqeynaayo, hadii xata uu qof kale iga xado waxay noqoneysa in aanu qofkaasi Mishiinka Mobile-kani u shaqeyn oo uu iska tuuro uun. Qalabka maskaxda ee uu ku shaqeynayaa waa mid laba dhagax ah kuwaasi oo midkoodna uu yahay mid la dabeeyo mid kalena waa mid ku shaqeeya tamarta Solare-ka Cadceeda , waxaan idiin sheegaya Hadalka Mobile-kaygan aan gacanteyda ku sameeyey xata waa Fasiix iyada oo Siistam ahaan aan isticimaalo shirkadda Telesom dhinaca khadka”

Wiilkan yare ku fikiray in uu gacantiisa ku sameeyo Mobile lagu wado hadlo oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Haddii aan si toos ah idiinku sharaxo arintani waa mid aniga maskaxdayda iyo maankeyga ka keenay oo cid iga caawisay aanay jirin qalabkan aniga ayaa midba meel ka keenay oo gacantayda ku wada farsameeyey aan ka sameeyey Mishiinkan aan Mobile-ka hadlaya ka sameeyey”

Intaasi ka dib Wiilkan yare e lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamed Xuseen waxa ka degay dhinaca uga dhaqaaqay Mimbarka Makarafoonka waxaanu Isteejka ku soo bandhigay Qalab Mishiin xooga yar leeg oo uu isagu farsameeyey kaasi oo sida Landline-ka Isgaadhsiinta ee caadiga ah looga wada hadlaayo isaga oo si toos ah u la hadlay mid ka mid ah Asxaabtiisa oo uu Mobile-kii kagacanta ee uu saaxiibkii sitay ka dib u wacay si caadi ahna isaga oo meel ka fog taagan uu kala hadlayey iyada oo Warbaahinta iyo madaxdii kala duweyneyd ee Wasiiradda , Maayarka Caasimadda, Safiiradda iyo Ganacsatadda kala duweyneyd ee Furitaanka Xafladda Carwadda Hargeysa Businness Fair ka soo qayb galay ay dhamaantood la dhaceen una sacabiyeen Wiilkan yare e dadiisu tahay 16 jirka ee la yimid in uu Mobile- hadlaaya Isagu maskaxdiisa iyio gacmihiisa ku Ikhtiraaco”

Wargeyska Saxansaxo oo Wiilkan yar wax ka weydiiyey sababta ku kalitay in uu sameeyo Mobile-kan uu isagu farsameeyey iyo cida wax bartay waxa uu yidhi “Walaal aniga dadeydu waa 16 Jir waxaan dhigta Galaaska Saddexaad ee dugsiga Sare ee Gacan Libaax, horta ma jirto Aqoonta IT-ga iyo Engineerin midna cid ama Isguul iyo Jaamacad kale oo aan ka bartay Bareefadna waligay mar qudha ayaan yara galay oo Siddeed cisho oo kali ah ayaan dhiganaayey isla markiibana waan isagaga baxay , sababta igu kaliftay in aan sameeyo Mobile-kana waxa weeye in aan anigu aad u jecelahay in aan aaladdaha farsameeyo ama wax Electric-ga ah mar uun sameeyo, waxaan hayaa Boqolaal qalab ama arimo kala duwan oo aan anigu Ikhtiraacay in aan sameeyo, balse waxaan qaba inay tani bilaw ii tahay, waxaan kale oo dhalinyarta ila midka ah ee walaalahayga reer Somaliland ugu baaqayaa qof kasta Illaahay maskax ayuu siiyey in uu maskaxdaasi ka shaqysiiyo oo wax sameyn karo oo waliba Technology-ga wax ku saabsan sameyn karo wax u diidayaa ma jirto waligayna kuma fikirin in aan tahriibo mana tahriibi doono inta tahriibeysa ama ku fikireysana waxaan leeyahay maskaxda ka shaqeysiiya oo dalkiina iyo naficiinahaba wax u qabanta hada waad qaban kartaan oo wax idiin diidaya ma jiro in aan tan aan la imid iyo fursado kale oo badanba la timaadaane”

Xigasho Wargeyska Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here