Kulan Saddex-geesood ah oo ay yeesheen Xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran (KULMIYE,UCID iyo WADDANI)

0
1663
????????????????????????????????????

WAR-SAXAAFADEED- Kulan Saddex-geesood ah oo ay yeesheen Xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran (KULMIYE,UCID iyo WADDANI)

 

Hargeysa (Warsugannews) Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu wehelinayo M/weyne-ku-xigeenka Mudane C/raxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa maanta oo taariikhdu ahayd 29.12.2015 kulan muhiim ah oo saddex-geesood ah la yeeshay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran.

 

Kulankaasi ujeedadiisu waxay ahayd sidii Talo Qaran oo loo dhan yahay looga yeelan lahaa arrinta Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, taasoo lagama maarmaan u ah qabsoomidda doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka.

 

Ugu horraan, Madaxweynuhu wuxuu saddexda dhinac ee kulanka ka soo qayb galay u sheegay muhimadda iyo macnaha ay Diwaan-gelinta Codbixiyeyaashu Qarankeena u leedahay taasoo suurto gelin karta in dalkeena ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay masuuliyad Qaran iyo xil-wadareed cid walba saaran, sidaa darteedna uu saddexda dhinac ugu yeedhay si looga wada arrinsado arrimaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka.

 

Xagga Xukuumadda waxa iyaguna hadal kooban ka soo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada (Maxamuud Xaashi Cabdi), Wasiirka Arrimaha Gudaha (Cali Maxamed Waran Cadde) iyo Wasiirka Caafimaadka (Saleebaan Ciise Xaglatoosiye) oo dhammaantood si adag u tibaaxay in Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinku ay yihiin waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran. Wasiirradu waxay hoosta ka xarriiqeen baahida Qaran ee loo qabo in si dhab ah looga wada wada hawl galo arrinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, hadday tahay xagga nabadgelyada, hadday tahay xagga abaabulka iyo wacyi-gelinta iyo hadday tahay xagga maamulka iyo isu-dubbaridka. Dhinaca kale, Xukuumadda iyo Xisbiyada Qarankuba waxay aragti isku mid ah ka bixiyeen sida loogu baahan yahay in Qaranka JSL uu dhab ah ula socdo isbeddellada iyo wacyiga siyaasadeed ee ka jira Gobolka Geeska Afrika. Waxay tibaaxeen in Qaran ahaan ay inagu waajib tahay in dareen iyo ficil isku mid ah laga jawaabo isla markaana fiiro iyo feejignaan gaar ahba loo yeesho weerrarada siyaasadeed iyo fara gelinta qaawan ee lagu hayo qaybo ka mid ah Gobollada Bariga ee Dalka. Sidoo kale, Xukuumadda iyo Xisbiyada Qarankuba waxay aragti isku mid ah ka bixiyeen in baahi weyn loo qabo dar-dargelinta maamul-daadejinta, joogitaanka Hay’adaha Qaranka ee Gobollada Bariga iyo gaadhsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada.

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo lix xubnood oo ka mid ahi ay kulanka goob joog ahaayeen, waxay Madaxweynaha, Xubnaha Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi Qaranba si toos ah ugu soo ban-dhigeen inay Komishan ahaan ka go’antahay in si rasmi ah loo bilaabo Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay dalka ka bilaabmi doonto badhtamaha bisha 1-aad ee sannadkan 2016-ka, Gobolka Togdheerna uu yahay gobolka ugu horreeya ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay ka bilaabmi doonto. Sidaa darteed, maadaama doorashadu ay tahay arrin Qaran oo aanu saddexda dhinac midkoodna kelidii maarayn karin,waxa lagama maarmaan ah in Xukuumadda, Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay arrinta Diwaan-gelinta ku waajahaan talo qaran iyo caqli midaysan.

 

Xukuumadda, Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay si dhab ah uga marag kaceen muhimadda iyo mudnaanta ay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinku dalkeenna u leeyihiin. Saddexda dhinac waxay isku waafaqeen in guud ahaanba si wada-jir ah loola shaqeeyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddadaa ay ku jiraan Gudashada Xilkooda Distooriga ah. Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay is-af-garad lagu go’aansaday talo Qaran oo salka ku haysa in sida ugu habboon ee ugu hufan loo bilaabo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha isla markaana ay ka qabsoonto dalka oo dhan.

 

Ugu dambayntii waxa kulanka hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah ka soo jeediyey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo u soo jeediyey masuuliyiinta Saddexda dhinac u soo jeediyey in sida ugu habboon loo bilaabo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka. Sidoo kale Madaxweynuhu , wuxuu cid walba kula dardaarmay in sida ugu habboon ay u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.