20-12-1984 Maalin Murugo Ku Abuurtay Shacabka Somaliland Gaar Ahaana Magaalada Burco IyoXusuusta Dilka 43 Qof Ganacsade Oo Siyaad Barre Ku Toogatay Togdheer

0
497

20-12-1984 Maalin Murugo Ku Abuurtay Shacabka Somaliland Gaar Ahaana Magaalada Burco IyoXusuusta Dilka 43 Qof Ganacsade Oo Siyaad Barre Ku Toogatay Togdheer

Burco(WSN)Caawa Waxaa Ay ku Beegan Tahay Markii Ciidamadii Dawladii Siyaad Barre Ay Magaalada burco ee Gobolka Togdheer Ku Xasuuqeen 43 qof Sanadkii 20 Bishii 12aad 1984 kuwaasi oo isgu jiray Ganacsato,Askar iyo Siyaasiyiin Waxaana Arintaasi Ka HAdlay Nuur Qaasin Qodax oo ka mid Ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Waalidkood La Dilay Xiligaasi Waxaana uu Alle uga Baryay Dhamaanba In Rabi uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo waxaana uu Yidhi Isagoo Arintaasi ka Hadlaya

“Sidaad la socotaan Caawa waxa ay ku began Tahay habeen Murugo leh oo Geyigani Waayay Rag Qaali ku Ahaa oo kor u dhaafayay 43 nin oo Haldoor u Badnaa Badankooduna ahaayeen Ganacsato,Taasi oo si arxan daro ah oo Maalinta aakhiro La Iskaga Daba Imaanayo Loogu Toogtay Gudaha Magaalada Burco Intaa La isku wada Xidhay,Waxaana Falkaasi Biniaadantinimada Ka fog u Gaysatay Cidii Markaa Talada Soomaaliya Haysatay iyo Wixii loogu yeedhi jiray Kacaankii Soomaaliya ee Siyaad Barre Madaxda Ka Ahaa,Maaha maalin aanu Ilaabayno Maaha mid la iska Cafiyay,Balse xisaabi Waa Danbaysaa

20/12/1984 Niman u badnaa baayacmushtar oo tiradoodu ahayd 52 qof ayaa Burco lagu qabqabtay, balse ragaas sagaal ka mid ahaa waa lasii daayay, ragaas lasii daayay waxaa ka mid ahaa (Indhadeero,Koofiyad Dheere, Dhoodi) oo baayacmushtaro ahaa. 43kii kalena waa la khaarajiyay, ragaas lix ka mid ah waxaa laga soo qabqabtay magaalada Sheekh, dhamaantoodna waxaa la isugu keenay xabsiga dhexe ee Burco waxaana lagu eedeeyay in ay SNM ka tirsanaayeen. Maxkamada wareegta ayaa dil ku xukuntay waxaana la toogtay isla galabtaas, ragii la toogtay waxaa ka mid ahaa:-

Halkan Hoose Ka eeg Xubnaha La Xasuuqay Magacyadooda

1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac

2- ” – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad

3- ” – Ciise Ibraahin Ismaaciil

4- ” – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)

5- ” – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq)

6- ” – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani)

7- ” – Axmed Cabdi Xasan

8- ” – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar)

9- ” – Axmed Yuusuf Mire

10- ” – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne)

11- ” – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas)

12- ” – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur)

13- ” – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood)

14- ” – G/le Maxamed Cali Qorane

15- ” – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye)

16- ” – Ismaaciil Saalax Wiriye ”

17- ” – Maxamed Samatar Axmed ”

18- ” – Saleebaan Hirad Aadan ”

19- ” – Cali Cabdi Xasan ”

20- ” – Aadan Jaamac Warsame ”

21- ” – Maxamed Maxamuud Cabdi ”

22- ” – Axmed Ismaaciil Maxamed ”

23- ” – Cali Cumar Diiriye ”

24- ” – Muuse Xasan Ibraahin ”

25- ” – Cali Giire Cabdi ”

26- ” – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye

27- ” – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye

28- ” – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye

29- ” – Cabdi Xasan Jaamac ”

30- ” – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto

31- ” – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay)

32- ” – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay)

33- ” – Magacu wuu masaxmay

34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay)

35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid

36- ” – Dable Maxamed Cige Xabad

37-Edsane – Cabdi Cali Axmed

38- ” – Saciid Cismaan Geelle

39- ” – Abuukar Cabdilaahi Rooble

40- ” – Cabdilaahi Saalax Giir

41- ” – Cawil Saalax Giire

42- ” – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane