Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Masuul Kasbaday Shaqadii Qaranka. W/Q: Khadar Cabdi

0
636
????????????????????????????????????

Durba saxaafadii Somaliland amaan iyo nabad gal ka sheegatay afhayeena cusub ee xilka hayey wax ka yar mudo laba bilood, waxaanu noqday oo uu ku jiraa masuuliyiinta ugu saamaynta badan xaga xukuumada Somaliland.

Aqoon hore umaan lahayn, laakin waxaan ku bartay oo aan markhaati ka ahay shaqo wanaajinta maalin laha ah ee ka soo baxada xafiiska afhayeenka ee uu ku magacaaban yahay, iyadoo meel kasta aad ku arkayso qoraalo uu ku saxeexan yahay oo waliba up to date ah, gaar ahaana baraha bulshada (Social media) iyo mareegaha kala duwan ee lagu baahiyo wararka Somaliland.

Dadka ayuu marka hore illaahay u kala dhaliyey shaqo qabashada iyo kartida, waana nasiib laysku dhaafay oo aan marnaba sahal iyo dhayl lagu heli Karin, laakinse shaqo wanaagu waa dadaal iyo karti Eebe bixiyo, intaba waan ka arkray afhayeenka madaxweynaha.

Qoraal hufan oo nuxur badan xambaarsan ayaa maalin kasta ka soo baxa xafiska afhayeenka, aniga oo ku bogaadinaya karti badan ee uu galiyey shaqada uu qaranka u hayo oo ku dayasho mudan. Aniga oo uga mahad celinaaya madaxweynaha qaranka doorka lixaadka leh ee uu ka qaatay magacaabistiisa.

Mudane Madaxweyne mar hadaad Xuseen Deyr asiibtay wax badan ayuu ka qaban doonaa hawlaha qaranka ee aad u xil saartay, waxaanan ku kalsoonahay dadaalkiisa durba ka muuqda shaqada aad u igmatay, qarankuna in sidaa loogu shaqeeyo ayuu u baahan yahay.

Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa mudane afhayeen mar hadaad muraayad noqotay waxaa loo baahan yahay in aad iska ilaaliso wax kasta oo dhaawac iyo dilaac soo gaadhsiinaya muraayada aad tahay, adiga oo ka duulaya shaqo wanaag, kana talaabaya ama iska ilaalinaaya qabyaalada iyo nin jeclaysiga oo ah mida galiya ee shaqada disha. Intaasi waa iga dardaaran iyo talo waayeelnimo.

Qaranka Somaliland wuxuu u baahan yahay in loogu shaqeeyo wanaaga iyo daacadnimo, in loogu shaqeeyo karti iyo awood badani, in loogu shaqeeyo sinaan iyo cadaalad, intaba waxaan ka arkay xukuumada Somaliland

Wabilaahi Tawfiiq

Khadar Cabdi

Khadarc16@gmail.com