Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 181aad Oo ka soo baxay Maanta Hargeysa

0
437

Xukumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Mid Ah Shaqaalaha Madaxweynaha Maamulka Jubaland

Hargeysa(Warsugan) Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan shaqaalaha madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland ee Somalia. Ninkan oo la sheegay inuu ka mid yahay shaqaalaha gaarka ah ee hoggaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ciidamadu qabteen isagoo magaalada Wajaale uga sii gudbaya dhinaca Itoobiya.

Xogo Wargeyska Warsugan ka helay arrinta ninkaasi ayaa sheegaya inuu ka soo kicitimay Kismaayo, islamarkaana diyaarad kaga degay madaarka Hargeysa, kadibna gaadhi u raacay dhinaca Jigjiga, halkaasi oo uu ugu tagi lahaa nin uu aabbe u yahay sida uu sheegay, hase ahaatee lama oga sababta uu Hargeysa u yimid, kadibna socdaal dhinaca dhulka ah u adeegsaday.

Ciidamada kaantaroolka ayaa ninkaasi ka helay waraaqo muujinaya shaqadiisa uu ka hayo madaxtooyada maamulka Jubaland, lamana sheegin wax ogolaansho ah oo uu ka helay Somaliland. waxaa sidoo kale xusid mudan inuu Madaarka soo dhaafay iyadoon la aqoonsan ujeedada uu Somaliland u soo galay, balse waxaa shaki abuurtay socdaalkiisa uu magaalada Hargeysa ku soo galay una dhaafay magaalooyinka galbeedka.

 Somaliland ayay mamnuuc ka yihiin inay soo galaan dadka siyaasiyiinta ah ee Somalia ka tirsan, iyadoo ninkan madaxtooyada maamulka Jubaland ka tirsana lala xidhiidhin karo inuu hawlo siyaasadeed ku lug leeyahay, hase ahaatee aan la ogayn waxa ka soo bixi doono baadhista boolisku ku hayo, waxaana lagu soo xidhay xabsi ku yaalla Hargeysa, halkaasi oo la filayo in su’aalo socdaalkiisa la xidhiidha lagu waydiinayo.

 

Wasaaradda Daakhiliga Oo Sheegtay In Diiwaangalinta Laga Qabanayo Deggaannada Doorashada Ka Caaggan Ee Xeebta

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegtay in 6 goobood oo hore uga caagganaa doorashooyinka laga hirgalin doono diwaangalinta codbixiyeyaasha ee hadda dalka ka socota. Goobahan oo dadka degaa ku muransan yihiin gobolka ay raacayso ayay wasaaraddu sheegtay in go’aan dawladeed lagu gaadhay in goobahaasi laga hirgaliyo diwaangalinta si ay uga qayb galaan doorashooyinka soo socda.Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyadoo dhawaan odayaasha degmada Lughayaha ka digeen diwaangalintaasi, iyagoo ku dooday inay dagaal horseedayso.

Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa tilmaamay in diwaangalinta laga hirgalinaydo deggaannadaasi“ Diwaangalinta goobahaasi waxaa lala qabanayaa gobolka Sool oo ay diwaangalintu si fiican uga socoto, deggaannadaasna diyaar garowgoodii baan ku jiraa. Odayaasha hadlayna si khaldan baa wax loogu sheegay, erayada ay yidhaahdeena kuwo iska cadho hadal ah ayaan u arkayaa. Dawladduna wixii ay dan moodo ama go’aan ah ee ay qaadato way fulinaysaa oo wixii go’aan ah ee ay qaadataa la tashi ma yeelanayo, balse qodobkan dadka waaba lagala tashaday oo waxbaa laga waydiiyay.”

Waxa uu sheegay in la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenku ka dhacdo deggaannadaasi balse aan wakiillada iyo goleyaasha deggaanka laga dooran inta xal rasmi ah laga gaadhayo “Waxaa lagu qabanayaa uun tartanka heer Madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, sidaanu qoraal ku soo saarayna golaha degaanka iyo baarlamaanku shaqo kuma leh ilaa go’aan laga gaadhayo, markaa dadku waa inay sidaasi u fahmaan,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Geesta kale wuxuu sheegay in dawladdu indho gaar ah ku eegayso cidda ku baaqaysa dagaalka iyo in dhib ka dhaco degaannadaasi “Ninka odhanaya arrinkaas dagaal baan ka gayaa, isagaa og halka uu dagaalka ka galayo, dawladduna erayada caynkaas ah fiiro gaar ah ayay u leedahay, wax la aqbalayana maaha, af xumaaday uun buuna ka yimaad adin xumaaday,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu sheegay inaanu jirin dhul la kala qaadayo oo diwaangalintu sabab u noqonayso “ Dhul la kala qaadayaa ma jiro, dhul cidi kala dhici karaysaa ma jiro, Somaliland ayaynu wada nahay, goobahaasna diwaangalintu way ka hirgalaysaa, waxayna uga hirgalaysaa hore ayaa go’aanka loo gaadhay,” ayuu yidhi wasiir xigeenku, waxa uu intaasi raaciyay in dadkii iska diwaangaliyay goobaha u dhaw mahadsan yihiin, inta kalena ay tahay inay hadda is diwaangaliso.

