Qabyaalada Dadka Kale ka Dhaxaysa Iyo Middan Lagu Sameeyo Dadka La Hayb Sooco Way kala Duwan Tahay…Prof:-Abdi Ali Jama
0
699

Qabyaalada Dadka Kale ka Dhaxaysa Iyo Middan Lagu Sameeyo Dadka La Hayb Sooco Way kala Duwan Tahay…Prof:-Abdi Ali Jama
118_n
Qabyaalada Dadka Kale ka Dhaxaysa IYo Middan Lagu Sameeyo Dadka Laga Sameeyo Dadka La Hayb Sooco Way kala Duwan Tahay…Prof:-Abdi Ali Jama

Qabyaaldda dadka kale ka dhaxaysa iyo middan lagu sameeyo dadka la hayb sooco way kala duwan tahay. Waxay kaga duwan tahay iyaga waa la isugu tagay.

Waxay ila tahay qabyaaladda dadka kale iyo dulmiga ay isku sameeyaan waa mid is ceshanaya haba kala badsadaane, waxana xal u ah in aynu u gudubno dawlad casri ah oo sharcigu sarraynta leeyahay(Modern government with rule of law). Laakiin midda lagu hayo dadka laga tirada badan yahay- haddii ay sax tahay in sidaa loogu yeedho-in waxuun laga sii qabto ayaa

loo baahan yahay inta aan loo guurin dawlad casri ah. Maxaa yeelay waa mid dhan laga wada maray oo ka baxsan bani’iidamniamada.

Waxan odhan lahaa intaynaan isku qaadin qabyaaladda oo dhan aynu ta dadkan la hayb sooco ku ekaanno. Taasina waxay u baahan tahay diyaargaraw weyn iyo in oodo dhacmeed siday u kala sarreeyaan loo kala guro.

Ma qabo in dadkaasi maanta u baahan yihiin in qof siyaasi ahi xil ku doonto. Haa xaq bay u leeyihiin in xilalka wax laga siiyo, laakiin waxan u jeedaa intaas way ka qoto dheer tahay kana durugsan tahay. macnaha in xilal loo magacaabo. Haddi kale, ii sheeg in mashkiladda haybsooco ku dhammaanayso xillal la siiyo reerkaas.

Waxa loo baahnan yahay in aynu maanta tallaaboyin la taaban karo qaadno oo aynu dadkaa wax ugu tarayno. Matalan aynu nidhaahno ilmo kasta oo dadkaas ka mid ah waxbarashadu waa u bilaash. tusaalahaas iyo kuwo la mid ah aan maanta ku dhaqaaqno. Iyaguna waa inay dhexdooda is caawiyaan oo ay adkaystaan inta la gaadhayo is bedelka loo baahan yahay.

Tusaale ahaan yuhuudda oo aad loogu cadaadin jiray Yurub iyo Mareykan waxay ku qaadatay in la aqbalo 9 qarni oo dhaw-dhaw. Maanta ninka cadi wuu aqbalay qofka yuhuudiga ah. immika wey kala guursadaan, waxana yuhuuddii laftoodii ay ka baqanayaan in ay ku milmaan dadka cad oo la waayo jiritaankoodii, taariikhdoodii, diintoodii iyo dhaqan-koodii, maxaa yeelay aad baa looga badan yahay.

Uma jeedo qarniyo ayay qaadanaysaa in dadkeena la hayb sooco aynu aqbalo.Maxaa yeelay innaku waxaynu nahay dad isku diin ah oo isku midab ah, dhaqan iyo taariikhna wadaaga. ninka cad iyo ninka yuhuudiga ahi intaa midna ma wadaagaan. Haddii aynu immika bilawno gacan qabashada waxan ku kalsoonahay in la dedejin karo. Laakiin aniga qiyaastayda muddo yar ma noqonayso. Ninka u haysta dhawr xil oo loo magacaabo in ay wax weyn ka beddelayso xaaladda dadka la hayb sooco, gu’na ma jirin. Waayo xisaabta kumuu darsan ama wuxu qalad-fahansan yahay in ay mashikiladdani tahay mid ku qotonta taariikh dhaqan- dhaqaale, loona baahan yahay in qiimayaal badani isbeddelaan. Qiimayaashaasina ay yihiin kuwo madax adag.

