Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 145 Oo Guri Oo Hay’adda UN Habitat Ka Dhistay Xaafada Jimcaale Ee Caasimadda Hargeysa + Sawiro

0
647

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 145 Oo Guri Oo Hay’adda UN Habitat Ka Dhistay Xaafada Jimcaale Ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Warsugannews) Mashruucani uu xadhiga ka jarista guraha cusub ee loo dhisay dadka danyarta ah ayaa ahaa qoysas hore looga soo raray Berkeda Kaydka Biyaha Caasimada Hargeysa xili ay socotay biyo balaadhinta Magaaladu, Xaflad balaadhan oo qabtay ayaa waxaana Ugu horayn halkaasi ka hadashay Marwo Caasha Maxamed Axmed oo kamida hawl wadaeenada Hay’adda UN Habitat islmarkaana faah fahisay guryahan iyo sida looga faaidaystay iyadoo sheegtay in halkan laga hirgeliyey guryo tiradoodu gaadhayso 145 guri islmarkaana ay ka faaidaysteen dad gaadhaya Kun iyo boqol iyo shan iyo taban qof (1015 qof ) oo reer Somaliland ah islamakaana laga soo raray duleedka Berkeda Kaydka Biyaha Caasimada Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Dibu Dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dadka kula dardaarmay inay ilaaliyaa islamkarana ay dhawraan masuuliyada gurayahaasi oo dhisay ee tacabka badani ku baxay “ Waxan ana leeyahay dadka loo dhisay ee ka faaidaysanyow waa inad ilaashatan guryaha laydin dhisay dhunkaa iyo masuuliyadaa idin saaran intaba waa inaad ilaalisan”
Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa xusay doorka ay Dawlada hoose ku leedahay dejinta dankan danyarta ah islamarkaana dawaldda Japan uga mahad celiyey kaalinta wax ku oolkaa ay ka gaysatay hawshan waxaana uu yidhi maayirku “ Waxan leeyahay waxanu u diyaarinay dadka kale ee 150 kaa haday tahay Xabaalaha New Hargeysa State House ka iyo hadii ay tahay Stadium kaba dhulkii la dejin lahaa waanu u diyaarinay Dawlad hoose ahaan waxaanu ka codsanaynaa Hay’addaha Caalamigaa in intaasi oo dhulaba dad la dejiyo”
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhiga ka jaray ayaa wuxuu gebgebadii hadal ka jeediyey munaasibadii loo sameeyey isagoo si weyn ugu mahad celiyey qoysaska aqbalay in halkan loosoo raro ee danta guud aqbalay sidoo kalena mahad usoo jeediyey Dawladda Japan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaa muhiima in qofku u dhego nuglaado in danta guud meeshii loo asteeyo uu tago marka hore waxan u mahad naqayaa 145 qoys ee u dhega nuglaaday in meeshii ay deganaayen ee halbowlihii Caasimadda Hargeysa ahaa , biyaha aynu ku noolnahay kaydkoodii dul deganaa inay ogalaadeen in looso raro meeshii kale loo asteeyey waxaa kaloo u mahad naqayaa dalkan Japan oo runtii hawsha ugu weyn noo qabtay, Wixii kale idinka dhimana insha allaah kolba sidii wax loo qaban karo dawlada hoose waa idiin diyaar hadii wado laydiin soo samaynaayo kolba intii la gaadhi karo”
Ugu danbayntiiana Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shahaado sharafyo gudoonsiiyey qaar kamida Ururada Bulsahda iyo Shirkadii Dhistay Guryaha qaar kamida Hay’adaha Caalimigaa oo Hay’adda UN Habitat kala shaqeeyey Mashruucaasi.
IMG_4421

IMG_4422

IMG_4428

IMG_4429

IMG_4438

IMG_4439

IMG_4440

IMG_4441

IMG_4443

IMG_4446

IMG_4448

IMG_4451

IMG_4454

IMG_4461

IMG_4464

IMG_4474

IMG_4478

IMG_4489

IMG_4497

IMG_4501

IMG_4525

IMG_4533

IMG_4538

IMG_4552

IMG_4558

IMG_4564

IMG_4568

IMG_4569

IMG_4577

IMG_4584

IMG_4601

IMG_4627

IMG_4633

IMG_4638

IMG_4641

IMG_4645

IMG_4675

IMG_4678

IMG_4682