Madaxweynaha Somaliya oo dhagax dhigay Dhismaha Cusub Ee Safaarada Somali ku yeelan doonto Abu Dhabi Iyo Fadeexada Boqor Buurmadaw oo ka dhex muuqada Sawirada

0
643

Madaxweynaha Somaliya oo dhagax dhigay Dhismaha Cusub Ee Safaarada Somali ku yeelan doonto Abu Dhabi Iyo Fadeexada Boqor Buurmadaw oo ka dhex muuqada Sawirada.

Abu-dabai(Warsugannews) Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh oo soo gaba-gabeeyay safarkii Magaalada New Delhi ee wadanka Hindiya ayaa soo gaadhay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha waxaa magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta kusoo dhaweeyay Madaxda ka Tirsan dowlada isu taga Imaaraadka Carabta iyo madax kale oo ku sugneed Magaalada Abu Dhabi iyo safiirka soomaliya u fadhiya wadanka Isu Taga imaaraadka Carabta.

Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya waxa uu ku dhagax dhigay dhismaha safaarada cusub ee Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhabi, taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta.

Madaxweynaha soomaliya ayaa Booqday xarunta loogu talagalay safaarada soomaliya ee Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta waxaana safarkiisa ku wehliyay wasiirada warfaafinta iyo arimaha dibada dowlada soomaliya.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Cadbiqaadir Shiikheey Al-Haatimi ayaa sheegay in muddo ka badan 42 sanadood ay tahay markii ugu horeysay ee dhul iyo dhismo iswata oo Soomaaliya ay leedahay laga hirgeliyo dalka Imaaraadka Carabta, halka horay ay ugu shaqeyn jireen goobo si gaar ah loo leeyahay.

Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminaayay ayaa Duhurnimadii Maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan dowlada soomaliya sida Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Jawaari iyo Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo iyo saraakiil ciidan
Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay waxa dhagax dhiga goobjoog ka ahaa Boqor Cismaan Buurmadaw oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland indhawaydna ku sugnaa dalka Imaaraadka balse si lama filaana ula kulmay madaxweynaha Somaliya isaga oo u raacay goobtii lagu dhagax dhigay Dhismaha Safaarada Somaliya ku yeelan doonto Imaaraadka, isaga oo la sheegay inuu kulamo dheeraada la qaatay isaga oo adeegsanaaya wasiirka Warfaafinta Somaliya oo uu adeer u yahay Boqorku balse ka falaagoobay Somaliland, Fadeexadan ayaa noqonaysa mid la sugaayo waxay Somaliland kaga jawaabi doonto.
Boqor Buurmadaw

IB0A8005-300x200

IB0A8006-300x200

IB0A8007-300x200

IB0A8068-300x200

IB0A8074-300x200

IB0A8079-300x200

IB0A8082-300x200

IB0A8092-300x200

IB0A8103-300x200

IB0A8105-300x200

IB0A8116-300x200

IB0A8117-300x200

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here