 Safaaradda Somaliland Ee Imaaraadka Carabta  Oo Dhigeeda Taiwan ka Gudoontay Agab Kumbiyuutaro (Camputers) Ah Oo Ay Ugu Deeqay Qaar Ka Mid Aha Jaamacadaha Dalka.

Dubai(Warsugan)Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta ayaa xafiiskeeda Dubai ku qaabishay Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Imaaraadka Carabta, Mr. Jerry Yang, iyadoo uu qaabiley wakiilka Somaliland ee Imaaraadku, Amb Baashe Cawil Cumar oo ka gudoomay Agab Kumbiyuutaro (Computers) ah oo ay safaaradda Taiwan ugu deeqday Jaamacadaha Qaranka Somaliland ee ka dhisan Gobolada Sool, Sanaag, Saaxil, Togdheer  iyo Gabiley.

Safiirka Somaliland Amb Baashe oo isagu mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii safaaradda Somaliland ay guullo wax ku ool ah u soo gaadhsiin lahayd Qaranka Somaliland ayaa tallaabadan uu qaaday waxay ibofur u tahay xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Waddamada Somaliland iyo Taiwan, taasi oo ay ka dhalan karto xidhiidh wada shaqayneed oo shacbiga iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u horseeda horumar dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsigaba muhiim u noqda madaama oo ay Taiwan tahay dal ku caana wax soo saarna qaybihiisa kala duwan.

Agabkan uu la wareegay Safiirka Somaliland ee Imaaraadku ayaa noqon doona mid loo qaabeeyey sidan hoos ku xusan loona gaadhsiin doono sida ugu haboon Jaamacad walba oo ka mid ah Jaamacadaha loo qorsheeyey iyo tirada loo cayimayba:

  1. Nugaal University, Laascaanood, 10 Computers (Laptop)
  2. Burco University, Togdheer, 10 Computers (Laptop)
  3. Berbera Maritime University, 10 Computers (Laptop)
  4. Tima-cade University, 10 Computers (Laptop)
  5. Ceerigaabo University, 10 Computers (Laptop)

 

Tirada Guud ee Kumbiyuutaro (Computer Laptop) ayaa dhamaa 50 Computer, ka dib markii kulankaasi ay labada Safiir kula kala wareegeen agabkaasi waxa safiirka Somaliland Amb Baashe uu dhigiisa Taiwan gudoonsiiyey Shahaado sharaf ka turjumaysa, sida ay Taiwan isaga xilsaartay inay dhinaca aqoonta gaar ahaan Tiknoolajiyada (technology) yada ay uga saacidaan Jaamacadaha Qaranka Somaliland.

Dalka Taiwan oo ah dal Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada ayaa sanadkii hore horaantiisa, waxa safar shaqo ku tegay wefti wasiiro ah, safarka ka dib waxay dawlada Taiwan deeq waxbarasho (scholarship) ah u bilowday inay sanad walba laba arday oo reer Somaliland ah ay siiso deeqdaasi waxbarasho, kuwaasoo wax ku soo baranaya Jaamacadaha Taiwan, waxaana xusid mudan oo door muhiima ku leh deeqdaasi waxbarasho  ee Taiwan safaarada Somaliland ee UK, oo xidhiidhkaa waxbarasho ku suntan ama la soo mariyo.

Sidoo kale waxa Imaaraadka Carabta ku sugan  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna booqasho ku tegay Xafiiska Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Amb Baashe Cawil iyo Hawl-wadeenada safaaradaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wasiirka Caafimaadka Oo Wax Qabadkiisii Mudada Uu Xilka Joogay Kula Garnaqsaday Reer Ceerigaabo

Ceerigaabo(Warsugan) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa Magaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka SANAG waxa uu kaga qayab galay munaasibad lagu wareejinayay cida maamulaysa Cisbitaalka wayn ee Ceerigaabo.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaaradaasi, Mashruuca Somaliland Developmant Fan (SDF) iyo maamulka Gobolkaasi ayaa wasiir Xagla Toosiye ayaa ku dheeraaday baahiyaha caafimaad ee uu Gobolkaasi soo maray iyo wax yaabihii uga qabsoomay mudadii uu xilka wasaaradaasi hayay, wasiirku waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay Hay’adda Shifaat oo ah Hay’ad wadaniya isla markaana ku guulaysatay maamulka Cisbitaalkaasi ugu horayn wasiirka oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi  “Hay’ada shifaat waxa ay la tartantay 13-hay’adood oo kale oo iyada moo yaane ay sadex iyo tobanka kaleba ay yihiin ajanabi.waad garan kartaa marka awooda ay leedahay mar hadii ay ka guulaysatay intii kale oo dhanba marka waan ku kalsoonahay in ay ha’adaasi ka soo bixi doonto waa jibaadkeeda, hay’adu la wareegi mayso oo siyaasada noo degsan ayaa ah inaanan cidna ku wareejin cisbitaal laakiin waanu la maamulayna waxanu ugu wareejin wayanay hore ayaanu u soo aragnay ha’ado aanu ku wareejinay oo dabeedna iskaga baxay iyaga oo aan nasoo ogaysiin sidii kii Burco” ayuu yidhi wasiirku

Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka hadlay waxyaabaha uga qabsoomay caafimaadka Gobolka iyo sidii uu ahaa marku la wareegay Wasaaradda Caafimaadka “ Waxa yaalay hal anabalaas Gobolka Sanaag oo dhan oo yaalay magaladda Ceerigaabo markii aan tirsaday Wasaaradda maantana waxay yaallan Ceerigaabo oo sadex yaalan, Ceel afwayn, Gar’adag, Laasqoray, Maydh,Xiis,Badhan, Awrboogays intaaba way yaalaan waa toban anbalaas oo jooga, labada mashruuc ee aanu imika keenay ee midna SHIFAAT wado midna BISHA Cas, Wasaaradda ayaa keentay Shaqaale bandanna waynu ka helay adeegyo badan oo caafimaadna waynu ka helna waa la soo kordhiyay, qiimayn markii aanu samaynay waxanu ogaanay in uu yahay Gobolka Sanaag ka ugu danbeeya Caafimaadka taasina waxa ay nugu qabsatay ka wasaarad ahaan wax badan ka qabano imka Maroodi jeex  oo kaliya ayaa ka horeeya markaynu eegno dhimashadii hooyada iyo dhalaanka oo aad hoos ugu dhacaday. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye

 Madaxtooyada Somaliland Oo Munaasibad Sagootin Ah U Qabatay Gudoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Iyo Agaasimaha Cusub Ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Hore Ugu Tirsanaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi.

Hargeysa(Warsugan)Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u qabatay Gudoomiyaha cusub ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmaake Axmed Muxumed (Sharmaake Geelle) iyo Agaasimaha cusub ee Guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti)  oo hore ugu tirsanaa sharaakiisha wasaaradaasi.

Munaasibada oo xalay ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahayd casho sharaf lagu maasuusay masuuliyiintaasi dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay.

Casho sharafeedaasi ayaa waxa ka qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, agaasimeyaasha waaxaha wasaaradaasi iyo hawl wadeeno ka tirsan Madaxtooyadda Somaliand.

Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Sharmaake waynu ku hambalyeynayaa xilka cusub ee loo magacaabay, Waanaynu u ducaynaynaa in ILAAHAY ku asturo xilkaasi, waxa kale oo aanu hambalyo u dirayaa Maxamed Jabarte oo isna inaga maqan oo shaqaalaheena ka tirsanaa oo isna loo magacaabay Agaasimaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland.”

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Saacid Cabdi Ciise, oo isagauna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ujeedada kulankeenu waxay tahay sidii aynu ugu ducayn lahayn xilkaa culus ee loo igmaday labadaas nin ee dhalinyarada ah, ee Sharmaake iyo Jabarte, waxaan leeyahay annaga dhalinyaro ahaan dareen wayn ayey inoo leedahay, xilkaa culus ee heerka qaran ah, taasi waxay sababtay in aanu caawa idin maamuusno oo aanu idin karaamayno, idinkoo awalba naga mid ahaa, xilkaa aad qabataeen ALLE ha idinku asturo.”

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaanu yidhi “ waxaan hambayo iyo duco u dirayaa Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Saaxiibkay sharmaake Geele, iyo Agaasimaha cusub ee guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Jabarte, waxay ahaayeen saaxiibo inaga mida, shaqaalaha madaxtooyada waa dad walaalo ah, oo midaysan wali maan arag labad qof oo loo garqaadayo, faraj iyo wado wayn ayaa inoo furmay maanta waxa inoo bilaaban tahay inaynu dalacno, sanad kaliya ayaa laba shaqaalaheena ka mid ah ayuu madaxweynuhu magacaabay awal may dhici jirin.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawlada Sharmaake Geelle oo ka mahad celiyey casho sharafeeda lagu maamuusay waxanu yidhi “ qofku markuu soo shaqo tago deegaanka uu u soo shaqo tago ayaa keena inuu dhiiranaado ama uu niyad jabo, maalintii u horaysay ee madaxtooyada soo galay iyo maanta oo aan idinka tagayo aroortii markaan soo shaqo tago ilaa duhurkii WALAAHI ma garanayo maalin aan anigoo murugaysan idinka tagay, farxadaas caawa aad igu sagootinaysaa waa ii qiimo. Caawa waxaan qirayaa in intiina halkaas ila joogtaa inay igu culus tahay inaan idinka baxo, shaqo ahaan kala fogaan mayno.’”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo isaguna munaasibadaasi soo gabagabaayey ayaa yidhi “ caawa waxaynu halkan isugu nimid inaynu hambalyeyno Sharmaake oo ka mid shaqaalaheena oo tallaabo hore u qaaday, waa arrintii aynu xisbi ahaan iyo dawlad ahaan doonaynay in dhalinyaradu ay kobacdo oo ay hore u socoto. Ku dhayasho ayuu mudan yahay, raggu marku meel yimaado wuxuu ku kala horumaraa dabciga dadaalka iyo shaqo wanaaga, iyo Umadda oo aad la saaxiibto oo dadku aabo iyo hooyo kuu wada noqdo, maaha inaad noqoto qof dabeecad xun oo marka lala hadlo duda.”

