Faa,iidada Midhaha Kulanku ay leeyihiin

0
1940

Faa,iidada Midhaha Kulanku ay leeyihiin

Hargeysa(WSN)Geedka Kulanka loo yaqaan ayaa ka mid ah geedaha faa”iidooyika badan u leh aadamaha geedkan kulanku waa geed looga faa iidasto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dawo,cunto oodasho hadhsasho iyo waxyaabo badan oo aan la soo koobikarin Muuqaalka geedka Kulanka ayaa ah geed midhood cagaaran oo jirid iyo laamo bixiya mararka qaarkood waxad arkaysaa geedkan oo ubaxay si isku cufan iyo isagoo kalikali u taaganba kulanku waxuu leeyahay caleemo badan oo isku dhaw dhaw iyo qodxo .geed midhoodkan kulanku waxuu ka baxaa dhulka xeebaha Somaliland gaar ahaan waqooyiga iyo meelo kale Kulunku waa geed abaareed ku baxa kulka iyo oomanaha had iyo goorna iskama bedelo midabkiisa cagaaran ee lagu yaqaano Geedkan ayaa bixiya midho ay dadku quutaan oo ay kaga baxaan xiliyada adag waanay karsadaan sidoo kale waxay siiyaan xoolaha xiliyada abaaraha daaqu dhamaado.midhaha geedkan ayaa ah midho goobaaban oo qolof adag leh isla markaana uu hoosta kaga jiro beer laba dhambal ah oo sida lawska oo kale ah midhaha kulanku waxay baxaan xiliyada xagaaga iyo dayrta midhihiisa adag marka ay bislaadaan waxaa jilicda oo uu mud ku sameeyaa lafta midhaha iyo diirka sare inta u dhaxaysa

mustafe dhereye kulan 1
Midhaha kulanka ayay dadka aqoonta dheer u leh ay sheegayaan in uu yahay dawo qarsoon oo xanuuno badan lagu dabiibo waxaana uu dawo u yahay caloosha iyo kalyaha waxa kale oo wadamada carabta qaarkood ay ka miiraan saliidaha aduunyada ugu qaalisan dhinaca kale dadka degan deegaanada aan soo maray ayaa ii sheegay in xanuuno uu ka mid yahay macaanka ama sonkorta uu dawo ka yahay
Deegaanada aan ku soo arkay geedkan oo si badan uu uga baxay waxaa ka mid ahaa dhinacyada buurta caanka ah ee Almis, bulaxaar ,ceel sheikh ,karuure ,kalowle, cabdi geedi iyo jiidahaas ku teedsan xeebaha waqooyi
kulan mustafe dhereye2
Geedkan oo aan aqoontiisa wax yar ka iftiimiyay ayaa u baahan daraasad cimiyaysan oo badan waxaanan qirayaa hadii geedkan loo kuur galo in uu yahay qaniimad aan ka war la,nahay oo dhaqaalaheena kor u qaadi lahayd waxaanu u muuqdaa in uu la mid yahay kaluunka iyo xoolaha nool
Waxaanu inoo geli lahaa sida bunka iyo shaaha wadamada jaarku u dhoofiyaan taas oo dhaqaale badan ay ka heli lahaayeen dadkeenu

Wa Bilaahi tawfiiq
Mustafe Maxamed Nuur
Mustafe dhereye