Talada ugu shilis ee aan siin lahaa dadkan dhibaataysan waxa weeye in iyaga laftoodu ay kalsooni muujiyeen oo aanay iska dhigin in ay haari ku yihiin kala guursiga iyo isdhexgalka dadka.

Buug aan akhriyay oo la yidhaa “Jewish Phenomena” waxay yidhaahdeen -Yudhuudu- markii ay noo diideen dadka cadi cisbitaaladoodii si ay caruurtayada soo baratay dhaqtarnimada ugu tabobartaan, maanu qeylin mananaan cataabin ee waxan dhisanay cisbitaallo annagu aanu iska leenahay, ka dibna waxa dhacday in aanu caruurtoodii u ogolaanay in ay tabobar ku qaataan kuwayaga. sidaas bay iyaguna markii danbe ugu ugolaadeen caruurtayada kuwoodii. sidaas baa la isugu faruurmay.

Sidoo kale markii ay noo diideen kalaabadoodii, waxanu samaysanay Kalaabo annagu aanu leenahay, laakiin annaku cidda iyaga nooga timaadda, waanu u ogaalan jiray Kalabadayada illa markii danbe iyaguna ay noo ogalaadeen kuwoodii.

Laakiin ogow, cisbitaalada iyo kalaabada ay samaysteen waa kuwo aan ka dhicin in ay ka fiican yihiin mooyaane kuwa caddaanku leeyihiin. Markaa waxan kula talin lahaa dadkeenan la hayb sooco in haddii aad damacdaan in aad wax samaysaan, aad samaysaan wax tayo sare leh. Laakiin haddii aad samaysaan meelo ka liita kuwooda, ma jirto cid idiin imanaysa.

Matalan haddii aad samaysaan iskuullo fiican oo tayada waxbarashadu sarrayso, waxa la hubaa in caruur badan oo Aji sheeganaysa la idinla baryi doono in aad iskuulka qortaan. Dabadeedna ay faan noqon doonto caruurtaydu waxay dhigataa iskuulka dadka la hayb sooco.

Dhinaca kale siyaasadii hore ee aan kor ku soo sheegnay haddii dawladdu tidhaa ilma kasta oo dadkaas ah waxbarashadu waa u bilaash, iyada lafteedu waxay keeni kartaa in dad badani caruurtooda ku sheegaan in ay reerkaas yihiin si waxbarasho bilaash ah ay u helaan. waliba waxan soo jeedin lahaa in aan la qodqodin qof kasta oo reerkaas sheegta loona qoro caruurtiisa si marka danbe cuqdadu meesha uga baxdo.

Taas aan kor ku soo sheegnay, waxay ka dhacday yurub oo makii la yidhi waxa la isku dhiibaa qoladaa laga tirada badan yahay, ay dadkii oo dhami wada sheegteen sidaasna ku heleen sharcigii wadamada bixiya qaxootimada.

Sidaas darteed, waxan ku soo khatimi lahaa dadkeena kale qabyaaladda aynu ka cabanayno waa mid xalkeeda innaga gacanta inoogu jira. taasoo sidaynu soo sheegnay u baahan kaliya sharci shaqaynaya. taasna haddii ay innaga dhab tahay waynu samayn karaa. Ee ta darani waxay tahay tan la xidhidha dadka la hayb sooco, taasoo iyada lafteeda loo baahan yahay in laga daayo siyaasadda. Maxaa yeelay waynagii soo sheegnay in xilal loo magacaabo reerkaas ay mashiladdu ka qoto dheer tahay. Macnaha waa in laga soo bilaabaa dadaalka dhinca arrimaha bulshada sida waxbarashada oo aan qabo in ay tahay furaha xal u helidda mashkiladda dadka la hayb sooco ee muddada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here