Wa bilaahi Tawfiiq

Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Dacwad La Sheegay In Soomaaliya Ka Gudbisay Qunsulka Hargeysa U Fadhiya Turkiga

Hargeysa(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dacwad la sheegay in xukumadda Somalia ku oogtay qunsulka Turkiga u jooga Hargeysa. Dacwadda ayay Somalia kaga cabanaysaa hadal qunsulku saxaafadda siiyay oo ku saabsan in dawladdiisu aqoonsatay basaboorka Somaliland, balse dawladda Somaliland ayaa arrintaasi ku tilmaantay xaasidnimo iyo xasaradayn dawladda Xasan Sheekh la dabasocoto xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka dibadda.

 Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah, mudane Axmed Aadan Ismaaciil, ayaa sheegay in Somalia caadaysatay ashkataynta heshiisyada iyo cilaaqaadka dhexmara Somaliland iyo dalalka Caalamka, arrintaasi oo uu ku tilmaamay xaasidnimo iyo carqaladaynta wada hadallada u socday labada dhinac ee lagaga wada xaajoonayay mustaqbalka Somaliland iyo Somalia sida uu noqonayo. Waxa uu tilmaamay inay ayaan darro tahay in Somalia ashkatayso qunuslka Somaliland u fadhiya dawladda Turkiga.

“Haddii ay jirto dacwadaasi waxay ka mid tahay nasiib darrooyinka waaweyn iyo hagar daamooyinka dawladda Xasan Sheekh ka madaxda yahay ku hayso Somaliland. barigii hore waxaa la isku haystay oo Somaliland ka tirsanaysay Somalia midawgii aynu la midawnay in dhibaatooyin, tacadiyo fara badan, xaquuq, khayraadkii oo aan loo sinayn iyo dhibaatooyinkii kalifay dagaalkii hubsaynaa iyo goosashada waxaa kaga sii daran xaasidnimada ay xaasidayso ee ay horumarka kala dagaallamayso iyadoo magacii Somalia isticmaalaysa. Waxay tani la mid tahay heshiiskii dekedda Berbera siday u carqaladaynayeen, iyadoo horena Jabuuti heshiis loogu gaadhay, kaas oo nuxurkiisu ahaa inaan wixii horumar ah la iska carqaladayn laakiin, si kas iyo maan iyo badheedh ah ay ugu talo galeen inay sameeyaan,” ayuu yidhi wasiir xigeenka oo u waramayay telefishanka HCTV.

Waxa uu sheegay in Somalia weerar ku soo qaaday basaboorka Somaliland si ay u gadoomiso dawladnimada iyo madaxbannaanida Somaliland “Somaliland oo la ogyahay inay 25 sanno tahay dawlad madax bannaan balse iyagu ay iska sheegtaan, waxay ka mid tahay inay gadoon siyaasadeed galiso oo basaboorka iyo la macaamilka dunida ay xeeladayso.Waxay caadaysteen in meeshii basaboorka citiraafta ama ogolaansho siyaasadeed aynu ka helno ay warqado iyo kolba dacwad u qaraan oo ashkateeyaan,” ayuu yidhi mudane Axmed-keyse.

Geesta kale wuxuu sheegay inaanay jirin wax ka hirgalay heshiisyo hor dhac ahaa oo dawladda Somaliland iyo Somalia dhexmaray intii ay socdeen wada hadallada labada dhinac. Wada hadallo bilawda badhtamihii June, 2012-kii ayaa burburay 2015-kii, hase ahaatee heshiisyo ku saabsanaa wanaajinta iskaashiga bulshada, ammaanka iyo horumarka oo lagu gaadhay 7 kulan oo dhexmaray labada dhinac ayaanay waxba ka hirgalin sida uu sheegayo wasiir xigeenka khaarajigu.

