Waxan Go’aansaday in aan Saaxada Siyaasada si Toos ah uso galo Dhawaana waxan Ku biiri Doona Xisbiyada Qaranka Midkood

0
415

Waxan Go’aansaday in aan Saaxada Siyaasada si Toos ah uso galo Dhawaana waxan Ku biiri Doona Xisbiyada Qaranka Midkood.

Hargeysa(WSN)Magacaygu Waa Naciima Cabdi Galiixe Waxaan ku Dhashay Dalkan waxan ku koray Dalkan waxan caruur Ku dhalay Dalkan waxaanan u leeyahay Aqoon & waayo-aragnimo 30 sano Ka badan oo aan Dadkayga ka baranayay sida kolba dhibaatada timaadda xal loogu helo Ee looga gudbo.

Markii aan muddo ka baaraandegay, Aadna uga fiirsaday, anigoo kaashanaya aqoonta aan u leeyahay siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah Oo Ka mid ah cilmiga Aan bartay isla markaana la tashaday aqoonyahano iyo siyaasiyiin waayo arag ah, waxaa iso baxday in aan si buuxda siyaasadda u dhex galo ugana muuqdo aqoontaydii argatida ahaydna (theory) aan ka dhigo mid aan dhaqan geliyo (practical) oo saaxadda Siyaasada si buuxda ula falgasha.

Halgamaagii dadka madow ee Maraykanka Ahaa wuxu yidhi “There comes a time when one must take a position that is neither politic, nor popular, but he must take it because conscience tells him it is right.” Martin Luther King
“Waxa jira wakhti uu Qofku qaato mawqif, “maaha inuu doonayo inuu Siyaasi Noqdo ama Caan noqdo, laakiin Damiirka ayaaba u sheegaya inay taasi waajib ku tahay wakhigan” .

Dadka & Dalka Siyaasadda ayaa laga hagaa Dal waliba Dalka uu ka siyaasadda wanaagsan yahay ayuu ka horumarsan yahay. Haddii dad aqoon lihi hagi waayaan Siyaasadda Waxa Hagi doona kuwo Aan aqoon lahayn waxana aynu Ka dhaxli doona dib u dhac & qorsho la,aan anigoo Og in ay jiraan dad badan Oo Iga aqoon badan Oo Iga Waayo-aragsan Oo Maantana ay Mudan tahay in kuweena Aqoonta leh lagu arko Saaxada Jaangooynta Siyaasadeed Ee Dalka, ayaa qorshahaygu yahay sidee ayaydin Dalkan horumar u gaadhsiin kartaan Oo Umadan Rajo ugu abuuri kartaan Oo khayraadka Wadankooda Ku jira ugu so saari kartaan Oo shaqo ugu abuuri kartaan Oo Tahriibta u yarayn kartaan Oo Abaaraha so noqnoda Qorshe fiican uga yeelan kartaan idinkoo Ku midaysan Aragti kaliya & Xisbi daacad ah Oo rajada & Rabitaanka Bulshada Ka dhabeeya.

Maalmaha so socda waxaan Aad uga fiirsan doona Xisbigii aan Ka mid noqon lahaa kaas oo aan ku xulanayo barnaamijkiisa siyaasadeed anigoon u eegayn dhinaca Reerka & qoyska uu yahayba.

Waayo waxaan rabaa inaan daacad u noqdo oo aan kartidayda dihin kula dhaqaajiyo Xoogii iiga horeeyay Xisbigaa, waana inuu ahaada mid aan niyad ahaan aan ku qancay. Anigoo ka duulaya halkudhegii ahaa
“loyalty to country always. loyalty to party, when it deserves it.”
“ Mar kasta inaad Dalka Daacad u Noqotaa waa inaad Xisbiga Daacad u tahay haddii uu u Qalmo” . Maxaa yeelay doonistaydu kuma dhisna dano dhow & aragti gaaban.

sidaa darted waxan ku biiri doona Xibiga aan u arko inuu u qalmo Dadka mustaqbalkiisa & Hogaanka Dalka insha Allah.
Guusha dhabta ahina maaha dadaalka la bixinayo, Ee waa daacadnimada la geliyay Xisbiga & isku duubnida.
Waxaan qormadan Ku so gabagabayn doona jecelahayna in aan ku dhaqmo xikamadan.
لا خير في قول بلا فعل، ولا في منظر بلا مخبر، ولا في مال بلا جود، ولا في صديق بلا وفاء، ولا في فقه بلا ورع، ولا في صدقة إلا بنية، ولا في حياة إلا بصحة وأمن

“ Khayr ma leh Odhaah aan Ficil lahayn, Xoolo aan Deeq lahayn, Saaxiib aan Balan lahayn, Caalim aan Daacad ahayn, Sadaqo aan Niyo ahayn, & nolol aan caafimaad lahayn”
Naima Galihe