“Heshiiska Dekedda Berbera iyo Hadalka Odayaasha Reer Saaxil Isma Diidayaan,”Ambassador Baashe Cawil

0
550

“Heshiiska Dekedda Berbera iyo Hadalka Odayaasha Reer Saaxil Isma Diidayaan,”Ambassador Baashe Cawil

Hargeysa(Warsugan) Danjire Baashe Cawil Cumar, wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka Imaaraadka ayaa sheegay in heshiiska Dubai ku maalgalinayso dekedda Berbera iyo dalabyada bulshada reer Berbera yihiin kuwo is waafaqsan. Waxa uu tilmaamay in heshiiskaasi yahay mid marka uu dhammaystirmo la horkeenayo golaha wakiillada, islamarkaana aanay jirin wax qarsoodi ah.

Qaar ka mid ah odayaasha Berbera ayaa ku dooday in dekedda Berbera oo lagu wareejiyo dawladda Imaaraadka ay soo dhawaynayaan balse ayey yidhaahdeen waa in dawladda Imaaraadku dhisto deked cusub, haddii kale aanay Somaliland u baahnayn dekedda dhisan loo maamulo maadaama ay muddo dheer soo maamulanayeen, iyagoo hoosta ka xariiqay inay Imaaraadku wax muuqda ku kordhiyaan dekedda haddii ay maamulkeeda rabaan, haddii kalena aanay suuro gal ahayn in maamulka dekedda dhisan lagu wareejiyo.

Ambasador Baashe Cawil oo ka mid ah laf-dhabarta dadka heshiiskaasi ka soo shaqeeyay ayaa sheegay inaanay dooda odayaasha iyo qodobada heshiisku iska hor imanayn, islamarkaana heshiiska ay ku jirto dhisidda deked cusub oo 800m ah “Qodobada ku qoran iyo dekedda cusub inta baaxaddu leekanayso waxaas oo dhan heshiiska ayaa laga dheehanayaa. Markaa waxaan qabaa inaanay is diidayn haddalladaas odayada reer Saaxil yidhaahdeen ee ah “annagu deked cusub baanu doonaynaa,” markaa dee dekeddii cusbayd baa la wadaa oo waxa la dhisayaa deked sideed boqol oo mitir ah(800m),” ayuu yidhi Ambasador Baashe.

Danjiraha oo lagu waraystay barnaamijka milicigsiga siyaasiga ee wariye Faysal Fadh-fadhle daadihiyo ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiskaasi la wada arki doono, islamarkaana aanu qarsoodi noqon doonin “ Baarlamaanka ayaa la keenayaa, wixii ku jira, wax la qarinayaa ma jiraane, waxaanu qabnaa in ishu macalin u noqon doonto wixii heshiiska ku jira,” ayuu yidhi Ambasadorku.

Xukumadda Somaliland iyo Imaaraadka ayaa wada galay heshiis 30 sanno ah oo lagu maalgalinayo dekedda Berbera, kaasi oo hadda ah gebogebo. Shirkadda Dubai Port oo maamusha dekeddo badan oo caalami ah ayaa sheegtay in hiigsigeedu yahay inay dekedda Berbera dhigto marin muhiim ah oo laga galo Geeska Africa, islamarkaana looga adeego waddamada aan badda lahayn ee Bariga Africa ku yaalla.

Barmaamijkan oo dhawaan ka bixi doona Tv-ga Universal ayaa hor hordhac ka mid ah waraysigaasi oo xayeysiis agaan loogu baahiyey baraha Tvga Universal ay ka mid ahaayeen weedhahaasi.

Xigasho Wargeyska Warsugan