Waxa uu sheegay in dacwadda xilligan dawladda Somalia ka gudbisay Qunsulka Somaliland u jooga Turkigu qayb ka tahay jabinta heshiisyadii la gaadhay “Waxaa ka mid ahaa heshiisyada kuwan hadda ay burinayaan ee ah in wixii xanaf iyo xangaruufo ah inaan warbaahinta la isku marin, wixii lagu heshiiyayna sidooda loogu dhaqmo, wixii horumar ahna inaan la iska xaasidin, markaa waxa weeye wixii lagu heshiiyay ayaanay fulin,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Dawladda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Habkii Soomaaliya U Maamuustay Aaskii Marxuum Maxamed Cali Samatar

Hargeysa(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa markii u horaysay jawaab kulul ka bixisay sidii loo maamuusay Maydka Jeneraal Marxuum Maxamed Cali Samatar oo maalmihii la soo dhaafay lagu aasay magaalada Muqdisho kadib markii uu ku geeriyooday carriga Maraykanka. Dawladda Somaliland waxay sheegtay in aaska loo sameeyay muujiyay cadaawadda loo qabo Somaliland, islamarkaana Somalia mushtamaca Somaliland tustay midabkeeda Rasmiga ah, maadaama ay maamuus heerkiisu sareeyo siisay nin Somaliland xasuuq ba’an u gaystay. Waxaa lagu aasay wasaaradda gaashaandhiga Somalia oo aan hore cid kale loogu aasin, waxaana maamuuskiisa ka qayb galay madaxda dawladda Muqdisho ugu saraysa.

Jeneral Samatar ayaa xilliyadii uu dhacay xasuuqii nidaamkii Siyaad Barre u gaystay bulshada Somaliland ee 1988-kii  wuxuu ahaa masuulka ugu sareeya ee dhinaca Ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga, isagoo sidoo kalena ahaa awoodda labaad ee ku xigtay kalitaliye Siyaad Barre. Waxa uu ahaa madaxa u sareeya ee bixinayay amarrada lagu xasuuqay kumanaan shacbiga Somaliland ah, waxaanu arrintaasi ka qirtay maxakamad Maraykanka kaga socotay, isagoo xaqiijiyay inuu amarka u sareeya lahaa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, ahna afhayeenka xukumadda mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Caddaani) ayaa sheegay in waxa dawladda Muqdisho samaysay tahay arrin dunida ugub ku ah “Arrin ugub ah ayaa ka dhacday dalka Somalia ee aynu jaarka nahay.arrin aan aduunyada lagu arag ayaa ka dhacday. Nin dambiile ah oo maxakamaddi xukuntay, oo isagu qirtay oo xukun sugayay ayaa geeriyooday, waa Maxamed Cali Samatar, madaxweyne xigeenkii Somalia, ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhigana haystay ee sheegay inuu isagu amray baabi’inta magaalada Hargeysa ee kumanaanka qof ku dhinteen, maanta wuu inaga hooseeyaa oo isaga waxba ku tiiqtiiqsan mayno,” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Waxa uu sheegay in maamuuska ninkaasi muujisay wajiga rasmiga ah ee Somalia u hayso umadda Somaliland “Dawladda Somalia ee sida indho la’aanta ah inoo sheegata ee maanta samaysay inay muunayso ama qiimayso ama qadariso nin gacan ku dhiigle ah oo xasuuq maxakamaddi ku xukuntay oo ilaa dawlad, madaxweyne, madax dhaqameed aanay u kala hadhin, waxaad dawladda Somaliland iyo shicibkeeda gudo iyo dibad meelay deggen yihiinba waxaad tusteen “midabkiina rasmiga ahi wuxuu yahay,” inkasta oo aad jirjiroole iska dhigtaan oo hadba midabo yeelataan, maanta waxaa na tusteen inaa tihiin niman daallimiin ah oo u adeega xasuuqa iyo gardarrada oo aan naxariis bani’aadam aqoon, “ ayuu yidhi Mr Caddaani

Waxa uu sidoo kale sheegay Somaliland dunida la socodsiinayso inaanay Somalia waxba wada yeelan doonin maadaama ay wali dafirsan yihiin waxyeelladii Somaliland gaadhay “Umadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dunida u sheegaysaa inaanay dadka caynkaas ah waxay ku darsan karto iyo waxay la qabsan kartaa midna jirin. Iska daa inaanu la mid noqono ama wax Somalia la yidhaa ku biiree, wax allaale waxaanu la qabsan karno ayaan jirin dadka qiimaynaya nin xasuuq qaran lagu haysto,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu intaasi raaciyay in umadda Somaliland ay ka go’an tahay sii xoojinta madaxbannaanideeda iyo mawqifkeeda gooni isu taag “Anigoo ku hadlaya afka xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu leenahay waxaa ka go’an umadda Jamhuuriyadda Somaliland inay adkaystaan magacooda, sharaftooda iyo cisigooda iyo xornimada ay ku nooshahay, Somalia ay ku biirayso ama wax la qabsanaysaana aanay jirin,” ayuu yidhi wasiirku.

Ugu dambeyna wuxuu bogaadiyay bulshada gobolka Sool oo go’aansaday inay Somaliland inteeda kale wax la qaybsadaan, waxaanu sheegay in midnimada Somaliland xoogaysanayso maadaama degmo doorashada Buuhoodle iyo gobolka Sool ay si fiican uga socoto diwaangalinta codbixyeyaasha Somaliland.

Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee Gumburaha

Hargeysa (Warsugan)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Wafti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, is markaana ay xubno ka ahaayeen Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka garabyada haweenka ee heer qaran iyo heer gobol iyo weliba saraakiil kale oo xisbiga ka mid ah, ayaa ka qaybgalay xafladda Wanshaha Gumburaha oo ka dhacday goob si qurux badan looga asteeyey degmadaasi maanta, iyadoo masuuliyiinta xisbiga iyo wasiirro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo ka qaybgalay wanshaqa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey madasha, kuwaas oo khubado ay halkaas ka jeediyeen oo soo jiitay dadweynaha deegaanka kaga warramay taariikh iyo weliba muhiimada ay degmada cusubi leedahay.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa dardaaran dhaxalgal ah ujeediyey shacabka ku dhaqan degmada cusub ee Gumburaha, waxaannu ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan dhismaha iyo weliba horumarinta degmada, “Degmooyinka ujeeddo gaar ah baa loo saameeyaa, sababta ay dadkii u soo halgamay hawsheeda u wadeen waxay ahayd inay kor-u-qaado mujtaca halkan deggen dhinacyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadkaba. Haatan waxa la idinka rabaa in degmada la wada dhisto oo la derdergeliyo, maadaama dhawaan la xisaabtami doono marka kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada la sameeyo,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda degmada Gumburaha leedahay, isagoo si gaar ahna uga sheekeeyey taariikho hore ay degmada goob-joog uga ahaa xilliyadii halgankii hubaysnaa ee SNM lagu jirey oo ay ka mid ahayd talisyadii ciidamadu fadhiyi jireen, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan ahay ninka ugu xiga degmada cusub ee Gumburaha, geedkan innagu dheggenina waa taliskaygii guud ee ciidamada SNM, waxaan hubaa inay tahay magaalo istaahisha in degmo laga dhigo oo weliba aan is-leeyahay waa lagala soo daahay, haddiise degmo laga dhigay waxaan aaminsanahay inay noqonayso degmo dhismaysa oo horumaraysa, waayo waxaan garanayaa oo ku qiimaynayaa ficilka dadka halkan deggen oo aannu xilliyo adag halkan la deggenayn.”

Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu si gaar ah uga hadlay shacabka ku dhaqan degmada Gumburaha oo uu ku tilmaamay qaar xilkas ah, waxaanu sheegay inay farxad gaar ah u tahay inuu wanqasha degmadii xilligii halganka fadhiisinka u ahayd maanta goob joog u ahaado,“Magaaladani waxay leedahay odayaal iyo waayeel xilkas ah oo hoggaamin leh, waxay leedahay shicib aad iyo aad u wanaagsan, waana dad aad iyo aad u deeqsiyaal ah, waxaana sharaf weyn ii ah in anigoo jabhad halkan ku joogay inaan maantana goob-joog ahaado in Gumburaha loo magacaabay degmo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin, waxa uu halkaas kaga dhawaaqay deeq lacageed oo Toban kun oo dollar ah oo uu xisbiga KULMIYE Kaga qaybqaadanayo horumarka degmada cusub ee Gumburuha, “Waxaannu qorshaynay inaannu maanta Guddoomiyaha guddida Beesha halkan degen ku wareejinno lacag dhan Toban Kun oo Dollar ($10,000), wixii kale ee baahiyaheeda ah waanu la socon doonaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin, waxaanna markii uu hadalkaasi ku dhawaaqa is qabsaday sacab iyo mashxarad ay isla oogsadeen shacabkii madasha joogay, iyadoo shacabka deegaanku garwaaqsadeen sida hagar la’aanta ah ee xisbal-xaakimku u garab taagan yahay deegaankaasi, isla markaana ay iyaguna u taageersan yihiin.

Wasiir Cukuse Oo Ducufnimo Ku Tilmaamay Xisbiyada Ku Ololeeya Qabyaalada Salaadiintana Ugu Baaqay Inay Ku Eekaadaan Arimaah Dhaqanka 

” Ummaddu Way Inagu Qososhaa Oo Dunidu Way Inagu Qososhaa Labada Waxee Aynu Is Garab Wadnaa Isma Gelayaan” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Warusgan)Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa si adag uga hadlay qabyaalada iyo nidaamka axsaabta badan waxa uu sheegay kuwasi oo walaac ka muujiyey inaan lays garab wadi karin mudan tahayna in la kala qaado  Cabdilaahi Cukuse oo arrimahasi ka hadlaayaa ayaa waxa uu yidhi  ”  Waxaanan u malaynayaa imika xisbiyadii kusoo kordhay nooc xunoo tartanoo fool xunoo kolay ardayda jaamacadahu necebtahay,  oo ah qabyaalad had iyo jeer afka lagu hayo qabyaalad iyo xisbina meel ma wada galaan dumarku akhasbay odhan jireen  waxaas oo kale markuu wax liita yahay, hadii qabyaalada carabka uun lagu hayo waxay noqonaysaa inaynaan xisbi u jeedinee wax kale u jeedno xisbiguu doonaba ha ahaatee xisbiga ku ololeeya, waa xisbi iin leh oo daciifa oo aan garanaynin waxa uu u taagan yahay waxaa la doonayaa inuu xisbigu isku kalsoonaado oo uu isa soo taago oo uu ku tartamo waxa uu taariikhda soo ahaa iyo waxa uu ummadda u qaban doono “

Mudane Cukuse oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay in dunidu la yaabto qabyaalada iyo dimuraadiyada aynu is dhinac wado waxaana u sheegay in labadu is gawracayaan ayna haboontahay in la kala saaro  ” Ilaah baan idinku dhaaryee ummaddu way inagu qososhaa oo dunidu way inagu qososhaa labada waxee aynu is garab wadnaa isma gelayaan qabyaalada iyo tartanka dimuqraadiyada ee nidaamka axsaabta badan isma gelayaan waxa jira oo keliya mid ahaan hadaynu labadii is delayey is garab wada is nidhaahno way is gawracayaan dawladnimadaa inaga baa ba’aysa  aynu u tudhno dadkeena iyo dalkeena aynu nidaamka dawladnimo aynu qaadanay u tudhno, taariikhda qofku wixii uu lahaa iyo waxa uu ummadda kusoo kordhin doono haku tartamo oo tartanka hakaga qeyb galo, Waxaan idiin sheegayaa halkan Wasaaradda Xanaanada xoolaha halkan waxaa ku yaala dhisme  ay wasaaradu leedahay oo dumay oo beri hore la dhisay  waxaan balan qaadaynaa inaan dhismihii bilowno oo aan dib u cusboonaysiino oo ay noqoto xarun caafimaad, marka la tartamayana markalaan ku celinayaa waan soo dhaweynayaa  dhalinyarada aynu u tudhno nimanka  salaadiinta iyo cuqaasha sharaf iyo karaamay  qabyaaladda haynoo hogaamiyaan nimanka kalena ku dhaca ha yeeshaanoo xisbinimada haku kalsoonaadaan”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Xadhiga   Ee Hal Abuur  Siciid Maxamuud Gahayr Iyo Eedaymaha Loo Haysto

Hargeysa(Warsugan) Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis  oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay Xadhiga ciidanka boolisku kula kaceen Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mida hal abuurka dhalinaryada Caasimadda Hargeysa, waxaana uu sheegay inuu ku eedaysan yahay falal amaanka wax u dhimaaya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ” Ciidanka Boolisku waxay gacanta kusoo dhigeen oo ay soo xidheen  Siciid Maxamuud Gahayr kaasi  oo lagu eedaynaayo inuu u kacay falal naabd gelyo daro ah oo wax u dhimaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo ninkaasi fariin ku faafiyey baraha bulshada ka wada xidhiidho  (Social Media) kuwaasi oo uu ku faafiyey hanjabaado iyo fariimo lidi ku ah nabad gelyada dalka”

Afhayeenku waxa uu uu sheegay inuu Siciid Gahayd ku eedaysan yahay falal nabad gelyo daro ah kuwaasi oo uu xusay inuu kulamo la qaatay dad hore looga raray Masalaha islamarkaana uu ku guubaabiyey inay kusoo noqdaan Madaarka halkaasina ay ka abuuraan nabad gelyo xumo  waxaana afhayeenka oo arimahaasi ka hadlaaya uu yidhi  ” Ninkaa la leeyahay Siciid Maxamuud Gahayd wuxuu la shiray dadweynihii laga raray masalaha hargeysa wuxuuna ku guubaabiyey inay dib ugu soo noqdaan garoonka si nabad gelyo daro halkaa ay uga sameeyaan”

Dhanka waxa uu Gaashaanle sare Faysal Xiis waxa uu ka dhwaajiyay in Ciidanka Booliska, Garsoorka iyo Xeer Ilaalintuba ay awood u leeyihiin inay wax soo xidhaan  waxaana uu carabka ku adkeeyey in Mr Gahayr uu ku xidhan yahay sifo waafaqsan sharciga waa sida uu hadalka u dhigaye  markale waxa uu yidhi ” Dadbaa hadlay oo waxay leeyihiin cid kalaa soo xidhay waar xeerka iyo sharcigu wuxuu shegayaa in Ciidanka Booliska, Garsoorka iyo xeer ilaalintu inay wax xidhi karaan oo keliya ninkaa booliskaa sifo  sharciga waafaqsan baana lagu soo xidhay Maxkamadana waa la hor geeyey”

Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan  Oo Ka Hadlay Saami Qaybsiga Wakiillada Codsiga Aqoonsiga iyo Tayaynta Waxbarashada

Hargeysa(Warsugan) Suldaan Maxamed  Axmed Suldaan cabdiraxman suldaan Diiriye oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Somaliland gaar ahaana Subeer Awal, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin saami qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland, codsiga bulshada Somaliland ku muujisay rabitaankooda citiraaf caalami ah iyo tayaynta tacliinta Somaliland.

Suldaanka oo nagu soo bookhday xafiiska wargeyska Warsugan ee Hargeysa ayaa ugu horayn ku taliyay in bulshada Somaliland ku niyad samaato qaabka madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u qaybiyo kuraasta Wakiillada, maadaama wakiillada iyo asxaabta qaranku ku guul daraysteen hanaan lagu qaybsado kuraastaasi.

“Arrinka saami qaybsiga wakiilladu muddo ayuu soo jiitamayay, xaqiiqatan waxay ahayd in baarlamaanku hawshaas qabto laakiin, ma suuro galin, saddexda xisbina uma suuro galin arragti midaysan inay ka qaataan, waxaana lagu celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga ayuu arrinku horyaal, waxaan shacbiga Somaliland iyo saddexda xisbi oo saxeexay ku adkaynayaa oo aan leeyahay waa inay iimaansadaan oo ku niyad samaadaan wixii madaxweynuhu xal u arko ee uu arrinta Saami qaybsiga ka soo saaro,” ayuu yidhi Suldaanku.

Geesta kale wuxuu bogaadiyay wasaaradda arrimaha dibadda oo dhawaan soo bandhigtay xog ururin laga sameeyay dadweynaha Somaliland ee gobollada kala duwan ku nool, taas oo hal milyan inka badan saxeexday go’aan lagu taageerayo qaddiyadda Somaliland “Waa arrin loo baahan yahay runtii, shacbiga Somaliland dagaal qadhaadh ka dib 1991 gooni isu taag ayaynu ku dhawaaqnay, waxaana lagu xaqiijiyay aftidii 97 boqolkiiba u codaysay 2001-dii, codsigan u dambeeyayna waa mid loo baahnaa oo beesha caalamka aynu kula garnaqsan karno. Waxay ka turjumaysaa aragtida bulshada Somaliland ee ku nool 6-da gobol ka qabto gooni isu taagga, waanan ku bogaadinayaa wasaaradda khaarajiga talaabadaasi,” ayuu yidhi suldaanku.

Waxa kale oo uu farriin u diray qurbejoogta Somaliland ee qurbaha ku kala nool “Waxaan farriin u dirayaa mushtamaca Somaliland ee dibada, dadkii gudaha waad aragtaan oo hal milyan iyo 21 kun oo qof ayaa bulshada caalamka ka codsaday in aqoonsi la siiyo, idinkuna idinkoo hawlo badan qabtay, gaar ahaana jaaliyadda Ingiriisku, waxaan mar labaad idinku adkaynayaa dhammaan shacbiga Somaliland ee deggan waddamada Yurub, waqooyiga Ameerika, Aasiya iyo Afrikaba inaad samaysaan isu soo baxyo balaadhan oo lagu taageerayo codsigaa bulshada Somaliland samaysay ee Qaramada midoobay iyo beesha caalamka loo qaybin doono. Waa inaa qaranka u hiilisaan oo ka qayb qaadataan codsigan,” ayuu yidhi Suldaanku.

Ugu dambeyna wuxuu Suldaan Maxamed bogaadiyay isbedellada dhinaca waxbarashada ee wasiirka waxbarashadu wado, isagoo soo jeediyay in macalimiinta la tayeeyo, sidoo kalena farsamada gacanta iyo ta kalluumaysiga la horumariyo “Waxbarashada Somaliland way kobcaysaa, intii wasiirkan cusub ee Cabdillaahi Dheere joogayna talaabooyin badan ayuu qaaday oo aan ku bogaadinayo.In macalinka iyo manhajkaba la tayeeyo waa waxyaabaha waxbarashadu ku turxaan baxayso.Manhajkii waxbadan baa laga qabtay, waxaan ku gubaabinayaa in macalinkiina la tayeeyo oo aqoontiisii kor loo qaado,” ayuu yidhi Suldaanku.

Isagoo sii hadlaya waxa uu yidhi “ Waxa kale oo aan soo jeedinayaa waxbarashadii farsamada gacanta in la tayeeyo. Marka ardaygii soo qalin jabiyo ee jaamacaddii ka baxo dadkeenii ma wada helayaan inay xafiis wada fadhiistaan, markaa waa in farsamada gacanta la kobciyo oo gobollada dalka oo dhan laga furo.Waxa kale oo muhiim ah in xirfadihii kalluumaysiga wasaaradda waxbarashadu door ka qaadato iyadoo la kaashanaysa wasaaradda Kalluumaysiga maadaama aynu leenahay xeeb dheer oo laga faa’iidaysan karo,” ayuu yidhi Suldaanku.